Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo kormeeray xarunta daryeelka dhaawacyada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta waxa uu booqasho kormeer ah ku tagay xarunta ugu wayn ee daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah oo dhismaheda haatan uu ka socdo Isbitaalka weyn ee Madiina.

Dhismaha xaruntaan oo haatan meel wanaagsan maraysa ayaa Guddoomiyaha waxa uu u kuurgalay xaaladda dhismaha socda, isaga oo xog-wareystay Maamulka sare ee isbitaalka iyo Engineerada ku howlan dhismaha xaruntaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa sidoo kale  kormer ku tagay qaybaha kale ee isbitaalka oo haatan meelaha qaar dib u dayactir lagu wado, Guddoomiye Maxamuud Macallim ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qaybqataan dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah dalka .

        

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxameed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariiste Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan oo ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Hindiya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir ayaa kamid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ee JFS, waxaana uu qaranka u soo adeegay waqtiyo adag, isagoo door wanaagsan kasoo qaatay dhismaha dowladnimada iyo nabadeenta bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.

Guusha Deyn cafintu, maxay uga dhigan tahay Soomaaliya?

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomasliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya uga dhigan tahay Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo.

Wasiika ayaa hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hay’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo.

” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri wasiirka oo ka waabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta.

Sidoo kale, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa tilmaamay in fursado waa weyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taas oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday Dowladda uu hoggaamiyo mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Deymaha nalaga cafiyay ayuu wasiirku sheegay in la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horeysay oo qeyb ka ah kuwa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961, waa xilligii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna ahayd lacag Ruuska laga qaatay oo ahayd ” Commercial loan”, sida uu wasiir Biixi hadalku u dhigay.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaamijka Deyn cafintu, wuxuuna madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah .

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Sheegay in sanadka cusub la qaadi doono dhagxaanta ku jaran waddooyinka Caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in bilowga sanadka cusub ee 2024 la qaadi doono qeybo badan oo kamid ah dhagaxyada amni ee yaalla waddooyinka magaalada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu ka jiro caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shir lagu soo bandhigay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda Muqdisho, ayaa tilmaamay in Dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, isla markaana uu fure u yahay nolosha oo dhan, isaga oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dabargoynta Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku dheeraaday sida ay kooxaha Khawaarijta ah uga been-sheegeen Diinteenna suubban ee ay ku beegsanayaan dadka indheergaradka ah, ayaa faray hey’adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka danbeeyey dilkii Xildhibaan hore Saalax Ibraahim Deyfullah.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee ka jira Muqdisho, wuxuuna ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddankeennu uu marayo isgoys muhiim ah oo uu caalamku qiimeynayo tallaabooyinka la qaadayo, maadaama dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka, isla markaana dayntii laga cafiyey.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqan iyo haween, iyadoo lagu soo bandhigay muuqaallo iyo warbixinno muujinaya guulaha la gaaray iyo tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira amniga caasimadda.

 

   

GUDDOOMIYE MARWO SACDIYA OO SHIR GUDDOOMISAY KULANKA GUUD ee GOLAHA SHACABKA BJFS.

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 6aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo Maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa
1)Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika
2)Qeybinta Hindise-Sharciyeedyada kala ah
A)Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
B)Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada oo dood dheer ka-yeeshay Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika ayaa su.aallo kaweeydiiyay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ahna wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Abdifitaax Qaasim oo goobjoog ahaa kulanka maanta Waxa uuna mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aallaha  Xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa soo xirtay kulanka maanta

 

    

XAASID WAA BAHAL”SHEEKO”.

Beri baa waxaa safar isku raacay xaasid iyo damac , waxayna u socdeen nin boqor ah oo maalin walba labo qof kaliya qaabila , wuxuuna boqorku laba qof ee uu maalintii qaabilo siin hadiyadda qaaliya .

Labada qof  midka hore hadiyadda la siiyo laban-laabkeed ayaa midka labaad la siin jiray , taasoo ka dhigneed in labada labada midkii soo hormara aan  waxba la tixgalin jirin , balse midka labaad mudnaan gaar ah la siin jiray .

Xaasid iyo damac markii ay gurigii boqorka tageen , ayay ku murmeen labadooda kii hormari lahaa , wuxuuna mid waliba islahaa  qofka labaad noqo si aad   hadiyad dheeraada u hesho .

Markay cabbaar murmayeen , ayay ugu dambayntii isku raaceen  inuu xaasid  hormaro, boqorkana uu danihiisa iyo aayihiisa kala hadlo.

sidaas ayaa la go’aamiyay oo xaasid baa boqorkii ku hormaray , wuxuuse ku dhaqaaqay fasal cajiib ah oo damac balaayo iyo baas u horseeday.

tillaabadaasi waxay ahayd inuu boqorkii ka codsaday in isha bidix laga tuuro , wuxuuna boqorku caado ulahaa inuu qofka labaad wixii uu qofkii koobaad ku sameeyay laban-laab uga dhigo haday deeq iyo dil inqaab ah tay hayba.

Xaasid codsigiisiina boqorku waa tixgaliyay oo hal baa laga tuuray , ka dibna damac oo is leh deeqda iyo lacagta xaasid la siiyo aad laban-laabkeeda qaadatid ayaa war aanu filayn looga tibixsiiyay.

Asagoo meeshii malabsanaya ayaa loo yeedhay , waxaana loo sheegay in saaxiibkiis isha bidix laga riday asagana labada indhoodba laga ridi doono.

Wuu naxay oo cabbaar qayl qayliyay lama’se dhagaysane durbadiiba inta La qabtay baa labadii indhoodba laga riday.

Allaylehe xaasid inuu dhib badan yahay taasi caddayn ma u tahay? Wax badso inay wax beel keento damacuna waalan yahay’se sheekadu ma inoo tilmaantay?

W/Q: Abwaan Hareeri

 

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 64-AAD)

Aay-Caddeey dagaalkii gurigeeday kula noqotay. Maalintaas dhawr bakeeri way iska jabisay dhawr jeerna Cumareey bay dambi la’aan dharbaaxyaysay caradii ay aabbihi iyo ciddooda oo dhan u qabtay bay yarka kula dhacday isagu ma garanayn amarka dhacay waxa uu yahay.

Wuxuuse dareemay in aan maanta xaalku fiicnayn markaasuu hadalkii iyo ciyaartiiba yaraystay, oohintii iyo cabashadiina badsaday intuu marba hooyadi tafta qabsado ama lugaha isaga maro, ayuu ku cabanaayey “Maamaa!” Sidii isagoo ka codsanaya in ay farxaddeedii soo ceshato, isagana ka farxiso kamase yeelayne, waxay ugu jawaabaysey, “Shib iga dheh aan ku dhahay, idinkaaba nii nacee! Uslee af-xaartaas afka ii geliyey.

Maahine dhibkaas maa beriga ii imaan lahaay! Shalay-maantaan markii aan dhahaayey af-xaartaas afkeeda ha i gelin, wixii ka cabsahaayey tan waaye mar lee a yimaado siin yeelaayo anaa kasaayee!” duqeedii oo maqan bay u naqsanaysaa iyadoo weli hiifaysuu u soo galay.

Wuxuu toos uga yimid gurigii Leyla oo uu Maana ka soo waayey xanaaqii uu la soo galay mid ka kulul bay ka hor geysay kiisii i qarsuuba noqday maana iyo Leylaba intuu iska illaaway buu Aay-Caddeey iyo amarka haya ka cawdibillaystay intuu dajiyey buu sida wax u jiraan ka waraystay.

Markay u xog-warrantay buu madaxa gacmaha saaray walaalki Aw-Mukhtaar buu ku orday si dabka holcaya loo bakhtiiyo wixii la badbaadin karana loo daba qabto Goorteed! Ma wax fayow oo la badbaadin karaa haray! Dhaladii jabtay, weesadiina qubatay.

Aw-Mukhtaarkii oo geesa leh baa ka hor yimid markii dumarku dagaallamayeen isagu ma joogin beledka dhexdiisaa warku ugu tagay markaasuu guriga soo aaday wuxuu la kulmay gabadhii uu meel- fadhiisinta ku ogaa oo guriga joogta iyo hooyadeed oo cartamaysa, sidii bad kacday.

Carruurtii iyo dadkii kaloo goob joogga ahaa ayaa uga warramay wixii dhacay hal mar baa dhiiggu karay, dhulkuna la wareegay ma uu garan dareenka ku soo dhacay naxdin, xanaaq, uur-xumo iyo amankaag waxa uu ahaa! Isaga iyo xaaskiisii bay ka tafatay.

