2023 ‘Sanadkii Guulaha Soomaaliya’ (WARBIXIN)

Sanadkii tegay ee 2023-kii ayaa waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa sanad Soomaaliya ay ku tilaabsatay guulo fara badan, waxaana ka mid ahaa inuu ahaa:-

1.Wuxuu ahaa sanadkii la quusiyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab:-  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Wuxuu ahaa sanadkii soo celinta heybadda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo ka maarminta Ajaanibta: waayo Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, waana Jamhuuriyadda seddexaad ee aan Ajnabi ilaalin”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

3.Wuxuu ahaa sanadkii xasilinta Xamar iyo sugidda amniga Caasimadda: Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

4.Wuxuu ahaa sanadkii Deyn Cafinta: Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Deymaha nalaga cafiyay ayaa ah mid la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horreysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961-kii, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna aheyd lacag Ruuska laga qaatay oo aheyd ‘Commercial loan’.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hey’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga aheyd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta, wuxuuna mas’uuliyiintaasi kala hadlay sidii hey’adahoodu ay mar kale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himilooyinka dhaqaale ee u degsan, tayaynta hey’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah.

Haddaba Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomasliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ka faaideyso Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo?, wuxuuna hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hey’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu uu kor u kacdo.

” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in fursado waaweyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taasi oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday.

5.wuxuu ahaa sanadkii qaadista Cuneqabateynta Hubka iyo tayeynta ciidamada Qaranka: Soomaaliya ayay cuneqabateynta hubka saareyd muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bishii Desmber ee sanadkii tegay Xubnaha Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

6.wuxuu ahaa sanadkii ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiha Dhaqaalaha Barigab Afrika (EAC): Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

7.wuxuu ahaa sanadkii hirgalinta ‘Soomaali Heshiis ah’ iyo dardargalinta wadahadaladii Somaliland: Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadahadallo la furtay maamulka Soomaaliland, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadahadal ku yeesheen Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.

8.Wuxuu ahaa sanadkii tayeynta Waxbarashada Dalka iyo tababaridda Macallimiin Tayo leh: dhinaca Waxbarashada sanadkii tegay waxaa dardar hor leh la galiayay Tayeynta Waxbarashada oo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxabarashada mudane Faarax Cabdulqaadir, waxaana sanadkaasi la qaatay 3 kun oo Macallim, kuwaasi oo hadda ka howlgala Dugsiyada dalka.

9.Wuxuu ahaa sanadkii dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”. “Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

Dhinaca kale Bilawga sanadka 2024-ka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, waxa ay u rajaynaysaa dhammaan Soomaalida sanad cusub oo farxad leh, isla markaana barwaaqo ah, waxayna dib u xaqiijinaysaa sida bahda Qaramada Midoobay ay uga go’an tahay inay taageeraan dadaalkooda ku aaddan dhisidda Soomaaliya oo xasilloon.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay xubno katirsan khawaarijta

-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa saakay gacanta ku dhigay 2-Horjooge oo ka tirsan khawaarijta.

Howgalka lagu soo qabtay labadaan Horjooge ayaa ka dhacay aagga Deegaanka Gabdhaale oo Bari ka xiga Caad waxayna xiliga la qabanayay ay aasayeen miinooyin sida warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha Maamulka Degmada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo koonfurta gobolka Mudug  looga sifeeynayo khawaarijta kawada ,iyadoo ay isa soo tarayaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyad katirsan khawaarijta ee isku soo dhiibayo ciidanka xoogga Dalka.

Munaasabad lagu soo Bandhigayay wax-Qabadka Gobolka Banaadir oo xalay lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose

Waxaa xalay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir lagu qabtay Munaasabad lagu soo Bandhigayay Wax-Qabadka Maamulka Gobolka Banaadir ee sanadkii 2023-ka,oo ay ka qeeybgaleen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirro, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, Saraakiisha Ciidanka, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka, Culumada, Haweenka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadkii 2023, sida horumarinta Kaabayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyinka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Samafalka iyo Balaarinta Adeegyada Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Adeegyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshahaasha Horumarineed ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan cida maamuli laheyd.

     

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah, ayaa waxa ay guddoomiyeyaasha guddiyada soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo akhrimaha kala duwan. Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, isla-markaana laga rabo in ay laba jibaaraan shaqadooda, waxaana uu faray shuruucda ay gacanta ku hayaana soo dhameystiraan.

 

   

Horjoogihii Khawaarijta ee degmada awdheegle oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka kuwaas oo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Howlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba horjooge oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale howlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Khawaarijta kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta haraadiga ah.

Ciidamada Dowladda oo burburiyay fariisimo ay khawaarijtu ku laheyd deegaanno hoos taga degmada Xuddur

Xuddur-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ayaa howgal bur burin ah ka sameeyay Deegaano dhowr ah oo kala ah gomori, Banjinaay, Sheekh Xasey, Aboorey iyo Dhanfaruur, oo hoostaga Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminaayay Abaandulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashanle Yoonis Aadan Xasan ayaa waxay ciidanku ku bur buriyeen fariisimihii kooxda khawaarijta ku lahaayeen Deegaanada Howlgalka Laga Sameeyay .

Sidoo kale Ciidanka ayaa  inta ay howlgalka wadeen waxaa ay ku guuleysteen inay heshiis dhex dhigaan dadka walaalo isku heystey dhul daaqsimaad ah deegaannadaas ku yaal.

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka amba-bixisay dakedda Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa maanta oo Axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay.

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu wadaa in uu ku xirto Dakedda Boosaaso, iyadoo halkaas looga daabuli doono Gawaari si deeganadaas loo gaarsiiyo.

Hore sidaan oo kale waxa ay hay’adda shixnado gargaar raashin ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay Deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Maamulka Hirshabelle.

   

Korneyl Cabdiraxmaan: “Ciidamada ayaa isku dhiga Qaraxyadii Khawaarijtu Shacabka ku layn jirtay”

Taliyaha Guutada 22-aad ee Boliis Milatari Korneyl Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka amniga caasimadda ay isku dhigaan qaraxyadii Khawaarijta ku leyn jirtay Shacabka Soomaaliyeed.

Korneyl-ka ayaa yiri: “Ciidamada ayaa isku dhiga Qaraxyadii Khawaarijtu shacabka ku layn jirtay”.

Korneyl Cabdrixmaan Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho hadda tahay meel amnigeeda la isku haleyn karo, una taaganyihiin sii adkeynta amniga caasimadda si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan xasillooni waarta.

Taliyaha Guutada 22 aad ee Boliis Milatari Korneyl Cabdirixmaan Macalin Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeyaan ciidanka , si amniga ugu guuleystaan sugidiisa.

Shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

 

Horjooge ka tirasanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa Khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha.

Mar uu ka hadlayay waxa ku sababay in Khawarijta uu ka soo baxo, wuxuu sheegey in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed darteed uu uga soo baxay.

Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceeldibir oo ka cabanayo koronto la’aan.

Bulshada ku nool Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka mudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay Baahiyo kala duwan oo Magaalada ka jirta.

Adeegga korontada oo aan gabi ahaanba ka jirin Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka mudug ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Bulshada Magaalada sida Caafimaadkii ,Ganacsiga iyo Adeegyadii Aas aasiga ahaa

Qaar ka tirsan Maamulka iyo Bulshada Magaalada Ceeldibir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Koronta la’aanta  Magaalada ka jirto ay saameyn xoogan ku yeelatay Nolasha Bulshada ku dhaqan Ceeldibir.

Magaalada Ceeldibir ee Bariga Gobolka Mudig ayaa ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka waxaana ka jiro Baahi weyn oo dhanka Korontada ah.