ISLAAMKU WAA DHOWRAHA XUQUUQDA NAFLAYDA

Islaamku wuu kasoo horjeedaa mana ogola xad-gudub walboo lagula kaco ruux bani’aadam ah Muslim iyo Gaal midkuu doono ha ahaado e, islaamku wuxuu qof walbo siiya xuquuqdiisa isla markaana si aad ah uga taxadarta eexda iyo qof jaclaysiga marka ay timaaddo xuquuq siinta qofka Muslimka ah iyo qof aan Muslim ahaynba.

Islaamku wuxuu si buuxda u damaanaqaaday nolosha qof walbo, mana jirto meel ay shareecada islaamka uga taalo in lagu xad gudbo xuquuqda ruux aan waxba galabsan, ruuxa dambiilaha ah waa meeshiisi, dambiile waa dambiile, wuxuu mutaysto ayey marinaysaa shareecada xad-gudub la’aan, xitaa dambiilaha lama ogola in lagu ciqaabo wax ka badan inta uu mutaystay (micnaha lagu xad gudbo) kaliya intuu geystay in u dhiganta uun baa laga goynayaa.

Dunida Muslimka ah, kuwooda looga dhaqmo Diinta Islaamka – qofkii sameeyo xad gudub noocuu doono iyo intuu doonana ha la ekaade waxaa lagu xukumaa wixii diinta fartay in qofkaas la marsiiyo ama lagu ciqaabo. Marka aan fiirino Haweenka Muslimiinta ah, Diintu waxay siisay xuquuq dhameystiran oo sal adag mana jirto diin aan ka aheyn Islaamka oo sidaa u ilaalisay, inkasta oo mararka qaar bulshada dhexdeeda xad gudubyo ka dhacaan haddana mar walba bulshooyinka Muslimiinta ah way ogyihiin in Diinta Islaamku ay si weyn u ilaalisay waxa ay xaqa u leeyihiin haweenka Muslimaadka ah.

Haweenku qudhooda waxaa laga rabaa inay ogaadaan in xuquuqdooda oo dhameystiran ay diintooda Islaamka u balan qaaday, sidaana, Islaamka ayaa damaanad qaaday xuquuq walboo ay leeyihiin sidaa awgeed ma jirto sabab ay ugu hanqal taagaan wax kale iyo meel kale.

Haweenka Muslimaadka ah Waxaa kaloo la gudboon  in ay si qoto-dheer u bartaan una fahmaan diintooda oo aan loogu turjumin si ay u ogaadaan darajada ay diinta islaamka gaarsiisay, inta badan haweenka muslimiinta ah hadda waxaa saacida oo ugu warama Culimada oo ka caawiya in ay fahmaan xuquuqdooda ku salaysan shareecada Islaamka. Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u ololeeya waxbrashada gabdhaha oo ah “Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay”.

Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada guud ahaan rag iyo dumarba. Marka ay timaaddo in haweenku ay jago sare u tartami karaan iyo inkale waxay ubaahan tahay in dib loogu laabto shareecda oo loo bandhigo Culimada diiinta sida wanaagsan ugu xeeldheer, waxaase mar walba la og yahay in aysan diintu culeys ahayn oo ay ku dhisan tahay hab fudud oo naxariis ku jirto.

Dumarku waxay kaalin weyn ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah haddii ay tahay mid qoys iyo bulsho intaba, waana sababta ay u yihiin aas-aaska qoyska, oo iyaga la’aantood wax badan horumar lagama gaareen marka ay timaaddo meesha dadka u ah aas aaska nolosha iyo horumarka bulshada intaba. In lala tashado haweenka waa muhiim marka la gaarayo go’aamada ku qotoma arrimaha masiiriga u ah diinta iyo kuwa bulshada ama qoysaska dhexdooda ahba, waa arrin mudnaanteeda leh, in la ogaado inay tahay wax weyn, sababtoo ah Nabi Muxammad wuu la tashan jiray xaasaskiisa taas oo muujinaysa sida shareecadu arrintaa muhiimadda u siisay.

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha xuquuda dumarka ay shareecda Islaamku waynaysay ee waxaa jira dalal badan oo Muslimiin ah oo haweenkoodu ay sheegaan in waxa ay xaqa u leeyihiin uu qorayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Xiligii Nabiga NNKH dumarku door muuqda ayay ku lahaayeen bulshada waxaana la xaqiijiyay haddii ay si dhab ah u fahmaan shareecda Islaamka in ay ku qancayaan halka ay diintu dhigtay xuquuqdooda.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen