Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyey sameenta dalkeena ka soo gaartay isbeddelka Cimilada, jawaab celinta hay’adda ka bixisay daadadka iyo fatahaadaha El-Niño ee Gobolada dalka Ku dhufatay iyo dadaalada ay wali wado.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa sheegtay in ay u sameen doonto hay’adda u Qaraamid( Advocacy) dhinaca Diasporada ah, si hay’adda ay uga cawiyaan gurmadka ay wado.

Maamulka gobolka Banaadir oo Gacanta ku soo dhigay Shirkado Lacago been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Gacanta kusoo dhigay Shirkado Lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolku sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa Gacanta lagu soo dhigay iyo cidkasta oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan Gaadiidka dad weynaha ee Bajaajta loo yaqaanno aan laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa fafal been abuur ah oo shacabka magaalada Muqdisho Lacago baad ah looga qadayay, kuwaa oo la horgeeyay Caddaaladda.

 

Washington oo Israa’iil kala hadashay wax kabadalka Dagaalka Qaza

La taliyaha amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan, ayaa Wasiirka arrimaha istaraatiijiyadda Israa’iil Ron Dermer,  kala hadlay in ay u gudbaan  marxalad ka duwan dagaalka Qaza ee ay kula jiraan Xamaas.

Sargaal Mareykan ah oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sullivan uu kala hadlay Dermer, oo ah Qof aad ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu,  inay u gududbaan marxaladda cusub oo ka duwan diiradda dagaalka Qaza.

Waxa uu intaa ku daray in wadahadallada dhex maray Maraykanka iyo Israa’iil  looga hadlay sidii loo yareyn lahaa waxyeellada rayidka iyo sidii leysu dhaafsan lahaa Maxabiista ay kala haystaa Xamaas iyo Isra’iil.

Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo faray Shirkadaha ka shaqeeya dhismaha inay kor u qaadaan tayada

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada tobnaad ee shirkadda dhismaha ee (Hadiid).

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa waxa uu yiri “Shirkadaha dalka waxaanu ku taageeraynaa dedaalka ay ugu jiraan inay dalka horumariyaan, taa beddelkeedana waa inay ilaaliyaan shuruucda dalka u degsan”.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda ay si dhow ula socon doonto dhamaan shirkadaha dhismaha, si loo hubiyo inay buuxiyaan shuruudaha tayada la xiriira.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Soomaalida ay yihiin dad si hufan u guta mas’uuliyadaha dusha ka saaran, taasi oo si cad u muuqatay 30-kii sano ee burburka, maadaama ay ka qeyb qaateen dhisidda dalalka ay u soo hayaameen.

 

Ciidamada deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo gacanta ku dhigay Saddex ka mid ah Khawaarijta

Xoogaga Macawisleyda ee deegaanka Cadcadey ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa gacanta ku dhigay saddex ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyaga oo ku wareejiyay Ciidanka dowladda.

Taliyaha Macawiysleyda deegaanka Cilmi Cabdulle Cali oo warbaahinta dowladda uga warbixiyay dhacdadan ayaa yiri in Eedeysanayaasha ay qireen inay ku biireen Xeryaha Khawaarijta, iyaga oo tababar ku soo qaatay.

Ciidamada deegaanka (Macawisleyda) ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo amniga ka wada miyiga gobolka Sh/dhexe, si ay uga sifeeyaan haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta.

Turkiga oo ogolaaday in Sweden ay ku biirto NATO

Guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Turkiga oo kulan ku yeeshay gelinkii danbe ee shalay magaalada Ankara, ayaa ansixiyay ka mid noqoshada Sweden Ururka NATO.

Ansixinta arrinkan ayaa yimid kadib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta Baarlamaanka ee caasimadda Ankara, kaasoo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga, xildhibaan Fuat Oktay oo ka tirsan xisbiga cadaaladda iyo horumarinta.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga Burak Akcabar, kaasi oo Guddigga uga warbixiyay qaabka ay Sweden uga mid noqoneyso NATO.

Ansixinta guddiga ee xubinnimada Sweden, kadib waxaa loo gudbin doonaa Golaha Guud ee Baarlamaanka Turkiga si cod loogu qaado.

23-kii Oktoobar, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay hab-maamuuska ku biiritaanka Sweden ee Ururka NATO.

Guddoomiye Madaale oo ka qeybgalay sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada dowladda hoose ay u heyso bulshada gobolka Banaadir ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2012-kii, iyadoona Howlwadeenada waaxdaan ay gurmad naf hurnimo ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, haba ugu darnaato xilliyada ay kacaan dababka.

Duqa Magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dadaalada Naf-hurnimo oo ay howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga ay sameeyaan, asigoona xusay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay tayeynta iyo ka warqabka Howlwadeenada waaxda, maadaama ee yihiin kuwa ka shaqeeya shaqada ugu adag ee lagu bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda Gurmadka Deg-degga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga.

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo maanta Olole indho fiiqis ah ka bilowday gudaha Soomaaliya

Hay’adda Bisha Cas Turkiga ayaa maanta olole caafimaad oo indho fiiqid ah ka bilowday magaalooyin badan oo Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacyo iyo Doolow.

Hay’adda Turkish Foundation ayaa fulinaysa mashruucan loogu talagalay in 512 bukaan si lacag la’aan ah loo sameeyo baaritaanno iyo qaliin indha fiiqid. Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa waxaa laga furay Isbitaalka “National Eye Hospital” ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka Bisha Cas ee Turkiga Taner Kurt ayaa sheegay inuu rajeynayo in ololahan uu ka qayb qaadan doono wax-ka-beddelka-nolosha dadka deegaanka, isagoo xusay in uu socon doono muddo saddex toddobaad ah.

Siihayaha Safaaradda oo ka qayb galay kulan diimeedka 16aad ee soo qaban-qaabisay xarunta Towxiid Kampala

Kampala:- Furitaankii shirwaynaha 16aad ee Markaz Al-Towxiid ee Magaalada Kampala ayaa waxaa ka qeybgalay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kampala Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali.

Mudane Cabdiladiif ayaa bogaadiyay doorka culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin fidinta diinta islaamka una rajeeyay muxaadarooyinka halkan culumada Soomaaliyeed kasoo jeedinayaan in ay noqdaan kuwo ay ka faa’iidaystaan bulshada reer Kampala ee kasoo qeyb galay.

Kulanka dacwada islaamka ee Markaz Al-Towxiid oo ah kii 16aad ee lagu qabto dalkan Uganda ayaa waxaa muxaadarooyin kala duwan ka bixin doona qaar ka mid culimada aadka looga yaqaan degaanada soomaalida.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS oo la kulmay Xil. Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Minnesota ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay qurba joogtu ku leeyihiin dalalka ay ku nool yihiin gaar ahaan doorka firfircoon ee haweenka, isagoo intaa ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin hormuud ah ay ku leeyihiin, horumarka dhaqan dhaqaale ee dalkooda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.

Dhankeeda Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ka mahad-celisay soo dhawaynta qiimaha badan ee loogu sameeyey dalkeeda hooyo, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uga warbixisay xaaladda qurbojoogta Soomaaliyeed ee Mareykanka oo si dhaw ula-socda guulaha isdaba jooga ee ah ee dowladdu Soomaaliyeed ku tallaabsatay sanadihii ugu danbeeyey.