Sirdoonka Turkiga oo sheegay inay gacanta ku soo dhigeen tiro kamid ah Mossadka Isra’iil

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa sheegay in Taladadii Shalay ay gacanta ku dhigeen in ka badan 30 Eedeysane oo la sheegay inay ka tirsanyahiin Mossadka Isra’iil, kuwaa oo laga soo qabqabtay  qeybo ka mid ah Gobalada Turkiga.

Dadkan la xir xiray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen beegsiga dad Ajanabi ah oo ku nool gudaha Turkiga, kuwaasi oo anan la shaacinin dalalka ay u dhasheen.

Xafiiska Dacwad-Oogaha magaallada Istanbul ayaa dhawaan soo saaray Amar lagu soo xirayo 46 Eedeysane oo la tuhunsanyahay in ay u shaqeynayeen Hay’adda Sirdoonka Isra’iil ee loo yaqaanno Mossad.