Antony Blinken oo Israel kala hadlaya ilaalinta rayidka Falastiin iyo gaarsiinta gargaarka

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa gaaray Israel, isagoo sheegay inuu riixi doono ilaalinta Falastiiniyiinta rayidka ah iyo gaarsiinta gargaarka ay u baahan yihiin brakacayaasha Gaza.

Xoghayaha ayaa ka soo ambabaxay Dalka Imaaraaraadka Carabta oo uu ku tagay booqashadii afaraad ee Bariga Dhexe, isagoo soo maray Qadar,Sacuudiga iyo kuwo kale.

Hawlgalkiisa ugu weyn ee safarka xoghayaha ayaa ah inuu hubiyo in dagaalka Israel iyo Gaza uusan ku fidin dagaal goboleed.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay sii wadaa duqeymaha ay ka geysanayso koonfurta iyo bartamaha Gaza, iyadoo la soo sheegayo duqeymo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Al-Aqsa.

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa ka digaysa masiibo soo socota oo ku wajahan Falastiiniyiinta barokacay,sida dhimasho, gaajo, fuuqbax iyo cudurro.

Ugu yaraan 23,084 qof ayaa lagu dilay – oo ay ku jiraan 9,600 oo carruur ah – iyo ku dhawaad 59,000 oo ku dhaawacmay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.