Fidmadii ay bilowday buu ku canaantay.

Iyaduna wixii ay karkaraysay bay ku hurguftay go’aankii guurka carruurta ee uu walaalkii hore ula gaaray bay ku haaraantay in uu wiilkooda Iikar sharaf-jab u soo jiitay bay ku eedeysay iyadaa isla jid leh.

Qof walba qummanihiisaa qoorta ugu jira! Goor ay labadii is- qabtay kala yar aamuseen, Aw-Mukhtaar meeshii laga saraana dhiig lahayn, ee uu guriga dhexdiisa jees-jeesanayo, wuxuu sameeyana garan la’ yahay, ayaa Xaaji Muumin oo xiimayaa u soo galay.

Araggiisii buu uur-gubyo ka sii qaaday. Warkii naagtiisu uga balo sheegtay buu isagoon wax hubsan eed kulul ugu qaaday! “Adduunyo lee waaye, in maanta amarkaan na khabsado,” ayuu cod uurka ka reemaya hadal uga bilaabay, isagoo la moodo in uu keligi isla hadlayo.

Intuu in yar u nastay buu haddana sii watay, isagoo weli hoos u jeeda, hoosna u hadlaya, “In adigoo joogtid beriga naagtaada nagu soo duusho oo dagaal iyo rabsho nagu sameeso.

Hortiiba waa ogaa in aa tihid Daacatu-Nisaa!” Intuu codkii kululeeyey, korna u qaaday buu raaciyey, “Haddii kale gabartaada ma ku dhici laheen in ay diiddo igaarkii aa siisay, naagtaadana ma ku dhici leheen in ay maalin-caddeey dulmi iyo dagaal minankeyga ugu soo labbisato.

Meesha waxaa ii cad adiga naftirkaada in aa raalli ugu tihid.”xaaji Muumin uurkiisii gubanayey bay erayadaas kharaari sii holciyeen. Waxay ugu biireen arrimihii hore u dhibayey.

Ciilkii uu Maana-Faay u qabay caradii dagaalka dumarku ku kiciyey calool- xumadii fashalka soo socdaa ku hayey intaas oo dhan isagoo hore u qabay, ayuu walaalkiis erayadaas qallafsan ku qaabbilay, eed uusan lahaynna dhabarka u saray.

Muxuu sidaas ugula hadlayaa? Goormuu raalli ka noqday in Maana-Faay Iikar diiddo iyo in Aay-Caddeey dagaal soo qaaddo? sidee maanta loogu eedayn karaa in uu yahay Daacatu-Nisaa, nin naagihiisu ka adag yihiin? wixii uu dadaal sameynayey, abaalkiisii ma sidaan buu noqday?

Waa maxay waxa uu ku hadlayo Aw- Mukhtaar! Marka uu Caddeey duullaankeeda buunbuuninayo, xaggee buu ku hilmaamay naagtiisii iyadu caytanka bilowday, gabadheediina soo ceshatay?

Intaas oo dhan baa muddo aan saddex il-biriqsi ka badnayn Xaaji Muumin maskaxdiisa ku soo dhacday markaasuu ku sigtay in uu qarxo, ee eray qumbulad ah ku jawaabo, dibna isaga laabto.

Haddana xargo adag buu isku qabtay weli wuxuu ka rajo qabay in arrinta la daba qaban karo, ee mashruucii isu-guurinta ilmaha la badbaadin karo khaladaadkii dhacayna la sixi karo, wax kasta ha ku kacdee.

Sidiisana waxaa caado u ahayd in uu Aw- Mukhtaar xushmeeyo, kana dambeeyo. Maxaa yeelay, waa walaalkiis ka weyn, qoyskana oday u ah.

Sidaa awgeed, ayuu ciilkiisii iyo canaantii gardarrada ahaydba iska liqay wuxuu isku dhibay in uu dareenkiisa daboolo, jawaab deggenna celiyo, si uu walaalkiis u qaboojiyo, ka dibna daawo loo gaaro.

Xaaji Muumin erayo macaan buu hadalkiisii ku bilaabay canaan uu og yahay inuusan lahayn buu iska qaatay wuxuu ballanqaaday khaladaadkii dhacay inuu isagu degdeg u sixi doono.

