Duqa Muqdisho oo iclaamiyay bannaanbax ka dhan ah damaca Itoobiya

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa Dadweynaha Gobalka Banaadir ugu baaqay in ay isugu soo baxaan maanta Banaanbax weyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Guddoomiye madaale ayaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan bannaanbax ka dhici doono Gobalka Banaadir si loo muujino dareenkeenna ka dhanka ah xadgudubka iyo hishiis beenaadka dowlada Ethiopia ku dooneyso in ay baddeenna ku qaadato.

Guddoomiye Yuusuf jimcaale Madaale ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in aysan ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulkeena iyo baddeena.

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAR-MURTIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu Janaayo 3, 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya.

Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.
2.Axdiyada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD oo dhammaantood waajibinaya inaan lagu xadgudbi karin madaxbaannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan.

Wuxuu soo saaray qodobadaan:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed
.
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Masar oo kawada hadlay xaaladda gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadajrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

Baarlamanka JFS oo xeer ka soo saaray is afradkii Somaliland iyo Ethiopia

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad dastuurka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal ayaa sheegay in ajandaha maanta uu yahay moowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeed dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka, Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Abbaba ka dhacay ay ka soo hor jeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulanka maanta ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay ilaaliso midnimada Soomaaliya aysan marnaba ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur gGboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixin karin.

Dhanka kale hadal-jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay, heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Xildhibaannada labada aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin, iyadoona Baarlamaanka uu maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed, waxayne cadeeyeen in lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya. Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan heshiiska aan sharciga ahayn ee Addis-ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xusay in aragtida ay qaateen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, daris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha aysan ka dhignayn in aan nahay dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

“Dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayey u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, daris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata dariskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala-qeybsanaanteeda kama aanan shaqeyn, annagoo waliba haysanna asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqeyno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada qar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna ka digay caawaqib xumida amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.
“Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxaan leeyahay, faro-gelintii Meles Zenawi uu ku sameeyey Soomaaliyey waxaa ka dhashay Alshabaab. Maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay oo madaxdoodii inbadan isa soo dhibayaan, dhulkiina aan badankiis ka xoreynay, fursad kale in loo abuuro Alshabaab oo dhallinyaradeenna ay ku soo xereystaan nama qabato, gobolkana ma qabato”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay taariikhda gumeysi la dirarka ee dadka gobollada Waqooyi iyo sida ay uga digtoonaayeen dhagarta shisheeyaha, waxa uuna ugu baaqay jiilasha maanta in ay kala saaraan duurafaha siyaasadeed ee aan joogtada ahayn iyo masiirka jiilasha danbe.

“Taariikhda walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan barri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo Maqaar (Harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad Awooweyaashaas, qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda, aysanna u aqbalayn in taako ka mid ah cid kale qaadato, iyagoo ku shaqeynaya himilo horumarineed iyo midnimo.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo adyeeyayaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diiday. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo argagixisada.

   

Qaraarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya ee gobonimada Soomaaliya

Golaha Wasiirrada Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya shirkiisa aan caadiga ahayn ee lambar: SHGW058.01.2024 ee qabsoomay 02 Janaayo 2024, uuna shir guddominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda JFS waxay soo saareen qaraar ku saabsan xadgudubka Dowladda Itoobiya ee gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 1and faqradihiisa 1 iyo 2 ee Dastuurka JFS ee dhigaya in Soornaaliya tahay Jamhuuiryad Federaal ah oo dimoqraaddi ah ayna gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay laguma- xadgudbaan.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 7 faqradiisa 1 ee Dastuurka oo xeerinaya “Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo koobeysa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobbada 53ad iyo 54 ee Dastuurka oo siinaya Dawladda Federaalka Soomaaliya xaq awoodeed ee gelista heshiisyo caalami ah gaar ahaan arrimaha la xiriira siyaasadda Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha, Difaaca, iyo Amniga.

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 51 faqradiisa 4 ee Dastuurka oo dhigaya “Dhammaan heerarka Dowladda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, iyada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey.”

MARKII AY ARKEEN:

Qodobka 2d faqrada 4 ee Axdiga Qaramada Midoobay ee ku saabsan laguma xadgudbaannimada madaxbaanaannida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dal iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramaha Midoobay ee tirsigiisu yahay 2625 oo xeeriyay “Dalna uma isticmaali karo in uu dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, ciidan ahaan, ama ficil kasta oo ku khasbaya dal kale in uu maquuniyo xuquuqdiisa madaxbannaanida si looga faa’ideysto.”

