Ra’iisul Wasaarihii hore XFS Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray SONNA

:-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee facbook hambalyo ku aaddan sanad guurada 60-aad ee SONNA u diray madaxda wasaaradda Warfaafinta iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraalka mudane Cali Maxamed Geedi ee uu soo dhigay bartiisa ayaa sidan ahaa:-

 

“HAMBALYO XUSKA SANNADGUURADA 60AAD EE WAKAALADDA WARARKA QARANKA SOOMAALIYEED (SONNA) 5ta JANNAAYO 2024

Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhamaan madaxda iyo hawlwadeennada Wakaaladda SONNA iyo guud ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda JFS, xuska sannadguurada 60aad ee ka soo wareegatay aasaaskii wakaaladda awgiis.

SONNA baal dahab ah ayay kaga jirtaa taariikhda warbaahinka qaranka Soomaaliyeed waxaana lagu xusuustaa sida ay wararka iyo macluumaadka guulaha dowladda u gaarsiin jirtay una gaarsiiso bulshadeenna goor iyo goob kasta.

Wakaaladda iyo madaxdeeda waan uga mahadcelinayaa adeegyada hufan oo ay u hayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana u rajenayaa horumar iyo baraare iyo in ay sannadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo caafimaad”.