Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta oo sheegtay in 950,000 oo isugu jira Haween Uur leh iyo Carruur anay haysan wax daryeel Caafimaad ah

Wasaaradda caafimaadka Qaza ayaa sheegtay in 50,000 oo Haween Uur leh iyo 900,000 oo Carruur ah  anay haysan daryeelkii Caafimaad ee lagama maarmaanka u ahaa xarumaha daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka ee Marinka Qaza.

Ashraf Al-Qudra, oo ah Afhayeenka wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in xaalad Caafimaad xuma tii ugu darneyd ay ka taagantahay Marinka Qaza, waxuuna intaa ku daray in dad ka badan 1.9 milyan oo barakacayaal ah ay haysataan xaalado kala duwan.

Afhayeenka waxuu sheegay in 50,000 oo ah Haween Uur leh ay la ildaran yihiin nafaqo darro iyo dhibaatooyin Caafimaad xumo, taasoo ay u sii dheertahay  Biyo iyo cunna la’aan.

Sidokale, in ka badan 900,000 oo Carruur ah ayaa si joogta ah ula kulma qabow daran, fuuq-bax, nafaqo-darro, cudurro ka dhashay suntan duqeymaha oo ay ka mid yahiin kuwa ku dhaca Neef-mareenka iyo cudurrada maqaarka,  sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo cimri daa’in ku xukuntay xubin ka tirsanaa khawaarijta

-Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay Ibraahim Cusmaan Macallin Abiikar oo ka tirsanaa kooxda khawaarijta ah.

Ciidanka Ha’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Ibraahim 22-kii July 2023, xilli ay howlgallo ka fulinayeen magaalada Baydhabo.

Ibraahim Cusmaan ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa qeybta qaraxyada iyo kala gudbinta agabyada ay u baahan yihiin, isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

Ibraahim ayaa sidoo kale ku eedeysan in Miino ay ku aaseen Kaam ku yaalla magaalada Baydhabo isaga iyo saaxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Daahir,kaas oo ka maqan gacanta laamaha ammaanka, waxaana falkaas ku geeriyoodeen saddex qof halka Lix kalana ay ku dhawacmeen.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxaana lagu xukumay Cimrigaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad ee magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dalka oo Khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo Shir deg-deg ah la isugu yeeray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed mudane, Xasan Sheekh Maxauud ayaa lagu wadaa in maanta uu Khudbad u jeedinaya Baarlamaanka Labadiisa Aqal, kuwaas oo Shir deg-deg ah la isugu yeeray.

Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankani deg-degga ah uu daarran yahay xaaladda guud ee dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeeray Ciidamada furimaha ku jira

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow , ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan deegaanka Cadcaddey ee Gobolka Shabeellada dhaxe .

Taliyaha ayaa ugu horrayn warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaaminaysa geesiyaasha xoogga dalka ee ku sugan deegaanka cad caddeey ee gobolka shabeellada dhexe , wuxuuna taliyhu ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay u gudanayaan waajibkooda qaran , isagoo kula dar daarmay in ay laba jibbaaraan shaqada wanaagsan ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhaarta u marnay oon kulaylka iyo qaxarka u joognaa waa difaaca dadka Soomaaliyeed ee ay argagixisadu dhibaateynayeen dhowr iyo toban sano ,waqtigaanna waxay khawaarijta ku jiraan maalmihii ugu danbeeyay ayuu yiri, S/gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin Caddoow.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada dedaallo dheeraad ah oo dalka looga cirib tirayo khawaarijta arxanka daran oo uu hadafkoodu yahay baabi’inta muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Golaha Wasiirrada oo shir degdeg ah la’isugu yeeray maalinta berri ah

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada isugu yeeray shir looga hadlaya heshiiskaan maanta ay sida wada jirka u wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi.

Gobolka Banaadir oo guul ka gaaray dhiggiisa Koonfur Galbeed

Xulka gobolka Banaadir ayaa guul ka gaaray dhiggiisa xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ciyaar ka tirsan tartanka dowlad gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonta ciyaaraha ee Muqdisho ayaa 1-0 waxa ay guusha ku raacday xidigaha gobolka Banaadir ka dib markii uu gool u dhaliyey ciyaarahaanka u xirta lambarka 22 ee lagu magacaabo Khaalid, kaas oo dhaliyey goolka qeybta dambe ee ciyaarta, gaar ahaan daqiiqadda 53-aad.

Kulanka ay maanta ciyaareen labadaan kooxood ayaa ahaa kii labaad ee tartanka ciyaaraha maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo todobaadkii hore tartanka lagu furay maamul gobaleedyada kala ah Galmudug iyo Hirshabeelle, xilli natiijada ciyaartaas ay ku soo idlaatay mid barbar dhac ah 1-1 ah.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wada ciyaaraan kooxa kala ah Jubbaland iyo Galmudug, labadaan kooxood ayaa kala dheelaya kulanka koowaad iyo kulanka labaad, kala sarreynta ayaa xilligaan waxaa hoggaaminaya xulka gobolka Banaadir oo 3 dhibac leh, halka Galmudug iyo Hirshabeelle ay wada leeyihiin mid hal dhibac.

Tartanka ayaa sanadkaan ka xiisad iyo xamaasad badan, waxaana la arkayey iyada oo taageero kor u dhaafaya 50,000 ay soo xaadireen labadii kulan ee lawada ciyaaray, kuwaas oo kala qabsoomay 29 December iyo January 1, 2024-ka.

Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaannada wacyigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saabsan dardar gelinta howlaha wacyigelinta lagu dhiiragelinayo geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daadejinta howlaha wacyigelinta ee ay iska kaashadaan Wasaaradda iyo hoggaannada siyaasadda iyo  wacyigelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyaha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.

 

Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay xubno katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa saakay gacanta ku dhigay 2-xubnood oo ka tirsan khawaarijta.

Howgalka lagu soo qabtay labadaan nin ee katirsanaa khawaarijta ayaa ka dhacay aagga Deegaanka Gabdhaale oo Bari ka xiga Caad waxayna xiliga la qabanayay ay aasayeen miinooyin sida warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha Maamulka Degmada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo koonfurta gobolka Mudug  looga sifeeynayo khawaarijta kawada ,iyadoo ay isa soo tarayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyad katirsan khawaarijta ee isku soo dhiibayo ciidanka xoogga Dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigaya wax-qabadka Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay wax-Qabadka maamulka gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa ku amaanay maamulka gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshayaasha Horumarineed ee Caasimadda.

” Sanadkaan waxa uu ku suntanyahay sanad waxqabad, waxaana gaarnay guulo waa wayn oo dalkeena muhiim u ah.”ayuu yiri Ra’iisul wasaara kuxigeenka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan ciddii maamuli laheyd.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadka 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo Balaarinta Adeegyada Bulshada.

waxaa sidoo kale ka qeybgalay Munaasabadda Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.