SoDMA oo maamulka G/Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay shixnad gargaar ah oo dhan 3,800 oo Tan oo u dhiganta 150 kun oo Qoys kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay sameyeen fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ee ku nool Muqdisho iyo deeganada hoostaga.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa gargaarkaan ku wareejiyey Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, isaga oo balan qaaday in gargaarkaan dadkii u baahnaa ay gaarsiin donaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka: Dagaalkii shalay Khawaarijta waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayuu yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yari taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Dhulka: Dagaalkii shalay Khawaarijta waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad”. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel Caad u jirto 10 KM kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaas ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu yari taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtay  in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

  

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintaasi kala hadley sidii dib rasmi ahaan loogu hawlgelin lahaa adeegyadii ay Madbacadda Qaranka u qaban jirtey dalka, kuwaas oo muhiim u ah habsami u socodka hawlaha dowladda iyo shacabka intaba.

Waxaa Wasiirku uu mas’uuliyiintaasi ku booriyay inay soo diyaariyaan qorshaha farsamo ee dib u hawlgelinta adeegyada madbacadda oo hakad uu ku yimid burburkii dalka ka dhacay kadib.

Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdikariim Maxamed Digaalle (Xanaano ) iyo Maxamed-Deeq Cabdi Madar ( Haldhaa) ayaa dhankooda ballanqaadey inay dar dar gelin doonaan waajibaadkooda hawlgelinta adeegyada Madbacadda, soona dhoweeyay dadaalka Wasiirku ku doonayo in Wakaaladda Madbacadda Qaranka ay bilowdo bixinta adeegyadii loo abuuray.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale.

 

 

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka sare ayaa kulan la yeeshay wasiirka Qorsheynta

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wsaaradda ayaa maanta kulan ku saabsanaa hawlaha guud ee Wasaaradda u xil saaran tahay la qaatay Guddiga Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhagaalaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Shire, iyo Mudane Sharmarke Maxamed Faarax ayaa faahfaahin buuxda ka siiyay Guddiga waxyaabaha lagu guuleystay iyo shaqooyinka ay mas’uulka ka yihiin, iyagoo soo bandhigay sida ay Wasaaradda uga go’antahay hufnaanta shaqo iyo howlaha guud ee Hay’ adda Istaatistikada Qaranka u xilsaaran tahay iyo Qorshayaasha uga diyaarsan qabashada tirakoobyo Qaran oo lagu kalsoonaan karo.

Dhanka kale, Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda ayaa ugu dambayntii Guddiga uga jawaabay sua’aalo ku saabsanaa Qorshe-howleedka sanadka, Fulinta mashaariicda iyo qulqulka deeqaha horumarineed, waxayna soo bandhigeen sida ay bulshadii loogu talagalay ay uga faa’ideysteen mashaaricdaas iyo habraacyadii fulineed ee la isticmaalay.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhagaalaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maryan Faarax Kaahiye oo kulanka shir gudoominaysay  ayaa Mas’uliyiinta Wasaaradda uga mahad celisay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo jawaabaha ay ka bixiyeen su’aalihii ay qabeen, ayaa  balan qaaday in ka guddi ahaan ay kala shaqayn doonaan Wasaaradda waxyaabaha muhiimka u ah shaqada wasaaradda.

      

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya

Dhuusamarreeb- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku qaabilay qasriga madaxtooyada Galmudug safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Muktaar Mohamed Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray caasimadda Dhuusamarreeb.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka argagxisada, gacansiga iyo masaalxida guud gaar ahaan Galmudug iyo Ethiopia.

       

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo kulan la qaatay safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xaruunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Kulankaan oo ka dhacay xaruunta hay’adda SoDMA ayaa guddoomiyaha iyo safiirka kaga wada hadleen dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ku burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qayb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.

      

Wasaaradda Gaashaandhigga oo shaaca ka qaadday dilka 130 xubin oo ka tirsan Khawaarijta

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Howlgalladaan oo ay dhaceen Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.

Wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay geesiyaasha Qaranka uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garabtaagan taageerada balaaran.

Ciidamada Xoogga Dalka oo weerar culus ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen Khawaarijta

Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex-Jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta gobolka Mudug halkaas oo Ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ay cadowga casharo ugu dhigayaan.

Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Ciidanka Qaranka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta isla markaana Khawaarijta laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay.