Xildhibaanada gobolka waqooyi Bari ee Kenya oo cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ee gudah Soomaaliya

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa cambaareeyay xadgudubka Itoobiya kula kacday madax banaanida dhuleed ee JFS Isla markaana waxaa ay ugu baaqeen QM, Midowga Afrika iyo IGAD in talaabo degdeg ah laga qaado Ethiopia haddii aysan ka laaban arrinkaa ay ku dhaqaaday.

Xildhibaanada Soomaalida ah ee Baarlamaanka Kenya qeybta ka ah ayaa Madaxweynaha Kenya William Ruto ugu baaqay inuu si degdeg ah isugu yeero madaxda IGAD si arrintaan looga hadlo.