General Gacma-duule”Qofkii soo dilo xubin Khawaariijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”,

Generaal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Inshallah tacaallaa socon doona, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida ee Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar, ‘’ ayuu yiri Generaal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in  saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta,islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen.