80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay dagaalkii magaalada Caad

Caad:- Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay xogta rasmiga ah ee dagaalka dhawaan ka dhacay magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka oo weerar ku qaaday fariismo ay Khawaarijtu ku lahaayeen aaga Caad, halkaas oo Khasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale deegaanka Jeex-Jeex ka dhacay dagaal socday muddo 8 saacadood ah, waxaana dagaalkaasi ka dhashay guulo waaweyn oo ay soo hooyeen Ciidanka Qaranka, isla markaana ay Cadawga ka furteen hubkii ay wateen.

Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen 80 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreeyeen waqooyiga iyo bariga magaalada Caad.

Taliyaha ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in Galbeedka magaalada gabi ahaanba laga xorreeyo Khawaarijta, si dadka degan ay u helaan nabad-gelyo isla markaana la daboolo baahiyaha aasaasiga ah ay qabaan lana gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay 1,500 oo Qoys oo ku nool degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi:- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo kaashanaysa maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa 1,500 oo Qoys oo wajahayey nolol adag gargaar ugu qaybisay gudaha Isbitaalka weyn ee Magaaladas.

Qoysaska Gargaarkaan loo qaybiyey ayaa iskugu jiray Danyar, kuwa qaba baahiyaha gaarka ah iyo barakacyaal deeganadoodii uga soo barakacay fatahaadaha iyo daadadka El-Niño.

Degmada Jalalaqsi iyo degaanada ku dhaw waxa ay ka mid yihiin goobaha ay sida ba’an u saamaysay xaaladdaha El-Niño.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay goobo ay Khawaarijta ku lahaayeen gobolka Baay

Baydhabo:- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Shalay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan “Goof-gaduud Buurey” ee dhaca gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed maxamednuur (Ahmed Dhagey).

Howlgalkaan ayaa laga fuliyay deegaannada: Saydheelow, Habxirow, Buurta Qod’qode ,Calamka, Warta Dollar iyo Weeley, halkaas oo ahayd goobo laga diiwaangeliyo xubnaha maleshiyadka Khawaarijta, iyo goobo lacag baad ah looga qaado dadka shacabka ah ee Isticmaala Wadooyinka gobollada Baay iyo Bokool.

 

Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Erdogan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Agaasimaha Cusub ee Isbitaalka Tababarka iyo Horumarinta Erdogan Mudane Maxamed Xuseen Ashraf ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Xubno ka socday Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo marti sharaf kale.

Dr. Maxamed Xuseen Ashraf oo soo dhoweeyay garab-istaaga loo muujiyay ayaa mar uu ka hadlayay munaasabada waxa uu yiri:

“Waxaan ilaalin doonaa nidaamka iyo kala dambeynta, isla markaana ka shaqeyn doonaa, shuruucda Isbitaalka iyo sidii loo hormarin lahaa, lana baahin lahaa adeegyada uu bixiyo.”

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay munaasabadda ayaa dhankooda soo dhaweeyay Dr. Maxamed Ashraf, iyagoo sidoo kale tilmaamay doorka Isbitaalka Erdogan uu ku leeyahay helida daryeel caafimaad oo tayo leh.

Kulan loogu duceynayay AUN Wasiir Khadiija Mohamed Diiriye oo lagu qabtay magaalada London

London:- Waxaa magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka dhacay kulan tacsi ah oo loo sameeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquul Insaanka Khadiija Maxamed Diiriye.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimo’udiin, waxgarad, haween, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.

Kulanka ayaa looga hadlay taariikh nololeedkii wasiirka iyo dadaalkeeda ku aaddan horumarinta nolosha Soomaalida iyo caawinta dadka ugu nugul bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kaqeybgalay munaasabad uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Jimcaale Madaale ku saxiixayay Miisaaniyadda sanadka 2024, iyo xeerka Nidaaminta Maaliyadeed ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa balllanqaaday sanadka 2024-ka sare u qaadista billicda caasimadda, Fulinta mashaariic waxtar u leh bulshada iyo in Magaalada Muqdisho ay hiigsato magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Hodan Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Meninsota

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Hodan Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Congress-ka gobalka Meninsota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaano ka socday labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiin dowladda ee Soo dhaweynta diiran u sameeyay Xil. Hodon Xasan.

Wasiir kuxogeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS Isaaq Ibraahim ayaa tilmaamay in ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan hodon iney dalkeeda koowaad ay timaado.

Xil. Hodon Xasan ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta ay u sameeyay masuuliyiinta ka socotay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

EREY BIXINTA AFKA SOOMAALIGA EE URUR GOBOLEEDKA EAC

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Haddaba erey bixinta saxda ah waxay noqoneysaa URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA, waxaana loo soo soo gaabin karaa URUR GOBOLEEDKA BARIGA AFRIKA.

Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo xarigga ka jaray Saalada qaliinka ee Isbitaalka Martiini

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Adam ayaa xarigga ka jaray Saalada qaliinka guud ee Isbitaalka Demartiino kadib dib u howlgalin, dayactir iyo qalabayn cusub oo lagu sameeyey saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee Isbitaalka.