Walaalkiisna wuxuu ka codsaday in uu dhankiisa arrinta ka daaweeyo, fidmadii dumarku huriyeenna qaboojiyo, si mashruuci la isku ogaa halkiisii uga socdo taas Alla ma aqbalin.

HOWL AAN LAGUU DIRSAN HA GELIN.

Waxyaabo badan oo ay dadku mararka qaarkood si taxar-la’aan ah u sameyaan ayaa u horseeda haliso naftooda qalqiil geliya oo ay waxyeello culusi ka soo gaadhaa, qoomamo iyo uur ku taallona dubaaqooda ku reeba.

bal u fiirso dhacdadan la yaabka leh; haweenay deggan xaafad ka mida degmooyinka magaalada ayaa nin koranteystaa wacday, kana codsatay inuu guriga laydh ugu xidho.

Korantaystihii oo deg degsan ayaa tagey gurigii oo ay haweenaydii ka maqan tahay balse ay ilmo yar yari oo ayaguna markaa dugsi u socdaahi  joogaan, wuxuuna carruurtii ka codsaday inay tusaan meesha la doonayo in laydhka lagu xidho.

Markii ay tuseen halkii ay islaantu doonaysay in iftiimiyaha loo sudho ”guluubka”asna uu shaqadii billaabay ayay ciyaalkii malcaamaddoodii iska aadeen, albaabkii guriga oo ganjeel ahaana jag bay u siiyeen oo way u xidheen.

Asagoo howshii wada oo ku jira qol ka mida qolalkii uu laydhka ku xidhayay ayaa waxaa gurigii soo galay wiilal ay islaanta guriga degani dhashay oo magaalada ka yimid, inuu gurigu xilligaa cidlo yahayna u haystay.

Wiilashii markay gudaha galeen ayay arkeen nin qolkoodii ku jira oo wax gacmaha kula jira ‘ laydhkuna u dansan yahay oo in kastoo ay maalin ahayd  aan mukushiisa mooyee wax kaloo quman looga jeedin daahyada ku shareeran iyo daaqadaha maqsinkoo yar yaraa awgood.

Wiilashii waxay u qaateen inuu ninku tuugyahay oo uu qolka alaab ka guranayo kolkaa bay dagaal ku billaabeen , waxayna kula boodeen oo la dheceen  baangado,biro, dhagxaan, budad iyo wax kastoo ay heli kareen ama ay gacantoodu qaban kartay ayagoo “war tuuga qabta” iyo erayo kale cod dheer ku leh, arrintaasoo keentay inay deriskii iyo dhammaan dadkii meelaha ka dhawaa soo yaacaan oo ay ninkii ku goobtaan” ay wada garaacaan”.

Ninkii oo yaaban nabarro dhowr ihina ay gaareen ayaa faro cidiya leh ku baxsaday oo meeshii ka cararay asagoo ku qaylinaya”war tuug ma ihiye idaaya” hayeeshee cidina dheg jalaq uma siine cayro ayaa gacta loo saaray oo dhallinyaro  iyo waayeel wixii  goobta joogayna ay eryanayaan .

Haddaba ninkaa xaaladdiisu xagee bay ku dambaysay? ,cid u soo gurmada dadkii ka badbaadisa ma helay? hadda ma noolyahay mise siday u garaacayeen bay gow kaga siiyeen?, Weydiimahaa iyo kuwo kale waxaad kaga bogan doontaa qeybta labaad ee qormada ee la soco todobaadka soo aadan hadduu eebbe idmo.

WQ: Abwaan Hareeri

 

 

Dowladda UK oo soo dhaweysay warmurtiyeed ay soo saareen DF Soomaaliya iyo Somaliland

Dowladda UK ayaa so dhaweysay warmurtiyeedkii ay si wadajir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo ku saabsanaa shirkii Djibouti ee dardargelinta Wadahadallada labadal dhinac.

Qoraal kooban ay soo saartay safaaradda Uk ee Soomaaliya ayaa lagu yiri:

“Waxaan soo dhawaynaynaa war-murtiyeedkii ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ka dib wada-hadallo muhiim ah oo dhex maray, waana tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhinaca dib u heshiisiinta.“

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo saaray Xalay warmurtiyeed oo ka koobnaa 8 qodob, kuwaas oo taabanaya dhinacyo kala duwan, ujeedkeeduna ahaa in la dardargeliyo wadahadallada.

