Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo ka dhacay Burco

-Kumannaan shacab ah oo ka careysan damaca dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer

Shacabka Burco oo ka careysan heshiis benaadka is afgaradka ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Burco kuwaa si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa aad uga careysan tallaabada ay qaaday Dowladda Ethiopia, taasoo 1-dii bishaan ku dhawaaqday wax ay ugu yeertay is Afgarad ay lagashay Somaliland.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi,iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taaka kamid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin itoobiya.