Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Ciraaq oo guddoon doortay

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee Dalka Ciraaq , ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Somaliya.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah kana dhacday Villa Hargeysa ayay ku doorteen xubnahan kala ah:

Guddoomiye: Sanatar. Sareedo Maxamed Xasan Jayte
Guddoomiye ku xigeen: Saciid Maxamed Maxamuud xaydXoghaye: Fa’isa Maxamed Jayte

Waxaana goobjoog ahaa Habdhowre Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka” Xoghayaha Guude Ee Golaha Shacabka BJFS iyo Xoghayaha Guud Ee Golaha Aqalka Sare.

Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo shacabka walaalaha ah ee labada dal.