Tirada Saxafiyiinta ku dhintay duqeymaha Isra’iil ay ka waddo Qaza oo sii kordhay

Xafiiska midowga warbaahinta marinka Qaza ayaa goordhaw ku dhawaaqay geerida labo Wariye oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira Waa’il Al-Daxduux, kadib duqeyn ay Ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Khan Yoonis ee koonfurta marinka Qaza, taasoo tirada Saxafiyiinta ku geeriyooday duulaan Isra’iil ay ka waddo dhulka Falastiin ka dhigeyso 109 Wariye.

Wariye lagu magacaabo Xamza oo uu dhalay Madaxa Xafiiska Al Jazira ee Marinka Qaza Waa’il Al-Daxduux oo dhawaan qudhiisa ku dhaawacmay duqeeymo halkaas ka dhacay iyo Mustafa Thuraya ayaa goordhaw ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil kula beegsatay Galbeedka magaalada Khan Yoonis ee Koonfurta Marinka Qaza.