CIIDAMADA XOOGGA OO DILAY DHOWR KHAWAARIJ AH OO KU SUGNAA BAKOOL

Howlgal ay ciidamada xoogga dalka guutada 9-aad ee gobolka Bakool ka sameeyeen tuulada Makiiney oo 40 KM dhinac Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada xuddur ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta

Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta looga furtay hubkii ay wateen sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Xooga dalka qeybta 60-aad guutada 9-aad ee gobolka Bakool.

Deegaano hoostaga degmada Xuddur waxaa ka socda howlgal khawaarijta looga sifeyna tuulooyinka ay ku dhuumaaleysanayaan waana qeyb ka mid ah howlgalka wejiga labaad ee xoreynta dalka ee ka socda Soonfur Galbeed Soomaaliya.

————————————————————————————————————-DAGAAL XOOGGAN OO U DHAXEEYA CIIDANKA XD IYO KHAWAARIJTA OO KA SOCDA GOBOLKA BAKOOL

 

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal bur burin ah ku qaaday deegaanka Laagboone oo ka tirsan oo katirsan Kulan-jareer ee gobolka Bakool ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, iyada oo halkaas khasaare weyn ku gaarsiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay jabweyn gaarsiiyeen kooxda Khawaarijta, iyada oo halkaas looga dilay xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku dayey in ay dagaal la galaan ciidanka xoogga dalka.

Taliye ku xigeenka  guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS ee Gobolka Bakool Gaashanle Yoonis Adan Xasan ayaa u xaqiijiyey warbaahinta qaranka  in howlgalkaas bur burinta ah ay ku soo qabteen hubka nocyadiisa kala duwan .

Hawlgalkaan ayaa qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh kaga dhawaaqay magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

 

BULSHADA SOOMAALIYEED OO TAAGEERO AF IYO ADIN AH LA GARAB TAAGAN DIRIRTA LAGULA JIRO KHAWAARIJTA

Bulshada soomaaliyeed ayaa taageero dhinac walba ah la garab taagan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka sida wada ognahay khawarijta ayaa sanado badan gumaad ku hayn jirtay bulshada soomaaliyeed shacabkii oo dhibsaday tacadiga iyo dhibka ay ku hayaan khawarijta ayaa dagaalka bogaadiyay.

Waxayna taagero af iyo adin la garab taaganyihiin ciidamada xooga dalka iyo guulaha ay kasoo hoyeen dagaalka maalin walbana ay ka furtaan magaalo iyo hub bulshadii loogu tago dhulalkaas la xoreyana ay sacab iyo heelo kuso dhaweyaan iyagoo ooga sheekeeyo dhibka ay ku hayn jireen khawaarijta dhiigyo cabka ah.

Khawaarijta ayaa sidoo kale waynaya maalinba maalinta ku xigto magaalooyin ay xukun beenadkooda ku xukumi jireen iyagoo gabaad iyo hooy ka dhigtaan godadka meydadkoodana koox koox u dugaan ayagoo dhawacoodana dhamaystirtaan hoog iyo ba’na aaqiro ooga horeeyo gabalkoodana dhacay.

Bulshada soomaaliyeed ayaa bogaadin iyo marxabo meel walba ka diraya inta horay dalka oga cabsan jirtayna timid dalka inta khawarijta dagaalka looga adkaaday bulshooyinka ku dhaqan deegamada la xoreeyay ayaa haweenkoodana af labadii alaalasey ragoodana dagaalka dhinac ka ah taagerana muujinaya.

Ciidamada xooga dalka iyo kuwa deeganka ayaa iyagana wada naf hurnimada iyo geesinamada dhankooda kana xoreynayo maalin walba deegaamo hor leh khawaarijta kana dilayo horjoogayashooda iyo wixii dabo socdo iyagoo koox koox ah jaanisna u diiday in ay hurdaan oo ay harsadaan kuna qasbay hogaamiyashooda qaar nolosha lagu soo qabto kuwa qaarna is dhiibaan.

