R/wasaare ku xigeenka XFS ” Heshiis ku sheega Itoobiya iyo Muuse Biixi waa mid halis ku ah dalkeena iyo Qaranimadeena

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Heshiis ku sheega Itoobiya iyo Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah dalkeena iyo Qaranimadeena.

R/wasaare ku xigeenka XFS ayaa xusay in uusan suurtagal aheyn damaca boobka ah ee Itoobiya,kaas oo uu ku tilmaamay in uu salka ku hayo Ictiraaf ku aadan Kala goynta Dalka soomaaliya iyo qaadashada bad Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa qiray in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dadaalkeeda dhanka dibolomaasiyadda caalamka iyo kicinta bulshada gudaha,sidaa daraadeed,waxa uu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan doorka kaga aadan difaaca dalka.