Israa’iil oo dishay ku xigeenkii madaxa xafiiska Siyaasadda Xamaas

Fiidnimadii Xalay, dhaq-dhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in la dilay ku xigeenkii madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Saalax Al-Caruuri iyo laba kale oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha kooxda.

Duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lagu beegsaday xafiiska dhaq-dhaqaaqa Xamaas uu ku lahaa duleedka koonfureed ee Caasimadda Lubnaan.

Wakaaladda wararka Lubnaan ayaa sheegtay in Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay beegsadeen xafiiskii ay Xamaas ku laheyd degaanka Musharafiya, taas oo keentay in saddex ka mid ah Sarakiisha Xamaas lagu dilo.

Al-Caruuri ayaa dhowr toddobaad ka hor ka soo muuqday telefishanada ku hadla Afka Carabiga, isaga oo bixinaya Wareysiyo uu kaga hadlaayay gardarada Ciidamada Isra’iil ay ku hayaan dadka iyo dhulka reer Fastiin.