Garab istaaga bulshada waxaa ka mid ah in ay sheegaan meel walba oo ay galaan iyo god walba oo ay ku dhuuntaan khawaarijta waxa ayna garwaaqsadeen in ay aysan wax faa’ido ah u hayn khawarijta oo ay ubadka ka laayeen gumaadna ay ku hayaan deegamadooda iyo dalkoodaba wax arxana aysan lahayn khawarijta.

Dal walba waa dadkiisa dowladdana waxa ay oga mahadcelinaysaa bulshadeeda garab istaaga ay la garab taagantahay iyo dagaalka ay kula jiraan khawaarijta.

WQ: ZAKARIYE ABDIHAKIIM MOHAMED

 

GAARISTA NOLOL QIIMO LEH

Maalin walba waxaad ku soo toostaa rajo iyo qorshe cusub oo la xiriira noloshaada xilliga aad habeenkii gogosha tagtana ka hor inta aadan seexan waxaad gashaa xisaabtan wixii maalintaa aad gaartay iyo waxa kuu dhiman aad weli tiigsaneyso.

Noloshu waa wax socda oo aan marna istaagin haddii aanu mowdku kuu iman maalin walba waxay leedahay guul iyo guuldarro marka la eego qorsheyaasha kuu degsan.

Noloshaada si ay u noqoto mid qiimo lah ku tiirso Rabbiga ku abuurtay kuna xirnow taas ayaana ka mid ah qaababka lagu gaaro guusha nolosha.

Qeyb ku yeelo gacansiinta dadka kaa liita waayo way ku farxad galineysaa in aad waxtarto qof dhibban qofka aad taageertayna waxay ku abuuraysaa yididiilo nololeed .

Waxaa Iyana nolosha qiimo u yeela tixgalinta dadka kale iyo dhageysigooda taasna waxay kuu keeneysaa in adna lagu tixgalliyo oo lagu dhageysto waayo qofka wanaagga ku dhex leh bulshada wuxuu helaa magac iyo aqoonsi iyadoo qofka bini’aadamka ah waxyaabaha uu tixgaliyo noloshiisa ay ugu weyn tahay in uu helo aqoonsi.

Nolosha qiimaheeda intaas kuma koobna laakiin waxay u baahan tahay isdhexgal in aad la yeelato dadka oo dhan ha yaraado ama ha weynaado, ha ahaado mid maskax ahaan fayow ama mid wax u dhiman yihiin, qofna ha dhibsan in aad xiriir la yeelato, qofna ha xaqirin , qofana hoos ha u eegin o dadka oo dhan isku qaab u arag oo soo wada dhawee.

Qiimaha nolosha waa farxadda ,noqo qof faraxsan xaalad kasta oo kula soo gudboonatana la qabso oo ha noqon qof laga dareemo marka uu dhib la soo gudboonaado oo weji kaduuda .

Nolosha qiimaheedu wuxuu ku jiraa in aad dhoollacaddeyn karto waayo dhoolacddeynta waa furaha guusha nolosha iyadoo qof walba inta uu qofka kale ka dhoollacddeyn badan yahay uu ka farxad badan yahay kana guul gaaris ogyahay waayo waxaa la yiraahdaa qofka aan dhoollacaddeyn Karin ma aha in uu ganacsi furto.

Qiimaha nolosha waa qoys waxaana loo baahan yahay rag iyo dumarba in uu qofku yeesho qoys waayo waayo carruurta qoyska ku biirta waxay abuurtaa farxad iyo rayn raynta nolosha .

Qiimaha nolosha waa in aad noqoto qof faham leh oo wax bartay waayo waxbarashada waxay qiimo u yeeshaa nolosha , qof aan aqoon laheyn dhaayo ma laha mana aha qof wax fahmaya oo nolosha qiimeyn kara .

WQ: Mohamed Hasan

Sanadka 2023-ka Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad

Dhacdooyinka Soomaliya ee sanadka 2023-ka oo sii dhammaanaya ayaan waxaan eegeynaa muddadaasi maxaa u qabsoomay Dowaladda Soomaaliya oo qorsheysatay arrimaha soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha iyo midda arrimaha dibadda, marka qeybtaana waxaan ku eegeynaa:-

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan sii dhammaanaya ee 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey oo waxaan ku biirnay suuqa dhaqaalaha bariga Afrika (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadahadallo la furtay maamulka Soomaaliland, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadahadal ku yeesheen Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

DOORKOODA DUMARKA KORIS IYO GANACSI OO SI WEYN U MUUQDA.

burburkii ka dib dalkeena Soomaaliyeed waxa uu galay marxalado kala duwan oo halisteeda wadatay wax kasta oo kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo uu burburay taasina waxa ay keentay in raggii Soomaaliyeed qaarkood ay ku mashquulaan colaadaha socday, qaarna ay tahriiban balse dumarkeena Soomaaliyeed ayaa bilaabay doorkooda ku aadan bad baadinta u bad kooda ayaga oo bilaabay halabuuro kala duwan oo ganacsi ayaga oo sameestay mehrado, carwooyin iyo saylado oo kasaacideysay in ay Ka biishaan u badkooda ayna Ka sameeyaan dhaqaale xooggan.

Haweenka Soomaaliyeed aad u fir fircoon lehna aqoon, waaye aragnimo iyo halabuuro u sahleysa sameenta ganacsiya taaba gala taasi oo ganacsiga haweenka u horseedaysa ganacsi hormaray.

Haweenka waa lafdhabarka bulshada, haddii aysan ayaga jirin ragi majireen sababtoo ah haweenka waxay tiir muhiim u yihiin gurigooda ayaga oo caruurtooda ku abaabiyey barashada diinta, maadiga iyo ku toosnaanta wadada Alle SWT oo ah furaha guusha intaas ayaga oo maamula ayey hadana ku darsadeen sameenta ganacsiya waa weyn oo guud ahaan soomaaliya iyo gobolka Ka shaqeeya.

bari samaadkii marna lama arki jirin dukaama waaweyn oo haweenku kaalin ay kaga jireen howlaha ganacsiga marka laga reebo caanaha iyo qudaarta laakiin haatan waxaa soo ifbaxay mehrado iyo carwooyin dumarku ay kayihiin hormuud islamarkaana dhexdoodu uu kajiro tartan dhanka hormarinta alaabooyinka iyo dharka ay iibiyaan .

walow ay kala hormarsan yihiin mehradaha ay dumarku ku ganacsadaan oo kala heer ah ayaa hadan ku xiran tahay socod siinta ganacsigaas waji furnaan iyo macaamiil wacan oo lala yeesho dadkaasi u soo dukaameysi tagay meheradaha ganacsiga .

Suuqqa Bakaaraha oo noqday suuqa ugu weyn koonfurta somalia ayaa dumarku halkaasi ay ku leeyihiin mehrado dharka, Cosmaticsyo, iyo dukaamo maacuunta lagu iibiyo waxaa soo raaca dumarka ka ganacsada dahabka qaarna ay lawareegaan dahabka oo gacmahooda ku raran .

sanadahaan danbe ayaa haweenku laaceen ayaga oo ragga latartamaya qaarkood ayaa dahab u qaada ilaa dalka hindiya halka qaarkalena ay ka ganacsan jireen shiinaha iyo Imaaraadka carabta waxaa hakad galay ganacsigaasi kolkiii dunida ekeeyey caabuqa corona waxaana arintani ay keentay guud ahaan hoos u dhac balaaran oo ku ymid dhaqaalaha dunida oo uu kamid yahay wax isdhaafsiga alaabada iyo badeecooyinka ganacsiga, nasiib daradu waxaa ku habsatay badiyaa dalalka horumaray oo waxsoo saarkooda warshadaha laga dareemay hoos u dhac weyn covid19 saaameentiisu ayaa dunidu kasiman tahay waxaana haatan wali kasii jira cudurkaasi meeelo badan oo qaarada dunida kamid ihi wuxuu siweyn ugu dhuftay MAREEKANKA, INGRIISKA, SHIINAHA AUSTRIALIA , INDIA,JABAN ,FARANSE IYOTALYAANIGA .

 

in kastoo haatan laga soo kabanaayo hanibaada isku socodka wadamada dunida ayaa hadana walicaabuqu la ildaran yihiin dad badan Tuusaale NAIROBIA iyo GAARISA uuhaatan mar labaad laba kacleen ku sameeyey coronovirus waxaana laga yaabaa in wadama badan ay soo gudbiyaan haddii aan laga taxa darin waana midda isdhaafsiga ganacsiga hoos u dhac ku keenay guud ahaan qaarada afrika .

in kastoo ganacsiga soomalia uu yahay mid baarid ah ama qabow  taasoo ah dhaq dhaqaaqa iibsiga macaamiisha oo yaraaday ama gaabis ah dhinaca kale waxaa jira tartan xad dhaaf ah oo mehradaha ganacsiga waratada iyo miisleyda oo jidka hareeraheeda si xad dhaaf ah oga ganacada waana mid ku cusub in ladago jidka dadka mara ee hareeraha marsha biyeedka oo sodonkaasi sano caadi kaniqotay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan 

 

XUBINNIMADA EAC WAXAY SOOMAALIYA IYO GOBOLKABA U HORSEEDI DOONTAA WAA CUSUB OO RAJO, XASILOONI IYO BARWAAQO AH

Hoggaamiyeyaasha Wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika (East African Community) ayaa dhowaan go’aan ka gaaraya in Soomaaliya ay ugu dambeyntii noqoto xubintii 8-aad ee Urur Goboleedkan Ioo hadda ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo iyo Konfuurta Suudaan.

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.  Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaargarowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wadahadallo ah. oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada.

Muddo dheer ayay Soomaaliya sugeysay inay mira dhaliso hammigeeda ah inay ku biirto Urur Goboleedkan Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay markii ugu horreysay isku dayday inay ku biirto sannadkii 2012-kii. Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka EAC waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15 bishii May, 2022. Haddii la ansixiyo sida la wada filayo. waxay noqon doontaa gaarista ama meel marinta riyo 11 sano ah iyo sannado shaqo iyo hawlo adag loo soo marey

Oggolaanshaha ku biiritaanku ma ahan mid bishaaro u noqoneysa Soomaaliya oo keliya, balse waa mid ay ku baraari doonaan guud ahaan waddamada gobolka ku yaalla. Soomaaliya waxay horey u deristay una aqoonsatey faa’iidooyinka ku biiritaanka EAC, iyadoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka ay qeyb ka yihii Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya – AMISOM (oo haatan loo yaqaano ATMIS) -ciidamo dalalka EAC ka mid ahna ay Soomaaliya waqtigan xaadirka ah joogaan. Hawlgalkan Midowga Afrika uu garwadeenka ka yahay, ayaa ku shaqeeya qaraar uu soo saarey Golaha Ammaanka ee Qaramamada Midoobay. Wadamada Bariga Afrika ayaa si dhow oo wadajir ah ugu jira dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaa aan shaki ku jirin in walaalaheena dalalka gobolka ay door weyn oo muhiim ah ka cayaari doonaan dib u dhiska Soomaaliya nabad ah, xasiloon, wax badan oo wanaag ahna ku soo kordhisa Gobolka Bariga Afrika, sannado badan oo colaado iyo caqabado kale kadib.

Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa awaxa ku nool in ka badan 200 oo milyan oo qof, taas oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

Xubinnimada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa fursadaha la socda waxaa ka mid ah isu socodka dadka iyo isku gudubka badeecadaha gudaha iyo dibadda Soomaaliya. Tani waxay wax weyn u noqon doontaa dhaqaalaha maadaama ay horayba u joogeen boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka ganacsanayay gobolka. Marka la eego heerka dhaqan-bulsho, wax-is-weydaarsiga dadka ma ahan oo keliya mid door ka cayaareysa kor u qaadista heerka nololeed ee muwaadiniinta, balse waxay sidoo kale wax badan ka tari doontaa xaqiijinta riyada is-dhexgalka ee waddamada gobolka ku yaalla.

Soomaaliya waxay rajaynaysaa in la wadaago aqoonta hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee dimoqraadiyadda, dawlad wanaagga, sharci-dejinta, sinnaanta iyo xasilloonida deegaanka. Dalkeenu wax badan ayuu ka baran doonaa si uu u gaaro xasilooni buuxda, sannado badan oo qalalaase ah kadib. Wadamada Bariga Afrika ayaa taageero iyo garab istaag ku dheehan derisnimo iyo walaaltinimo u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dagaalka uu kula jiro argagixisada si meesha looga saaro Khawaarijta Al Shabaab dhammaadka sanadkan. Taageeradaasina waa mid aan si weyn abaal uga hayno hoggaamiyeyaasha gobolka.

Dhankeeda, Bulshada Bariga Afrika waxay ku naaloon doontaa suuq ganacsi oo la ballaariyay oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo ka badan 17 milyan oo qof. Tani waxay kor u qaadi doontaa ganacsiga iyo wax soo saarka guud ee Bariga Afrika. Gobolka wuxuu fursan u helayaa inuu manaafacaad weyn ka helo ka faa’iidaysiga ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay leedahay kheyraad dabiici ah iyo macdan aad u badan oo ay ka faa’ideysan karaan dalalka deriska la ah.

Soomaaliya waxa ay leedahay awood beereed baaxad leh oo looga faa’iidaysan karo danta Bariga Afrika oo dhan. Maanta, beeruhu waxay wax ku biiriyaan 65% GDP (Gross Domestic Product), ahna isha ugu weyn ee shaqa abuurka .Ka faa’iidaysiga iyo casriyaynta kheyraadka beeruhu waxa ay wax badan ka tari doontaa ma aha oo kaliya arrimaha sugnaanshaha cuntada ee Soomaaliya, balse kuwa gobolka oo dhan ayay dabooli kartaa. Wadamada Bariga Afrika waxay sidoo kale ka faa’iidaysan doonaan shacabka Soomaaliyeed oo intiisa badan ka kooban dhalinyaro wax weyn ku soo kordhin karta koboca dhaqaalaha gobolka.

Siyaasad ahaan, kordhinta tirada xubanah  Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC waxay kordhin doontaa saamaynta ay ku leedahay gobolka, waxayna kor u qaadi doontaa codkeeda siyaasadda Afrika iyo tan caalamka. Soomaaliya waxay awood saameyn ku yeelan doonta go;aamada masiiriga ah ee arrimaha Bariga Afrika iyo sidoo kale Geeska Afrika. Xubinimada Soomaaliya ee ururka waxay sidoo kale wax ka tari doontaa xal u helista caqabadaha amni ee Geeska Afrika.

Waxaa jira kooxo yar oo dhaleecaynaya ama si xun u fasiraya doonista Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC. Waxay kooxdaasi ku doodeysaa in Soomaaliya weli aysan diyaar u ahayn ka mid noqoshada Ururka Bariga Afrika, balse xaqiiqadu waa ay ka duwan tahay fikirka ay qabaan. Kooxda khubarada ah ee xaqiijinta sameeyay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay buuxisya dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee heerka ku biirista ururka, taasina ay soo dedejisay in madaxda waddamada EAC ay meel mariyaan warbixinta khubarada, tallaabadaas oo muujineysa sida ay ugu kalsoon yihiin Soomaaliya iyo diyaar u ahaanshaheeda ku biiritaanka Urur Goboleedka EAC.

Kuwa iska indha tiraya xaqiiqada dalka taalla, waxaa muuqata inay jeclaan lahaayeen in aysan Soomaaliya ka soo bixin dambaska mugdiga ay soo martay. In aynan horumarin. In aynan ka faa’iidaysan siyaasadda gobolka, Afrika iyo caalamkaba. Laakiin Soomaaliya hadda ayay fursad iyo waqtiba haystaa. Waa inaan marnaba lag fikirin in Soomaaliya ay horumar ku sameyn karto iyadoo ku jirta xaalad go’doon ama keli ah. Waxaana mar walba horumarka uu ku jiraa wadajirka ama iskaashiga waddamada ay dantu ka dhexeyso. Tallaabada ay dowladda muhimad gaar ah ku siineyso ururkan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa sida Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud ay uga go’an tahay inuu mudnaanta siiyo dadaallada kor loogu qaadayo heerka nololeed ee qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa jira halhays Af Sawaaxili ah oo oranaya, ‘Umoja ni Nguvu’, oo macnaheedu yahay “Midnimadu waa Awood”. Haddii ay Soomaaliya rabto in ay meel fog gaarto, waxaa Khasab ah inayna keligeen iska duulin. Waa inaan gacmaha is qabsanaa dhammaan wadamada gobolka oo aan si wada jir ah u horumarno una barwaaqowno. Waxaan si weyn u dhowreynaa dhammaadka bishan November si rasmi ah na loogu aqoonsado inaan noqono xubinta cusub eek u soo biireysa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (East African Community).  Tallaabadan ayaa abuuri doontaa waa cusub oo rajo leh, xasilooni, iskaashi iyo horumar wadaag ah. Waxaan rajeyneynaa inaan qeyb ka qaadano kulanka lagu soo bandhigi doono Hiigsiga 2050 ee Urur Goboleedka EAC ee wanaajinta ka faa’iidaysiga kheyraadka gobolka si loo dardargeliyo wax soo saarka iyo samafalka dadyowga gobolka ku nool.

Viva, EAC, VIVA!

Waxaa qoray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mudane Daud Aweis

 

General Dayax : Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga diyaara idiinla ahay ee raadsada qaniimada khawaarijta

-Taliyaha ciidanka Dhulka xoogga dalka Dayax Cabdi Cabdulle oo boqolaal askar katirsan xoogagga degaanka kula hadlay deegaanka Qararow ee koofurta mudud ayaa uga mahadceliyay sida ay u abaabulan yihiin oo ay ula dagaalameen  khawaarijta

General Dayax “Reer Qararow wax allaale wixii aad uga baahan tihiin Ciidanka Xoogga anaa diyaar idiinla ah ee qaniimada khawaarijta aan wada raadsano”

Waxa uu ku dhiiri galiyay taliyaha ciidanka  in ay gacmaha is qabsadaan oo khawaarijta si hagar la aan ah loola dagaalamo,si dhibaatadooda bulshada looga dulqaado,waxa  uu tilmaamay In khawaarijtu tahay sharwadayaal diinta iyo sharafka muslimiinta ka soo hor jeeda Wuxuu sheegay in kooxdu jabtay dadka deegaankuna ay ka qeeyb qaataan qanimada iyo agabka kooxda laga furanaayo.

“Waxaa loo dhintaa waa gobanimo,xorriyadda Sharaf aad ku noolaatid,intaasba khawaarij uma ogolo bulshadeenna ayuu yari taliye Dayax Cabdi Cabdulle

Dhanka kale wasiirka amniga galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe  ayaa sheegay in bulshadu diyaar u tahay in cadawga khawaarijta la iska qaado sidoo kalana galmudug ay ka go,an tahay in dhulkooda ka xoreeyaayn khawaarijta

Dhankiis bulshada abaabulan ayu mahadceliyay sidoo kalana wuxuu baaq u diray dadka wali ku harsan deegaannada khawarijta heysato.

Gaashaanle Saahid :Maalmaha soo socda Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa

-Taliyaha Guutada 17-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalmaha soo socda khawaarijta guud ahaan laga saari doono meelaha ay kaga harsanyihin koonfurta Gobolka Mudug.

Waxa uu taliyah sheegay in dagaaladii khawaarijta lagula galay degaanka jeex-jeex jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisad,lagana saaray inta badan degaanka meelaha yar ay ku suganyihiina maalmaha soo socda ay ka saari doonaan.

“Ciidanka xoogga way kaga itaal ronaadeen khawaarijta degaanadii lagu dagalamay oo way isaga carareen maalmaha soo socdana Gobolka Mudug Khawaarijta waan ka soo afjaraynaa.”

Ciiddanka xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa khawaarijta maalmihii lasoo dhaafay dagaal culus kula galay degaanka jeex-jeex,iyo Caad halkaa oo khasaara weyn cadawga lagu gaarsiiyay,waxana halkaa lagu dilay 130-isugu jira Horjogayaal iyo maleeshiyada khawaarijta sida lagu sheegay warsaxaafadeeda kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaamiua.

SOO KABASHO DHAQAALE EE DALKA

Adduunyada waa harka labadiisa galin dhaqaaluhuna waxaa ku yimaada isbaddallo soo kabashada dhaqaalahana waxa uu u baahan yahay waxqabat badan iyo dadaal si taasi looga mira dhaliyana waxa ay u baahan tahay Ka dhabeynta horumarka ganacsiga si aan ula jaan qaadno bulshada caalamka ee Ka dhaxeeya tartamada dhanka dhaqaalaha si aan u gaarno wadamada ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Hadaba, haddii aan u imaado soo kabashada dhaqaale ee uu dalkeena ku jira waxa aad Ka dheehan kartaa Caasimada dalka oo maanta bilic ahaan qurux, dhismayaasha, hormarada ganacsi, soo kabashada kaabayaasha dhaqaale taasina waxa ay keentay in ganacstada caalamka ay ku soo hirtaan soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho  intabadan lagu qayaasaa tiro ahaan 18milyon balse tirakoob sax oo lahaayo majirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dalkeena marba marka kasii danbeyso waxaa kobcaayo dhaqaalaha taasi oo aad ka dheehan kartid isbadalka xoogga leh ee ku yimid dalka tobankiisano ee u danbeeyey.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Dancan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

ISBEDELKA DABEYSHA SIYAASADEED EE CAALAMKA

Ma kula tahay in caalamka ay ku soo wajahnaan karto dabeyl cusub oo siyaasadeed marka la eego sida ay haatan wax u socdaan iyo dhaqanka hannaanka siyaadadda caalamka oo yeelaneynsa wejiyo cusub wax yar ka dib dagaalka Gaza iyo dagaalkii hore uga socday Ukraine.

Haatan sideedii maaha siyaasaddii hoggaaminta caalamka ee Ruushka iyo Mareykanka iyadoo macno hor leh laga qaadanayo waxa loo yaqaano Dimoqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha waayo arrimahan ayaa u muuqda in cid walba sida ay dooneyso ay u fasiraneyso.

Mareykanka wuxuu qabaa in Ruushku ku xadgudbay Ukraine markii uu weerar ku qaaday uuna ka geystay Duqeymo xoog leh dhulal hore Ukraine loogu yaqaanayna uu ka dhisay maamulo isaga la jira.

Dhanka kale waxaa Iyana suaalo laga keenay sida Mareykanku haatan uga falcelinayo dagaalka Gaza ee u dhaxeeya Israa iil iyo Falastiiniyiinta oo si aan gambasho laheyn Mareykanku taageero ugu siinayo Israil waxa ay ka waddo Gaza oo dhimashadu cagacageyneyso 12 kun oo qof ayna u badan yihiin carruur iyo dumar.

Sidoo kale carada ugu badan waxay ka imaaneysa duqeymaha dhulka rayidku deggan yahay , xeryaha qaxootiga iyo isbitaalada taas oo haatan dalalka Yurub iyo Mareykanku aanay il wwanaagsan ku eegeynin.

Waxaa sii xoogeysanaya dalal badan oo hore Mareykanka ugu tiirsanaa siyaasad ahaan oo ay ku jiraan dalal carbeed oo haatan meelo kale sida Shiinaha isbaheysi ka raadinaya iyadoo saameynta Shiinaha ay sii kordheyso.

Marna laguma fekerin in Sacuudigu ka biyo diidi doono dalabkii Marykanka ee ahaa in uu kordhiyo wax soo saarkiisa shidaalka xilli ay Ruushku kor u qaadeen sicirka gaaska ay ka iibiyaan Yurub markii caadda uu marayey dagaalka Ukraine oo haatan arrinta Gaza ay qarisay.

Marna laguma fekerin in Iran ay soo dabci doonto ayna hashiis ka qaadan doonto dalalkii carbeed ee ay qaarkood isdidanaayeen sida Sacuudiga .

Waxaase kaba sii yaab badneyd markii Shiinuhu heshiisiiyey Iran iyo Sacuudiga markii Sacuudigu bilaabay in uu yareeyo ku tiirsanaantii faraha badneyd ee Mareykanka .

Mareykanka laf ahaantiisa waxaa uu yareeyey kaalintiisii bariga Dhexe taas oo laga garan karo hadal uu jeediyey Barak Obama xilligii uu madaxweynaha ahaa oo uu ku yiri; bariga dhexe waa laba uun in aad taageerto xukuumado kelitalis ah ama argagixiso, taasna haatan mareykanku ma daneynayo, sidauu yiri.

Waxa xigay kacdoonkii gugii Carabta oo la yiraahdo Mareykanka iyo Israil kama marneyn oo daaha gadaashiis ayey ka maamulayen kaas oo keenay in Madax badan oo carbeed oo qaarkood dhib ku ahaayeen Mareykanka iyo Israil ay Meesha ka baxaan kuwaas oo ay ku jireen Madaxweynihii Libya , Maxamed Mursi iyo kuwo kale .

Markii Iran soo dabacdayna Mareykanka fallaar kale oo ku taagneyd ayaa ka fuqday laakiin weli waxay arkayaan Saameynta Xasan Nasrullah oo sii kordheysa kaas oo lagu tiriyo dadka gacan saarka ugu weyn la leh Iran.

Qaramada Midoobay oo u muuqatay ururuka ugu weyn ee isku hayey siyaasadda caalamka ayaa haatan u muuqan kara in aanu lahym awooddii tirade badneyd wax badan oo laga aaminsanaa ooah xuquuqda Aadanaha , nabadda iyo dejinta xiisadaha markaa taagan  ayaa haatan u muuqanaya mid aan tabar badan laheyn oo aan si dhab ah uga jawaabi Karin waxyaabaha falcelinta u baahan ee taagan .

Dalal aan hore loo fileyn ayaa qeybaha ay deggan yihiin saameyn ku yeelanaya sida Isbaheysiyada Ruushka, Koofur Kuuriya, shiinaha,Siiriya iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaa soo baxaya siyaasado dhaqaale iyo doon doonis istarateejiyo dekado  iyo ciidanka iyadoo dalal ay ku jiraan Shiinuhu ay saldhigyo ka dhigteen dalal kale iyagoo saameyn raadinaya.

Dagaalkii qaboobaa waa isbedelay oo haatan kuwo qaab kale ah ayaana soo baxaya waxaana haatn dunidu arkaysaa dagaalka siyaasadeed oo xitaa si dadban warbaahinadu uga qeyb qaadanayaan waayo tusaale ahaan CNN ,SKY NEWS iyo ALJAZEERA isku qaab ugama hadlaan dagaalka Gaz .

Sidoo kale dad badan oo Israaiiliyiin ah ayaa Iyana haatan ka aamin baxay Xukumadda Israil oo aaamini weysan wixii dhacay iyo sida mar kaliya uu hoos ugu dhacay hankoodii dhinaca ammaanka oo ay arkeen sidaloo daba maray sirdoonkii awoodda badnaa ee Israil.

Taas ayaa keentay in tiro aadu badan oo Israaiiliyiin ah ay ka guuraan dhulkii la soo dejiyey ee dhismeyaasha looga sameeyey  halka uu sii xoogeystay cabsida ay qabeen oo ah in dhulkan oo ay la deggan yihiin Carabta aanay aamini Karin.Marka si fiican loo eego waxaa muuqda isbedel in u uku soo socdo hannaanka siyaasadda caalamla (World Political Order) laakiin weli lama oga qabka ay wax noqon doonaan.

WQ; Maxamed Shiil Xasan