Ciidanka Xoogga iyo kuwa Galmudug oo dardargaliyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Howlgaladaan ayaa ka socda dhulka miyiga ee jowlo,caad,dumaaye,Dabagalo ,Jeexjeex,halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha nabad-diidka ah ee khawaarijta.

Qaar kamid ah taliyaasha ciidanka eek u sugan goobaha furimaha ayaa sheegay in ay haatan sii baacsanayaan haraadiga kooxaha khawaarijta ee ku sii cararaya dhulka keymaha ah ee gobolkaasi.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee la doonayo in guud ahaan khawaarijta looga saaro deegaanada Gobolada Soomaaliya.