Magaalada Caad ee gobolka Mudug oo Khawaarijta laga saaray

Baxdo: Ciidamada difaaca shacab (Macawisley) ayaa gudaha u galay magaalada Istaraatiijiga ah ee Caad oo dhacda Koofurta gobolka Mudug kana mid ah goobihii ugu dambeeyey ee Khawaarijtu ka joogtay koofurta Mudug.

Howlgalka waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenada Xarardheere iyo Ceelhuur iyo masuuliyiin kale waxaana gebi ahaanba Caad iyo nawaaxigeeda iskaga cararay maleyshiyaadkii Khawaarijta ee muddaba ku dhibaateynayay shacabka.

La soco faah faahino dheeraad ah.