KOOXDA KHAWARIJTA OO CAGTA SAARTAY WADDADII BURBURKA IYO GEERIDA

In ka badan 15 sana oo ay gumaad iyo ragaato ku hayeen shacabka soomaliyeed ayaa iska diiday inay ku sii jiraan dhibtani u diiday nolol iyo xasilooni intaba , halganka iska xoreynta khawarijta ayaa kaso bilawday berriga  hiiran ayaana noqday mid gebbi ahaanba mid ku faafay dhaman deeganada kale ee dalka taaso loola gol lahaa iska xoreynta khawarijta.

Dadka deeganka ayaa gashaanka uduruuray kooxda diinta Islamka  sida khaldan u fahamtay  ee khawarijta ayagoo garab ka helaaya ciidamada qaranka soomaliyeed taasi waxay wiiqday  awoodda kooxdan u-nool daadinta dhiiga shacabka soomaliyeed   ayadoo in ka badan 100 degaan la  kala wareegay khawarijta oo 15 kii sano ay gacanta ku hayeen.

Muddo ka yar seddax bil gudahooda laga sifeeyay deegano fara badan.deegan kasta oo laga xorayee khawarijta waxaa daba socday  kaalin caawineed taaso oo ay dowladda federalka soomaliya uga talagashay dadka degan  goobaha la xoreeya  loo fidinayay gargar bini’adanimo   .

Golofkan colaadeed ee dhakan ah  khawarijta waxaa looga dilay  qaar ka mid  ah madaxdii ugu awooda badneed kooxda dheexda iyo tiro beel kale oo u adeegayaal ah, jabka ku dhacay khawaarijta ayaa sababtay in kooxda dheexda khilafka soo kala dhexgala ayagoo iska dilay dhowr khawarij.

jabka haleelay kooxda ma ahayn kaliya mid naf wuuxu ahaa mid dhaqaalo iyo mid fikirba, dib u  doorashadii madaxweyne xasan shiek maxamuud ayaa wacad ku maray in  khawarijta laga ciribtiri doona guud ahaan dalka soomaliya  muddo kooban, Madaxweynaha oo dhawr jeer ka hadlay fagaaro kala duwan ayaa ku dhawaqay dagal ka dhan ah kooxda khawarijta wuxuuna ku tilmaamay kaliya in uusan ahayn mid militiri ee uu yahay mid dhaqaalo iyo fikir intaba.

Waa maxay saddexda istaraajiyad oo madaxweyne xasan sheikh ku dhawaaqay.

JABKA KHAWAARIJTA EE DAGAALKA DHANKA MELITERIGA.                                     Maalin walba waxa dhagaha shacabka soomaaliyeed soo gaaraya warar farxad leh, khawarijta oo  niyad jab iyo halaag joogta ah la kulmiya waana wararka laga soo  tabinaya goobaha dagaallada ay ka socdaan oo khawarijta looga geynsanaya ciqaab daran oo keentay inay ka cararaan goobaha ayago aan dagal toos ah la galin ciidamada qaranka soomaliyeed.

Dagaalka ka socda deegannada dalka oo dhowr bilood jirsadey ayaa weli lagu wadaa iyagoo lagu baacsanayo haatan dhulka howdka ah ama jiqda, iyadoo kooxdan khawaariijta ah aysan ka helin wax libin ah oo ay ku taami karaan.

Ciidamada Soomaliyeed oo awoodahooda lala barbar dhigi karin midda khawarijta ee daciifka ah ayaa maanta maraysa meeshii ugu fiicneyd.

Haddaba, waxaa muuqata khawarijta in looga awood batay dagaalka militeriga, duqaymo cir iyo dhul ah oo lala beegsaday dagaallameyaashii khawaarijta oo isa soo dhiibaya iyagoo tarab tarab ah.

Khawaarijta ayaa gebi ahaanba maanta adduunka laga ciribtiraya mahad haka gartee waxaa guushan ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS iyo ciidamada qaranka soomaliyeed oo sida ay tahay u fuliyay awaamiirta Madaxweynaha, halkaasna waxaa lagu wiiqay oo lagu gumaaday naflacaariga khawaariijta oo awooddii ay ku faani jirtay gabalkoodi dhacay.

dagaalka midka ku dhisan caqiidada ama fikirka.                                              “khawaarijta manta soomaaliya joogta waa urur caqiido sheegta oo ku andacooda  laakiin waa koox maafiya ah oo dadka qalata” Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qayb galaya shirka madaxda afrika iyo maraykanka ayaa eraydaan ku qeexay sida dowladdiisa ugu go’an tahay dagaalka fikirka ah oo ka dhanka ah kooxda khawarijta, Khawarijta ayaa diinta islaamka ka dhigtay gabaad iyo dahaar balse waxay sameeyaan wax kasta oo diinta Islaamka xarrimtay .

Goobaha lagala wareegay khawaarijta waxa laga soo sheegayaa wax ka ka fog dhaqan islaamka siiba goobaha lagu barto qur’aanka, iyagoo xiray dugsiyadii hore ee lagu baran jiray qur’aanka kariimka ah iyagoo ku tilmaamay in ay ahaayeen waxa meeshaasi lagu dhigi jiray inay yihiin quraafaad.

Culumaa u diinka soomaliyeed waxay ku tilmaameen arrinkaan mid ka baxsan islaanimada,culumaa u diinka soomaliyeed oo afar maalmood shir ku yeeshay  hoteel jaziira waxay bayaan ka soo saareen kooxda khawarijta siday islamnimada ugu fogyihiin.

Culimada waxay ku boorinayaan ciidamada qaranka soomaliyeed inay sii wadaan jihaadka lagu badbaadinayo shacabka soomaaliyeed ee abriyada ah.

Waxaa kaloo culamada sheegeen in Al-shabaab, Daacish iyo Kooxaha la midka ah ay yihiin cadawga diinta islaamka manta ka dibna aan loogu yeeri Karin magacyadaas ee loogu yeero khawaariij.

Dagaalkani waa jihaad qofkii ku dhintana waa shahiid, khawaariijtu qofkeyd dilaan waa ahlu janno kii dilaana waa ahlu janno.

Culimada iyo dowladda soomaaliyeed waxay mas’uuliyad iska sareen in dalkaan ay ka ilaaliyaan kuwa doonaya inay ku faafiyaan dii naan sal iyo raad toona lahayn oo lagu jahawareerinayo bulshada soomaaliyeed.

Dagaalka dhanka dhaqaale.                                                                                           Isha dhaqaale ee khawaatijta ayaa ahayd mid ku dhisan baad ay shacabka ka qaadan jireen iyagoo si xoog ah uga aruurin jiray dibna ugu dhibaateyn jirey  qaraxyo gawaari laga soo buuxiyay ku layn jiray shacabka soomaliyeed.

khawaarijta ayaa bilkasta waxay dhaqaalo fara badan ka heli jireen ilo kala duwan dalka gudahiisa iyo dibaddisa, taaso keentay inay noqdaan koox dhaqaalo badan heysta oo ciidammana ku sameysta ayago ku fushanaya fikirkooda gurracan oo islaamnimda ka fog.

Dhaqaalaha ayaa sii wada keenana dagaal sii daba dheeraada balse khawaarijta oo maanta lagu baacsanaayo goballadda dalka oo dhan ayaa gebi ahaanba waxaa meesha ka baxay dhaqaalahii ay shacabka ka baadi jireen oo irrid walba laga soo uruurin jiray.

Marka la fiiriyo khawaarijta awoodda maaliyeed ee ay heystaan maanta waxaa ku yimid dhaqaalo burbur aad u baahsan ka dib markii dowladda soomaliyeed oo kaashanaysa shacabkeed amartay inay iska diidan baadda ay ka qaadi jireen, ciddii lagu arkana xabsi loo taxaabi doono, shacabkuna ay la soo wadaagaan laamaha amniga haddi ay farriin ugu timaado dhanka khawaarijta.

Dowladda Soomaliyeed ayaa ku guuleystay xanibaadda malaayin doolar oo ay khawaarijta ka baadeen shacabka lacag taaso ugu jirtay  Accountiyo, Bangiyada ay ku lahaayeen iyo telefonnada gacanta oo loo yaqanno Mobile Money Transfer.

Dalka Edatorial