Doorashada madaxtinimmo ee Puntland oo goordhow Garoowe ka bilaabatay

Garoowe:-Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah ka ka bilaabatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Puntland Cabdirizaq Axmed Siciid ayaa sheegay inta doorashada socota la joojiyay wax dhaq-dhaqaaq ah

” Inta doorashadu socoto wax dhaqdhaqaaq ah lama sameyn karo albaabada waa la xirayaa”. Ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq.

11 musharrax oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilka haya mudane Saciid Cabdullaahi Dani ayaa u taagan xilka Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, iyadoo sidoo kale xilka madaxweyne kuxigeenka iyana waxaa ku tartamaya 11-kale.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada meel kasta lagu arkayaa ciidanka amniga sugaya, iyadoo dadweynaha isku-socodkooda aad loo koobay meelaha, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Puntland.