Duqa Muqdisho oo iclaamiyay bannaanbax ka dhan ah damaca Itoobiya

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa Dadweynaha Gobalka Banaadir ugu baaqay in ay isugu soo baxaan maanta Banaanbax weyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Guddoomiye madaale ayaa dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan bannaanbax ka dhici doono Gobalka Banaadir si loo muujino dareenkeenna ka dhanka ah xadgudubka iyo hishiis beenaadka dowlada Ethiopia ku dooneyso in ay baddeenna ku qaadato.

Guddoomiye Yuusuf jimcaale Madaale ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in aysan ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulkeena iyo baddeena.