Xasan Sheekh“dugsiyada dowladda qaar ayaa ka mid noqondoona dugsiyada dadka baahiyaha gaarka qaba.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay arrimaha qaadashada macallimiinta ee sanadkaan ay dowladda u qaadan doonto dugsiyada ay gacanta ku hayso isagoo sheegay in ay ahmiyada gaar ah siindoonaan sidii loo tayeyn lahaa tacliinta sare ee dalka ugana faa’iidaysan lahayeen carruurta Soomaaliyeed ee dan yarta ah iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

“Macallimiinta 10-ka kun ah ee ay dowladda qaadaneyso,ma aanna oran kuma jiraan macallimiinta dugsiyada baahiyaha gaar ka ah loga baahan yahay,waa ku jiraan oo kuwii  hore hadaysan ka mid ahayn kuwaa cusub ee hadda la qaadanayo waa ku jiraan,dugsiyo baahiyaha gaar ka ah waa ay jiraan hadda inta sameysay ee ku dadaashay way ku mahadsan yihiin,dowladda dugsiyadeeda qaar ayaa ka mid noqondoona dugsiyada dadka baahiyaha gaarka qaba ka jawaabah oo ay wax ku bartaan.”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya oo gacanta ku dhigay gaadiid u rarnaa Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku qabtay Saddex Gaari oo ah nuuca loo yaqaano Homey, kuwaas oo ay ku raranyihiin budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa, dab dhaliyaal (Solar’s) Computero iyo agabyo kale oo badan oo ciidamadu isticmaalaan, isla markaana loo waday Khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qabtay Sideed Eedeysane oo todobo kamid ah ay ahaayeen dadkii waday alaabtaan iyo hal Muwaadin oo u dhashay wadanka Uganda, kaas oo asna ku sii jeeday deegaanada ay joogaan Khawaarijta haatana ay ciidamadu su’aalo waydiinayaan.

   

Boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay ajaanib baxsad ka ahaa cadaaladda

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada Muqdisho ka qaatay Dahab gaaraya 940 Garaam ayna baxsad ka ahaayeen cadaaladda.

Eedaysanayaasha Boliisku qabtay ayaa lagu kala magacabaa  Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdi bdikarim Ahmed oo dhamaan ka soo jeeda dalka Suuriya.

Booliiska magaaladda Qardho  ayaa sheegay in xubnahaan oo u dhashay dalka Suuriya saaka lagu qabtay Qardho lana  horgeyn doono Cadaaladda si wax looga waydiiyo Eedaha loo haysto,boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay Eedaysanayaal u dhashay dalka Suuriya

   

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay beegsiga shirkaddaha ee Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay dood-furan oo si toos ah ay dadweynaha Soomaaliyeed su’aalo ugu weydiinayeen ayaa sheegay in u magaca Soomaaliyeed ugu mahadcelinayo Shirkadda Hormuud dadaaladda samafalka ah ee ay ka hayso dalka, waxaa uu sidoo kale ka jawaabay su aal laga waydiiyay beegsiga ay Khawaarijta muddooyinkii danbe ku haysay.

“Waa run shirkadda waa la bartilmaameedsaday Khawaarijtaan sidoodaba wixii Soomaaliya dan u ah ayey ka soo horjeedan oo bartilmaameed u ah, ha ahaato mid gaar loo lee yahay ama mid dowladdeed qof ay dhafayaan malaha wanaagga ayey la dirirsan yihiin,waana colka wanaagga,Hormuud waa shirkadda ay ku wada noolyihiin qoysaas  Soomaaliyeed”. ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan loo soo qab-qabtay falalka la Xirriirka beegsiga shirkadda Hormuud lana horkeeni doono cadaaladda.

“In hadaf laga dhigto oo adeegi la burburiyo oo dadkii adeegaas u adeegayay la dilo dhibaatada ay Khawaarijta u qabaan shacabka Soomaaliyeed ayey ka mid tahay,waana ka xunahay,dowladda kama indha la’aa arrimahaas dad badan ayaa u xiran arrimahaas  oo u baaritaan ku socda waxaana arkii doontaan iyagoo maxkamadda la horgeeyay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo Mushaaraadka Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay kulan dadweyne oo ay soo qaban qaabisay Madasha Minbar initiative, isagoo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ka qeybgalayaasha.

Madasha ayaa looga hadlay mawduucyo xaasaasi ah oo la xiriira talaabooyinka waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday sanadka 2023.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday ka jawaabay su’aal la xiriira mushaaraadka ay qaataan ciidamada xoogga dalka, waxa uuna tilmaamay in ciidamadu ay dadaal badan u galeen sidii ay u sugi lahaayeen amniga xilli ay jiraan duruufo adag.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dib u eegis lagu sameyn doono mushaaraadka ciidamada, islamarkaana sare u qaadistooda ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda caafimaadka oo Muqdisho ku soo bandhigtay cilmi-baaris ku aadan cudurka HIV AIDS

Madasha cilmi-baarisyada oo socon doonto muddo labo cisho ah ayaa maalintii 1-aad lagu soo bandhigey cilmi-baarisyo kala duwan oo laga diyaariyey faafitaanka iyo heerka uu marayo xanuunka HIV AIDs-ka iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga (Hepatitis B virus HBV) iyo xanuunka Isfiilitada (Syphilis) kuwaasoo ka mida xanuunada ay la daalaa dhacayaan qeybo badan oo ka mid ah bulshadeena.
Dhammaan daraasadaha ayaa tilmaamayey in loo baahan yahay dhimista halista faafitaanka xanuunada laga diyaariyey Cilmi-baarisyada kala duwan ee lagu soo bandhigey munaasabada, waxaana sanadkan daarsadaha lagu soo darey qeybo badan oo aan horey ugu jirin Cilmi-baarisyadii kala duwanaa ee horey loo soo bandhigi jirey, sidoo kale waxaa farta lagu fiiqey in xanuunka HIV AIDs-ka iyo xanuunada kale ee lagu soo bandhigey Cilmibaarista in lala galo dagaal adag si gabi ahaanba loo ciribtiro.
Maalinta berito ah ayaa qorshu yahay in la soo gebagabeeyo guud ahaan munaasabadda soo bandhiggidda natiijooyinka cilmi-baarisyada HIV AIDs-ka iyadoo maalntaa ayaa sidoo kale ajandaheedu qeyb ka yahay in munaasabadda lagu soo bandhigo dooda iyo aragti wadaag daaran yareynta iyo xakameynta xanuunka HIV iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga iyo Isfiilitada oo qeyb ka ah Cilmi baarista.
Madasha waxaa kasoo qeyb galay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda FS  Dr. Cli Xaaji Aadam, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, xubno sare oo ka socdey Hey’adaha kale ee Dowladda, Dhaqaatiir, Cilmi-baarayaal, xubno ka socdey Hey’adaha ka howlgala Soomaaliya ee taageera Caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Mas’uulin ka tirsan hay’adaha amniga oo soo xaadiray kulan ciyaareed u dhexeeya Horseed iyo Heegan

Kulan ciyaareed u dhexeeya kooxaha Kubadda Cagta Horseed iyo Heegan oo kala matala Ciidamada Boliiska iyo Milatariga ayaa galabta lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Waxaa u daawasho tagay Ciyaartan Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Bare, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud XFS Bashiir Maxamed Jaamac, Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Boliiska Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 4-0 oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalku ugu awood sheegatay xidigaha Heegan ee Ciidanka Boliiska.

Hay’adda NISA oo qabatay 3-dhalinyaro ah oo Khawaarijta wada shaqayn la yeeshay

Hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay 3-dhalinyaro ah oo dhawaan laga dhex arkay muuqaalo ay duubtay kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ay ku sheegayaan inay la shaqaynayaan argagixisada.

Dhalilinyaradan ayaa muuqaal dambe oo laga duubay ku sheegay in markii hore ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayna gaareen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyagoo doonaya inay macawisleyda Khawaarijta la dagaalamaysa ku biiraan, balse la badalay fikirkooda, sidaasna ay ugu gacan galeen kooxda Khawaarijta.

Waxa ay sheegeen intii ay la joogeen Khawaarijta inay tageen magaalooyinka Saakow iyo Jilib, ayna la kulmeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsan.

Hay’adda NISA ayaa hadda baaritaan ku haysa dhallinyaradan si loo hubiyo sax ahaanshaha macluumaadka ay warbaahinta ka sheegeen.

Madaxweynaha JFS oo ku marti-qaadan Kulan Dadweyne ay qabaneyso Madasha Minbar

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku marti-qaadan Kulan Dadweyne oo ay qabaneyso Madasha Minbar initiative oo shacabka Soomaaliyeed ay ku waydiinayaan su’aalo ku saabsan caqabadaha iyo hurumarka dowlad dhiska Soomaaliya.

Mawduucyada aasaasiga ah ee Madaxweynaha wax laga weydiin doono ayaa la xiriir talaabooyinka waaweyn ee Dowlad Federaalka Soomaaliya qaaday sanadka 2023

* Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta iyo xajinta
* Cunuqabateynta hubka ee la qaaday waxa xiga, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.
* Bixitaanka ATMIS iyo qorsha ciidanka xooga dalka kula wareegayaan goobaha ay kabaxaan.
* Amniga Caasimada.
* Deynta Soomaaliya laga cafiyay.
* Ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo Siyaasadda arrimaha dibadda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ka hadley muhimadda dhameystirka dastuurka, guulaha ay dowladda ku tillaabsatey iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

4- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada Geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

5- Madax ka tirsan golayaasha dowladda federaalka ayaa saxiixay buugga tacsida ee marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye

6- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

7- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 maleeshiyaad ah, isla markaana laga furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaarijta.’

8- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey dar-dargelinta hawlaha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo foodda leh ee 2024.

9- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

10- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Soomaaliya General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in hawlgalada ugu dambeyeeyay ee Koonfurta gobolka Mudug ay dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

11- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA oo kaashanaysa maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa 1,500 oo Qoys oo wajahayey nolol adag gargaar ugu qaybisay gudaha Isbitaalka weyn ee magaaladaas.

12- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan o oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku soo barakacay Muqdisho iyo deegannada hoostaga.

13- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode, Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, oo hoostaga deegaanka Goof-gaduud Buurey gobolka Bay oo ay kuu dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al Shabaab.

14- Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu magaalada Nairobi ku dilay Marxuum Maxamed Xasan.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-Rumeysi.

16- Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Macalin Ayman oo ka mid ahaa madaxda Khawaarijta Al Shabab.

17- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay tuulooyinka Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo ka tirsan Degmada Afgooye.

18- Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika.

19- Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa ka taagan degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-Nino.
20- Dowladda Britain ayaa Soomaaliya ugu yaboohday kaalmo dhaqaale oo gaareysa $9 Million oo dollar oo lagu biirin doono mashruuca Bangiga Horumarinta Afrika ee lagu taageerayo Hay’adda Masiibooyinka Qaranka ee SODMA.

21- Laamaha amniga iyo Bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaguud ayaa yeeshay kulan looga hadlayay ilaalinta nabadgalyada.

22- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee hay’adda SODMA (2024-2029).

23- Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacadde” ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.