Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS oo dhaleeceeyay damaca Itoobiya

Guddoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan ayaa ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Is-afgaradka Abiy iyo Muuse, (MoU) wuxuu xad-gudub ku yahay, Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna saameyn xun ku yeelan doonaa xasiloonida iyo nabadda Gobolka.

Waxaa muuqata in nidaamka ka taliya Addis Ababa uu iska indho-tirayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah oo xaq u siinaysa Dowladda Soomaaliya oo keli ah in ay geli karto heshiisyada caalamiga ah kuna matali karto magaca jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya heer caalami.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa u caddaatey in nidaamka ka taliya dalka Ethiopia uu ku riyoonayo siduu u boobi lahaa qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, waana riyo nidaamyadii kan ka horreeyay ee Ethiopia ay  ku riyoon jireen.

In loo istaago difaaca gobonimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa waajib saaran Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.