Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka amba-bixisay dakedda Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed ee SoDMA ayaa maanta oo Axad ah dakedda Muqdisho waxa ay ka amba-bixisay Markab wada shixnad gargaar raashin ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, fatahaadda iyo daadadka El-Nino ay sameenta ka soo gaartay.

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana lagu wadaa in uu ku xirto Dakedda Boosaaso, iyadoo halkaas looga daabuli doono Gawaari si deeganadaas loo gaarsiiyo.

Hore sidaan oo kale waxa ay hay’adda shixnado gargaar raashin ah oo loogu talagalay Shacabka Soomaaliyeed ugu dirtay Deegaanada Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Maamulka Hirshabelle.