Madaxweyne Xasan Sheekh “Wixii ka dhacay 1-dii bishaan Addis Ababa waxa uu ahaa duulaan qaawan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la kulmay xildhibaannada laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyaa ayaa markale ka hadlya doolaanka qaawan ee Itoobiya ku soo qaadaday Soomaaliya,islamrakaan carabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacbka uu isku duuban ay ka go’antahay difaaca qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiis benaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Itoobiya ay dowladda iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u arkaan mid lagu soo duulay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Heshiis benaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Addis Abba waxa uu ahaa duulaan lagu soo qaaday dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya la yiraah, jiritaanka iyo qabka qofka soomaliga meel walba uu jogaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa jiritaanka qod walba oo Soomaali ah lagu soo duulay”

Mudane Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhamaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.