Madaxweyne Xasan: Dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo xukunna kuma doorto

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa sheegay in marna uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka Soomaaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuudaa la iyiraahdaa, waana la iyaaqaa dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanaya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

“Haday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegto” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay xiligii gumeysiga sidan oo kale damaca Itoobiya diiday iyadoo tix galineyso heshiiskii kala dhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka gobollada Waqooyi, isagoo soo hadal qaaday dhulka dowladda Itoobiya heysto ee Soomaali Galbeed.

“Kuwa Soomaali oo aan talo fiicneyn oo barigaas talo kulahaa dhulka baxay inuu baxay, Soomaali talo xumaatay oo masaalix ka dhax arkay cadowga ayaa dhulkaas bixisay, waana aragnay meesha maanta jooga inaan qorniga 21-aad mid kale bixino sax ma ahan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxgaradka dagan gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inaysan marna ogalaan damaca liita ee dowladda Itoobiya ee ku aadan in dhul Soomaaliyeed la siiyo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Itoobiya u sheegay in masaalixda lagu heshiin karo aysan ku jirin ama bad, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto damacaas liita ee dowladda Itoobiya.

“Masaalixda aan ku heshiineyna dhulka ka mid ma ahan, oo bad ka mid ma ahan, oo dal iyo dad ka mid ma ahan”. ayuu yiri Madaxweynaha JFS.