Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan oo taageero loogu muujiyey DFS

Sudan Flag Against City Blurred Background At Sunrise Backlight

Khartoum:- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Suudaan ayaa looga hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu sheegay in muhiim tahay in loo hoggaansamo  ilaalinta xeerarka caalamiga lana ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Waa laga maarmaan in loohoggaansamo nidaamka caalamiga ah ee hadda jira, Axdiga Qaramada Midoobay, nidaamka aasaaska ee Midowga Afrika, iyo qawaaniintacaalamiga ah, iyadoo la ixtiraamayo madaxbannaanida, iyo xudduudaha dawladaha caalamku aqoonsan yahay, tani ayaa ah saldhigga nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Suudaan.

Suudaan ayaa sheegatay in iskaashiga u dhaxeeya dowladaha lagu dhiso aaska-aaska shuruucda caalamiga oo la raaco nidaamka sharciga ee saxda ah, taasoo meesha ka saareyso la xiriirka kuwa aan sharciga u laheyn in lala galo heshiis.

“Waxaan ku baaqeynqa in xal loo helo dhibaatadan si kor loogu qaado ka go’naanta qawaaniinta caalamiga ah iyo ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya oo xubin ka ah Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta. Dawladaha Carabta iyo IGAD,” ayaa kagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay dowladda Suudaan.