Mareykanka oo walaac ka muujiyay xadgudubka Itoobiya ee gudaha Soomaaliya

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka Matt Miller ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay aqoonsan tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya taas oo ku saabsan xuduuda 1960.

“Waanu aragnay warbixinataas,waanu ka walaacsanahay,waxaanu ku biirnay asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan oo ay xiisadda ku xalliyaan wada hadal,.Maraykanka waxuu aqoonsanyahay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda unaa u yahay 1960-kii,” ayuu yidhi Miller.

Dowladda Mareykanka ayaa ku soo biirtay ka falcelinta xadgudubka ay dowladda Itoobiya kula dhaqaaqday dhulka iyo xuduudah Soomaaliya oo si weyn uga caroodeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.