Saalada qaliinka ayaa burbur xoogan soo gaaray kadib dab ka kacay aaladda suuxinta bishii March ee sanadkaan 2023 dabkaas oo khasaaro badan gaystay ayna ku bas beeleen dhammaan wixii agab iyo qalab yaalay qaybaha gubtay.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed , Isbitaalada iyo xarumaha gaarga loo leeyahay iyo kuwa danta guud sida ay ugu soo gurmadeen una garab istaageen isbitaalka Demartiino.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa Agaasimayaasha Isbitaalada, Agaasimaha machadka Qaran ee Caafimaadka Xoghayaha golaha mihnadlayaasha Caafimaadka iyo gudoomiyaha Ururuka dhaqaatiirta Soomaliyeed,isagoona wasiirku ku gudoonsiiyay shahaado sharaf xubnaha gudiga ahaa ee isku howlay gurmadka saalada qaliinka iyo qaybaha gurmadka deg degga ah ee Isbitaalka.

 

     

Dardar galka howlgalladda ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)

Ciidanka Xoogga Daka Soomaaiiyeed waxa uu beryahaan wadaa howlgallo ku socda xowle, kaasi oo lagu xoreynayao deegaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna gacan dowladda soo galiyeen deegaanno aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Degmada Celdheer, Masagawaa, Hilowle Gaab, Maraay Suuleey iyo kuwa kale o ka kala tirsan Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galguduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in howgallo ay ku khaarijeen 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga, Howlgalladaasina waxay dhaceen degaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ballaaran ka soo hooyay dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta Shabaab, kaasoo ka socda qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, iyadoo howlgalladdii ugu dambeeyay Khawaarijta looga saaray dhul ballaaran oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, sidoo kale waxaa howlgallo naafeeyay Khawaarijta ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland.

Dhulka laga saaray Khawaarijta waxaa ka mid ah howdka Shabeeloow, waddada muhiimka u ah ee Caadleey, Buurta Yacgoos, Baraag Ismaaciil, iyo kuwa kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, waxaana War-saxaafadeedka lagu sheegay in deegaannadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah Khawaarijta. Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo ciidanka difaaca shacabka ayaa khawaarijta ka sifeeyay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer, Magaalada Masagawaa, deegaanka Maraay Suuleey oo ka tirsan bariga gobolka Galguduud.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inta ay socdeen howlgalladaasi waxaa lagu dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarij, waxaana laga furtay Hub, waxaana la burburiyay qalab kala duwan iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaatrijta, ugu dambeyntiina Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hambalyo dhiirigalin ah u dirtay geesiyaasha Qaranka, uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garab taagan taageerada ballaaran. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Difaaca shacabka waxaa ka go’an in dalkeenna laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Dhinaca Galmudug, Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex-Jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta gobolka Mudug, halkaasi oo Ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ay cadowga casharo ugu dhigayaan. Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor iyo kuwa difaaca Shacabka ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidanka Qaranka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka shalay ka dhacay Deegaanka Jeex Jeex, islamarkaana Khawaarijta laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay oo hadda la sii baacsanayo firxadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka u dhow Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub. “Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada ah, kaasi oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, iyadoo la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen aagga Caad”. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel deegaanka Caad u jirto 10 KM, halkaasi oo kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, Gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yiri taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Warka Taliyaha waxa uu daba joogaa oo uu faahfaahinayay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

“Annaga nooma talin kartaan, Wiilal aan deegaanka u dhalan”, sidaasi waxaa yiri Oday ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha dega magaalada Guriceel, kaasi oo ay ku wareejanayeen Xoolo nool Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka oo markaasi ku sugnaa goobtooda difaac.

Dhinaca kale Garab istaaga ayuu  Wasiirka Gaashaandhiga u muujiyay Aabe Siciid Cabdullaahi Cawaale oo soo Afjartay fikirkii ay khawaarijta Al-shabaabku ku cabsi galin jireen dadka deegaanka, taasi oo ay u sheegi jireen in aysan dowladu difaaci doonan sidaa daraadeed ay dagaalka ka baaqsadaan una dulqaataan duleynta ay ku hayaan, waxaana la gudoonsiiyay Qoriga loo yaqaan AK 47, kadib markii uu qaadi waayay Qoriga ay Soomaalidu u taqaan Baasuukaha, kana codsaday Wasirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac inuu siiyo Qoriga meelaha fog fog wax lagaga  tookto.

Aabahaan Saciid Cabdullaahi oo 77 sano jir ah ayaa aad uga mahadceliyay Wasiirka Gaashaandhigga oo Qorigaasi siiyay, si uu u sii wato howshiisa uu iskii isugu diray, waxa uuna goor walba u taagan yahay la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee al-shabaab, waxa uu ka soo qeybqaatay dagaallo badan oo ka dhacay deegaannada uu ka soo jeedo.

Dowladda Somaaliya ayaa haatan galisay dardar cusub dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, maadaama uu hakad ku jiray sababo la xariira Roobab iyo Fatahaado aad u daran markii ay ka dhaceen dalka kadib, balse haatan waxaa istaagay Roobabkii, islamarkaana waxaa yaraaday daadadkii ka dhashay fataha Webiyada iyo kuwa ka dhashay Roobabka, sidaas awgeed ayaa hadda waxaa socda howgallo lagu sii baacsanayo kooxda, waxaana gacanta Khawaarijta laga bixiyay Degmooyin iyo deegaanno fara badan oo ay ugu muhiimsan tahay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee bariga Gobolka Galguduud.

By: C/lahi Ruush