Duqeymo weli ku socda Gaza iyo Maxkamadda ICJ oo qaadeysa dacwad ka dhan ah Israel

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa lagu wadaa inay maanta dhegeysato dacwad ay soo gudbiyeen Koonfur Afrika oo ku saabsan in Israa’iil ay xasuuq ba’an ka geysatay Gaza.

Israel ayaa xoojisay duqeynta Qaza,gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta Qaza ka hor dhageysiga dacwad xasuuq ah oo loo heysto dalkaasi,taas oo ka dhaceysa xarunta Maxkamadda ICJ ee The  Heuge.

Sharci yaqaanno ka socda Israel ayaa ku sugan xarunta maxkanadda ICJ,waxaana dowladda dalkaasi ay sheegeen in eedeymaha la xiriira xasuuqa ee ay wadaan xukuumadda K/Afrika ay yihiin kuwo aan sal laheyn.

Weeraradii ugu dambeeyay ee  Israa’iil ay ka fulisay Rafah waxaa ku dhintay ugu yaraan shan, wariye oo ka tirsan Aljazeera.

Sidoo kale duqeyn ay sameeyeen Israa’iil oo ka dhacday meel u dhow u Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee Deir el-Balah waxaa ku dhintay ugu yaraan siddeed qof sida laga helay ilo caafimaad oo u waramay Al Jazeera.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu dilay 40 ruux ,halka 24-kii saac ee la soo dhafay Gaza lagu dilay 147.

Ugu yaraan 23357 qof ayaa la dilay, in ka badan 59,410 waxaa lagu dhaawacay weerarada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar.