Xiriirka kubadda cagta JFS oo sheegay in dib loo dhigay jadwalka

Waxaa dib loo dhigay muddo labo maalin ah tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Warqoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa lagu yirii ujeedo hakin cayaarah maamul gobaleedyafa iyo gobolka Banaadir:-

Waxaan si xushmad leh idin kaaga mahadcelineynaa ka qeybgalka tartanka maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir iyo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya guud ahaan,hadaba waxaan idinku wargalineynaa in la hakiyay cayaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay muddo labo maalmood ah,iyadoo la ciyaari doono 1-daa January 2024 waxaan la idinla soo wadaagi doona jawdalka ciyaaraha tartanka maamul goboleedyadda iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2023.

Sidaasi darteed waxaan ku rajaweynahay in sidii aan horay idinkaaga baranay aad ugu soo diyaar garoobi doontaan.

 

Warmurtiyeed ka soo baxay shirka wadahadallada DFS iyo Soomaaliland

Warmurtiyeed ka soo baxay shirka geeddii-socodka hanaanka  wadahadalada dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Somaliland ee lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu yirii sida tan.

Ayadoo laga ambaqaadayo dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taariikhda u dhaxeysa 28 – 29 December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdl isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. lsmaaciil Cumar Geelle.

Wadahadal iyo dood dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaadheen qodobada soo socda:-

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna’looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii,iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somallland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amnIga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad Iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Dowladda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane lsmaaciil Cumar Geelle, dawladda Iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta Iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

ALLAA MAHAD LEH

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Koobka Dowlad-goboleedyada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Staudiom Muqdisho.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.

Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.                

Madaxda Waxbarashada XFS iyo Hirshabeele oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyay dugsiga Maxaas

Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Cismaan Ibraahin ayaa xarigga ka jaray dhismo dayactir ah oo lagu sameeyay dugsiga waxbarashada ee Degmada Maxaas.

Dugsigaan oo sidoo kale lagu sameeyay qalaneyn waxaa xafladdii xarig jarka ka hadlay Wasiir ku xigeen Wasaaradda Waxbarashada XFS,isagoo sheegay in hadafka dowlada uu yahay la dagaalanka jahliga iyo horumarinta waxbarashada.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Waxbarashada Dowlad Goboledka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle iyo Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Dugsiga degmada Maxaas ayaa bilo ka hor ku dumay qarax ay ka dambeeyeen kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

Ciidanka Israa’iil oo ku sii siqaya bartamaha Gaza iyo 150.000 oo ka barakacay halkaasi

Qiyaastii 150,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan degaannada bartamaha Gaza, iyadoo ciidamada Israa’iil ay ku sii siqayaan xeryaha qaxootiga ee ku yaalla halkaasi,sidaasi waxaa yiri  Qaramada Midoobay.

Dad goob joogayaal ah iyo garabka hubeysan ee Xamaas ayaa ku waramaya in dabaabaadka dagaalka ay gaareen duleedka bari ee xerada Bureij,kadib markii Milateriga Israa’iil ay dhawaan ballaariyeen weerarkooda dhulka si ay u beegsadaan Bureij iyo xerooyinka Nuseirat iyo Maghazi ee u dhow.

Duqeymaha Israa’iil ayaa sidoo kale lagu dilay labaatan qof Khamiistii, sida ay xaqiijiyeen wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Dhinaca kale,Masar ayaa xaqiijisay in ay soo bandhigtay hindise saddex waji ah oo lagu joojinayo dagaalka ,isla markaana lagu heli karo xabad joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa la sheegay in ay gaareen Qaahira si ay jawaab uga bixiyaan qorshaha Masar.

In ka badan 21,300 oo qof ayaa lagu dilay Gaza ,kuwaas oo u badan carruur iyo haween, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka oo kulan dhiirigalin ah la qaatay xulka Kubadda Cagta ee Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho ah la qaatay Cayaartoyda, Macalimiinta iyo Maamulka Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir.

Kuilankaasi casho sharafta ah oo ka dhacay Degmada C/Casiis waxaa sidoo kale ka qeybga;een qaar kamid ah guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka , Taageerayaasha Xulka Kubadda Cagta iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xafladii casho sharaftaasi ayaa dhammaan u mahadceliyay bahda sortiga iyo maamulada ciyaartoyda oo xi iska saaray qaban qaabinta tartankaan.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka dhawaajiyay in dib loo furi doono goobihii sporti ee gobolka si ayuu yiri dhallinyaradu ay u helaan fursado saamixi kara in ay soo baxaan cayaartooy wanaagsan iyo in sidoo kale dhallinyaradu ay helaan meelo ay isku furfuraan.

Guddoomiyaha waxa uu ugu dambeyntii Xulka Kubadda Cagta u rajeeyay guul iyo in ay soo hooyaan koobka tartankaasi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay kulan loogu duceynaayey marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Hamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynaayey marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo muddo dheer ka tirsaneyd Baarlamaanka iyo Golaha Xukuumadda.

Munnaasabadda loogu duceynaayay marxuumadda ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka, Xildhibaano ka tirsan labada aqal, wasiiro, iyo madax kala duwan oo Dowladda ka tirsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u duceeyay marxuumadda, isagoo Alle uga baryay inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, sheegayna in la cafiyo marxuumadda.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo anshax-xumada oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey heshiiska caalamiga ah ee  da’da ugu yar ee shaqada iyo heshiis is-afgarad ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq.

   

Madaxweynaha JFS oo dalka Jabuuti kaga qayb galay Shirka Wadahadallada DFS iyo Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti kaga qayb galay, furitaanka Shirka Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.

Shirka waxaa qayb ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha JFS oo safar ugu ambabaxay dalka Djabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti,Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.