Dowladda FS oo dalbatay shir deg deg ah oo ay yeeshaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsi ku aadan in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka ayaa xusay in shirkaasi kiiga hadkayo cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Somaliland.

Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yahay in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carbeed lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.