Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo kan gobolka, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal.