Dibadbax looga soo horjeedo xadgudubka Itoobiya oo lagu qabtay Warsheekh

Shacabka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isugu so baxay banaabax ay kaga so horjeedaan damaca Madaxda Itoobiya ku dooneyso qeyb kamid ah Badeena Soomaaliya.

Banaabaxan oo lagu taageerayey go’aanka Dowlada Soomaaliyeed ka qaadatay xadgudubka Itoobiya ayaa waxaa kaso qeybgalay Maamulka Degmada Warsheikh Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee Hirshabelle.

Shacabka oo socdaal kuso maray qeyba kamid ah wadooyinka Degmada warsheekh ayaa sheegay in Diyaar u yihiin difaaca Dalka ayna taageersanyihiin Dowlada Soomaaliya go’aanka kaso baxay.