Qurbejoogta Soomaaliyeed oo ku baaqay in Abiye Axmed lagala laabto biladda nabadda adduunka

Qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa codkooda ku biiriyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka qaawan ee ay dowladda Itoobiya ku hayso madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Qurbejoogta ayaa Daddaalkooda waxaa ka mid ah baaq ay u direen guddiga bixiya billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, iyaga oo ugu baaqay in ay Ra’isul Wasaaraha Itoobiyaa Abiye Axmed ka xayuubiyaan billadda, maadaama sida  uu meelo ka baxsan xuduudiisa ka abuurayo colaado,iyo boob sharci darro ah.

Qurbajoogta ayaa qorsheynayaa garyqaanno gaar ah oo codsigan gudbiya marka uu helo saxiixa shacbiga Soomaaliyeed.

Haddaba si codku meel dheer u gaaro saxiix codsiga lagu dalbanayo billad ka qaadistiisa Abiye Axmed.

https://www.change.org/p/petition-to-revoke-abiy-ahmed-s-nobel-peace-prize-over-horn-of-africa-conflicts