Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 175-aad, guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa saqdii dhexe ee Xalay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay tuulooyin hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka oo si gaar ah u beegsanayay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijta naf la-caariga ah ayaa u daatay xilli ay isku abaabulayeen Tuulada Shaam-garre, waxayna halkaasi ku dileen Ciidanku tiro malleeshiyaad ah.

Sidoo kale, waxaa howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray Horjoogaha Khawaarijta ugu magacaaban Tuulada Shaam-garre dhagarqabe Saleebaan Dhiiloow sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Awdheegle.