MARKII AY ARKEEN:

Mabaadii’da sugaya xurmada gobonnimada iyo midnimada geyiga dalalka Afrika ee lagu xeeriyay Axdiga Ururka Midowga Afrika “OAU” iyo Xeerka Dhismaha Midowga Afrika “AU” ee 2002 iyo midka Urur Gobolleedka IGAD.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo saartay qaraarka soo socda:

1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u diideysaa, isla markaana si cad uga soo horjeeddaa tallaabada gurracan ee Dowladda Itoobiya ay ku sheegtay in ay si sharcidarro ah heshiis is-afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn kula gashay maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya), taariikh 01/01/2024, Addis Ababa. Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xeerarka dalka iyo xeerarka caalamiga ah – Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa tallaabadani mid gardarro ah oo halis gelinaysa deris-wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka oo markii horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin kala duwan, waxayna xadgudub iyo faragelin qaawan ku tahay madaxbanaannida, gobonnimada, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Waxa lagu sheegay “heshiis is afgarad iskaashi iyo wadashaqeyn” waa waxba kama jiraan, mana ahan mid ay aqbalayso Dowladda Federaalka Soomaaliya mana laha saldhig sharciyeed.

4. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda Itoobiya uga digeysaa isku day kasta oo xadgudub ku ah gobonnimada, madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay kaga jawaabto tallaabada gurracan ee ay qaaday Dowladda Itoobiya waddo kasta oo sharci ah.

5. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ficilka Itoobiya u aqoonsatay in uu yahay gardaro iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobonnimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6. Dowladda Soomaaliyeed oo ku tiirsan awoodda shacabkeeda waxay diyaar u tahay waajibna ka saaran yahay difaaca, ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeeda.

7. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada kale ee daneeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanayana waajibaadkii loo aasaasey in ay garab istaagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

8. Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbanaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah si looga arrinsado xadgudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbanaannida iyo midnimada dhuleed ee dalka Soomaaliya.

9. lyadoo arrintan laga jawaabayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa safiirkeeda dalka Itoobiya.
Ugu dambeyntii Xukuumadda JFS waxay soo saareysaa amarrada munaasibka ku ah ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah, dhammaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa la farayaa in ay u istaagaan fulintooda.

Wabillaahi Tawfiiq

Madaxweynaha JFS oo ugu baaqay Shacabka inay u midowbaan difaaca Midnimada Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka hor jeediyey Baarlamaanka, waxaanu si adag uga hadlay faragelinta gurracan ee ay Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha dalka, ka dib heshiiskii afgaradka oo ay dhawaan la yeesheen Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wixii dhacay 1-dii Janaayo waxa ay jebinayaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, mana noqon karaan kuwoo dhaqan gala .”

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal [Soomaaliya & Itoobiya] ay ahaayeen kuwo deris ah qarniyaal badan, taariikhda ka dhaxeysana ay astaan u ahayd colaado iyo burbur.

“Jamhuuriyadda 3-aad ka dib, Ummadda Soomaaliyeed waxay qaadatay jihada nabadda iyo la wada noolaanshaha dalalka deriska ah, kamaanaan shaqayn in la kala qaybiyo shacabka Itoobiya, balse nasiib darro, waxaa dhacay wax aan Itoobiya maanta ka filaynay ma ahan.”

Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in tallaabadani ay xoojineyso saameynta fikradaha xagjirka ah ay ku leeyihiin bulshada, lagana yaabo in Khawaarijtu ay si khaldan uga faa’ideystaan.

Madaxweynaha JFS ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay u si wadajir ah ugu midowbaan difaaca midnimada Dhuleed ee dalka iyo madaxbanaanida Qaranka.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya saacado ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in maamulka Somaliland ay la saxiixatay heshiis sharci darro ah oo qeexaya in ay deked ka sameysato badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga ambabixi doona Addis Ababa

Addis Ababa– Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta si rasmi ah uga amba bixi doona Addis Ababa isagoo ku wajahan caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, kadib go’aankii goor dhowayd kasoo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaas oo salka ku haya in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto tallaabada ay qaaday Dawladda Ethiopia mid xad gudub weyn ku ah madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay carqalad iyo xasilooni darro u horseedi karto Gobolka Geeska Africa.

Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddaysay inay si buuxda u difaacayso dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka JFS u fadhiya dalka Itoobiya

Golaha Wasiirada ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid “faragelin ku ah” arrimaha gudaha ee dalka.

Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay Safiirka Dalka Soomaalya u fadhiya Itoobiya.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida dalka iyo dastuurka Soomaaliya.

Waxay dowladdu diidday heshiiskan sharci darrada ah islamarkaana ka hor imaanayo qawaaniinta caalamiga ah ee kuwad dhaqmaan dowladaha, waxayna ku tilmaamtay waxba kama jiraan, waxay sidoo kale uga digtay Itoobiya isku dey kasta oo xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay Xaq u leedahay in ay ka jawaabto tallaabada Itoobiya isla markaana Waajib ka saaran yahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay, Ururka Midowga Africa, Ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka IGAD inay garrab istaagaan Xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed.

 

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 175-aad, guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa saqdii dhexe ee Xalay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay tuulooyin hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka oo si gaar ah u beegsanayay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijta naf la-caariga ah ayaa u daatay xilli ay isku abaabulayeen Tuulada Shaam-garre, waxayna halkaasi ku dileen Ciidanku tiro malleeshiyaad ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray Horjoogaha Khawaarijta ugu magacaaban Tuulada Shaam-garre dhagarqabe Saleebaan Dhiiloow sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle.