Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia, isagoo uu weheliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Munaasabad weyn oo ka dhacday Addis Ababa ayaa si rasmi ah loogaga dhawaaqay natiijada soo baxday oo noqotay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan 2023 si rasmi ah ugu guulaysatay billadda ADO AWARD ayna heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda Dhaqanka, Suugaanta iyo Far-shaxanka.

Danjire Warfaa oo kaashanaya xafiiska Uqaybsanaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Safaaradda JFS ee Ethiopia ayaa dedaal badan ku bixiyay sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga dhex muuqan lahayd xayn-daabyada caalamiga ah ee looga arrinsado ama loogu tartamo guulaha waaweyn ee heer Qaran oo noocan oo kale ah.

Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqada ka sameeyey arrimaha Dhaqanka, Farshaxanka iyo Suugaanta, waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.

 

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada Shabeelaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa galinkii dambe ee shalay ilaa xalay hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta ka wada tuulooyinka kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo hoostaga deegaanka Sabiid ee degmada Afgooye.

Howgalladan ayaa Khawaarijta looga saaray dhul beereed ay shacabkii lahaa ka hor istaageen inay tabcadaan, iyadoo la burburiyay fariisimo Khawaarijta ku lahaayeen halkaas.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay xaqiijiyaan amniga guud ee tuulooyinka laga saaray argagixisada, waxaana hawlgalkan hoggaaminayay taliyaha ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad.

Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid ah goballada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

 

Ciidanka Boliiska oo gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay dil ka dhacay Nairobi

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray eedeysane lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullahi kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Maxamed Xasan.

Taliska ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in Axmed oo baxsad ka ah cadaaladda uu Marxuumka ku dilay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya isla markaana la horgeyn doono cadaaladda.

WARBIXINTA TODDOBAADLAHA AH EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho (SONNA):  1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada, loogana hadley gurmadka fatahaadaha ku habsadey qeybo badan oo Somalia ka mid ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyaad kaga soo qeybgaley shirar madaxeed kala duwan ay Boqortooyada Sacuudiga martigelisay.

3- Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u uku taageerayo qadiyadda Falasiin ka jeediyay shirka waddamada Islaamka kaga arinsanayeen xaaladda dhulka la haysto ee Falastiin oo ka dhacay Sacuudiga.

4- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka maalgashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya uga warbixiyey fursadaha ballaaran ee maalgashiga Soomaaliya.

5- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan-doceed kula qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki.

6- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dowladood.

7- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula yeeshay Madaxweynaha Ciraaaq, Abdul Latif Rashid oo ay ka wadahadleen xoojinyta xiriirka labada dal.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay shabakadda Arab News intii uu joogay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta lagu dhameyn karo heshiis siyaasadeed oo ah qaabka dhismaha laba dowladood oo labada dhinac ay yeeshaan.

9- Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo go’aamiyay in 25ka bisha November uu furmi doono kalfadhiga baarlamanka.

10- Golaha Wasiiradda oo ansixiyey hindise sharciyeedka Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Daryeelka Bulshada oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo ayaxa.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku amray Ciidamada qalabka sida inay ka qeyb qaataan gurmadka dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay kulankii u horreeyey ee Guddiga Qaran ee Gurmadka roobabka iyo daadadka El-Nino.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo dhaweeyey go’aanadii ka soo baxay shirkii qaab dhismeedka Booliiska ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka dhibaneyaasha ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah, kaas xoojinaya xariirka soo jireeenka ah ee labada dowladood.

18- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa magaalada Riyaad ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo labada dal ay yeelanayaan.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Riyaad kula kulmey Wasiirka Maaliyadda dalka Sacuudiga Mudane Maxamed Al-Jaddan.

20- Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha Wabiga Jubba ee deegaanada Jubbaland.

21- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay Wasiirka Cadaaladda ee Masar, mudane Cumar Marwaan.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay qaar ka mid ah hawlwadeennada eesiyaasha ah ee warbaahinta qaranka ee sida wacan uga qeyb qaatay dagaalka Khawaarijta.

23- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray qorshaha qaran ee isgaarsiinta xaaladaha degdega ah oo kaalin weyn ka qaadan doonto maareynta musiibooyinka..

24- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris uga qeyb galay Shirweynaha 42aad ee UNESCO.

25- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa shir guddoomiyay kulan ay soo qabanqaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimaadka goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo looga arinsanayey bedqabka shaqaalaha.

26- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Mohamed Al Makhzoumi ayaa ku guuleysatey abaalmarinta Africa Sustainability Outliers Award ee sannadka 2023-ka.

27- Wasiirka Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay degmada Ceeldheer lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

28- Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Amb. Ibrahim M. Yagli waxaana ay ka wada hadlaan xaaladda fatahaadaha ee dalka ka jira.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa shixnad gargaar ah geysat Degmada Doolow ee Gobolke Gedo oo ka mid ah meelaha ay sida aadka ah u aafeeyeen fatahaadaha.

30- Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya ee dalalka Islaamka.

31- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa toogtay dhagarqabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo Kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

32- Laamaha ammaanka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo gacanta kusoo dhigay nin horay dil u geystay.

33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka ka dhashay daadadka roobkii ka da’ay Muqdisho.

34- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno xabsi ah ku ridday qeyb ka mid ah dad ka eedeysaneyaal ka tirsanaa laamaha maamulka Degmada Hodan oo argagixisanimo loo haystay.

35- Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad xooggan ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

36- Ciidanka Xoogga Dalka oo degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtay horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa khawaarijta, Cabaas Caraaye (Garoobshe), kaas oo mudda ku dhuumaaleysanayay degaankaas.

===DHAMMAAD====

 

ISLAAMKA IYO SIDUU U ARKO MASAALIIXDA UMMADDA

Masaaliixda marka la eego sharci ahaanteeda Culimadu waxay u qeybiyaan ilaa saddex qeybood oo kala ah:

– Mid uu sharciga si gooni ah uga hadlay oo waxaa ku soo arooray daliil gaar ah in waxani dan ugu jiraan dadka in kale.

Waana wax fara badan oo lama sookoobi karo balse hal ama laba tusaalle oo mowduucaan ku saabsan aan ka bixiyo waxaa ku tusaaleyn karnaa shuurada ama wada tashiga bulshada oo wuxuu sharciga ina farayaa inaan arrin dan guud ah aan qolo gooni ama qof keligii uu go’aan ka gaarin ee laga tashado, waxaan kaloon ku tusaaleyn karnaa in dadku ay hoggaan iyo nidaam yeeshaan si aan fowdo iyo kala dambeyn la’aan u dhicin.

– Mid sharciga uu si gooni ah u xarrimay oo waxaa ku soo arooray daliil gooni ah oo xarrimaya sida in lagu takri falo hantida guud ama wax la

musuqmaasuqo, sida dhabta ah marka loo eego qaybtan waa dhib ee dadka qaar baa is tusaya inay maslaxad ugu jirto.

– iyo Mid uu sharciga ka aamusay oo kuma soo aroorin wax daliil gaar ah oo banneynaya ama xarrimaya balse waxaa jira mabaadi’ iyo qawaacid guud oo tilmaamya in maslaxadani bannaantahay ama inay bannaaneyn. Tusaalayaal hore iyo kuwa casrigaynaan ah aan ku siiyo oo ku saabsan maslaxadan iska sii deysan oo aan daliil gaar ah ku soo aroorin: aruurinta musxafka quraanka si uuna u dayacmin quraanka, diiwaan u sameynta ciidamada, timbaraynta warqadaha kulli waxay la jaan qaadayaan mabaadida guud ee islaamka, tusaale kala saaridda maamulka, sameysashada calamo iyo baasaboor laysku garto, doorashooyinka iwm. “Meesh ay jirto maslaxada ayuu sharcigu jiraa.”

Sidaa daraateed, isbedelada waqtiga iyo horumarka bani’aadanka ayaa wuxuu keensanayaa in ay soo cusboonaadaan waxyaabo badan, nusuusta diintana waa kuwa kooban. Diinta islaamka waxay  dajisay mabaadi’ guud oo waxaas oo dhami kulansanaya oo ay ka mid tahay mabda’  aan ka sheekeynayno ee maslaxada hayeeshee waxaa loo dhigay shuruud dhowr ah oo  culimadu ay ka hadleen waana kuwan:

B- Waa inay tahay mid xaqiiqo ah oo aan wahmi ahayn, waxaa laga yaabaa in qofka uu is moodsiiyo in waxani maslaxo ku jirto isagoo ay hawadiisa ay jeceshahay ama naftiisa ay u janjeerto amaba in si xun uu wax u sawirto ama loogu sawiro amaba waxaa la arkaa in maslaxad shakhsiyadeed ay tahay oo ay ahayn mid guud ama ay tahay mid dheefteedu soo degdegto balse dhib ka weyn laga dhaxli doono goor dambe ama waxaa laga yaaba in maslaxad maadi ah aytahay balse maslaxad ka wayn oo macnawi ah inay luminayso.

Marka waxaa soo dhami waa in la eego marka la go’aaminayo waxani ma maslaxad baa ugu jirta umadda, maxaa yeelay fakirka qofka waxaa saameyn ku yeelan kara wax yaabo dhowr ah sida waqtiga iyo saameyntiisa shakhsiga iyo hummaaggiisa fikir ama aqooneed iyo halka iyo goobta uu joogo ama ku noolyahay maslxadiisa gaar ahaaneed ee maadiyeed waxaasoo dhami qofka waxay ku riixayaan inuu wax aan maslxad ku jirin uu ku sheego inay inoo tahay maslaxad sidaasi daraadeed baa islaamku wadatashi iyo gorfeyn iyo in si wada jir ah go’aan looga gaaro arrimaha masiiriga ah ugu towjiihinayaa dadka.

T- maslaxada waa inay tahay mid guud oo nacfigeeda dadka oo dhan u siman yihiin si qolo gaar ah aynan kaligeed u dheefsan.

mid aan sax aheyn

tusaale.

Qisada khadir iyo nabi muuse waxaa ku soo arooray in uu khadir ku kacay dhowr tallaabo oo nabiga Alle ee Muuse uu sawiran waayay ayna ugu muuqtay mid aan sax aheyn waayo  khadir wuxuu gooyay naf aan waxba galabsan, hantina wuu ku xad gudbay balse wixi uu sameeyay si naba khalad uma ahayn balse iyadaas baa waafaqsaneyd sharciga maxaa yeelay waa gar iyo sharci in nafta iyo hantida qaarkeed la baabi’yo si loo xafido inteeda badan hadii laga fursan waayo.

 

Nabiga heshiiskii xudeybiyah wuxuu kula heshiiyay gaaladi qureysheed heshiis dhigaya in qofki soo islaama dib loogu celiyo maka oo loo gacan geliyo reer Makka qodobkaas iyo qodobo kale ayaa u cuntami waayay saxaabadi nabiga oo mari waayay iyagoo u arkaya liidnaan saas darteed buu cumar ku yiri nabiga maxaan isu liideynaa ha yeeshee nabiga waxaa u muuqday maslaxada ka weyn ee ka soo xasilaysa sidaasi darteed buu u galay heshiiskaa isaga ah wayna ka soo xasishay dabcan.

 

WD: Ibrahim Warsame

DIINTEENU WAA NUUR IYO NADAAFAD

Diinta Islaamka waa diin la timid nadaafad, nuur iyo akhlaaq iswada huwan waana dhaqan dhameystiran, Carabta inta uusan islaamka u imaanin waxay ahaayeen kuwo aan u dadaalin nadaafadda, waayo Jaahil bay ka ahaayeen nadaafadda iyo faa’iidooyinkeeda waayo ma jirin wax ku haga wanaagga ay leedahay naddafadda, sidaas oo kale ayay ahaayeen reer galbeedka ilaa iyo haddana way yihiin xataa saxarada iskama dhaqaan kaliya waxay ku tirtiraan waraaqaha, sidoo kale kaadida iskama nadiifiyaan haday doonaana istaag yeyba ku kaadiyaan.

Diinta islaamka waxay ku dadaashay nadaafadda waxayna amartay in la ilaaliyo ilaa ay gaarsiisay heer lagu tilmaamay nadaafaddu inay tahay Iimaanka barkiisa, taasoo markaati ah sida Diinteena Islaamka ay ugu dadaashay muhiimadduna u siisay Nadaafadda.

Waxyaaabaha Diinta Islaamka sida xoogga leh uga hadashay nadaafadduna la xiriirisay waxaa ka mid ah: Cadayga, weysada, qubayska, barafuunka iyo dhammaan wixii qurxoon oo dhan.

Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haatee wuxuu ahaa qofka ugu nadaafad badan ummaddiisana wuu ku booriyey in ay ku dadaalaan asigaana qudwa inoo ah.

Nabigeenna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee wuu ku dadaali jiray wax walboo nadaafadda loo isticmaalo aad buu u jeclaa, waxyabaha ku dadaali jiray waxaa ka mid ah Cadayga  aadna wuu u dhiirogeliyey isticmaalkiisa ilaa uu ku yiri asxaabta haddii ka baqi laheyn in aan dhibo ummaddeyda  cadayga ayan fari lahaa.

Teeda kale Nabiga SCW dhididkiisa wuxuu ka caraf badnaa miski wuxuu ahaa qof mar walba malaa’iga la kulma, aadna wuu u caraf badnaa, Nabiggeenna asiga ayaa tilmaamay inuu jecelyahay udgoongawuxuuna yiri: waxaa la jecleysiiyey Dumarka iyo Udugga ama waxyaabaha carfa.

Sidaas daraadeed Ma jiro wax ka nadaafad badan diinta islaamka oo aan ku abtirsano, sida aan wada ognahay ruuxa Muslimka ah  maalintii wuxuu dukadaa shan jeer waxaana laga rabaa si salaadiisa ansax u noqoto inuu weysa leeyahay, weysada ayaa iyaduna qeyb ka ah nadaafadda ruuxa muslimka ah.

Diinteena waxay boorinay in lagu dadaalo nadaafadda meelaha lagu noolyahay iyo dariiqyada wadooyinka la maro lagana ilaaliyo wasakhda iyo wax walbo dhib ku keeni karo ummadda iyo dhammaan noolaha, iyadoo Xadiith noogu sheegay Nabigeena NNKH dhibka iyo waskhda oo dariiqa laga qaado inay tahay sadaqo.

Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – nin tintiisa wasakh ah oon shanlaysnayn wuxuu yiri:

(kan ma helin miyaa wax tintiisa uu ku hagaajiyo?), nin kale ayuu arkay oo xiran dhar aan nadiif ahayn, wuxuu ku yiri:

(kan ma helin miyaa wax dharkiisa uu ku dhaqdo?)

W/Q: Ibraahim Warsame Xuseen

 

ARAGTIDA ISLAAMKA EE DHAQAALAHA DUNIDA (QEYBTA 1-AAD)

Islaamku wuxuu aragti iyo fikradba ku lahaa walina ku leeyahay  maareynta iyo xillinta su’aalaha ku saabsan dhaqaalaha guud ahaan dunidan aan qeybta ka nahay, mana ahan aragti iyo afkaar dhawaan uun soo bilaabatay balse waa aragti waa hore islaamku la tacaalaayey xallinteeda iyo nidaaminteeda intaba, waxaadse moodaa in dunida inteeda kale ama qolooyinka aan muslimka ahayn uu ula muuqdo afkaaro cusub oo ka fiican aragtidii dhaqaale ee kala danbaysay ee ay soo saareen khubaradadoodii dhaqaalyahnada ahaa.

Marxalado kala gedisan oo dhaqan dhaqaale ayey dunidu soo martay oo marba waxa la baarayey lana tijaabinayay aragti cusub oo dhaqaalaha dunidu isticmaalo ku tacluqa, midkastana waa laga gudbayay marka ay sidii la rabay noqon waydo, ilaa waqti xaadirkan lasoo gaaray nidaamka dhaqaale ee fashilka ku dhow ee lagu magacaabo ” hanti-goosadka”.

Caqabadooyinka dhaqaale ee hadda dunida ka taagan waxay umuuqdaan in aanay xalkeeda haynin dugsiyadii kala duwanaa ee aragtiyaha dhaqaale ay ka yimaadeen, balse dhaqaalaha islaamka ayaad ka dhex arki kartaa balan-qaadyo rasmi ah oo la xiriira xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Sidookale, Waxa jira jaamacado  badan  oo  bixiya heerarka waxbarasho ee kala duwan ee degree ilaa PHD, sidoo kale waddamada reer galbeedka ardadooda qaar ayaa buugga qalin-jabintooda ku qora mawduucyo ku saabsan dhaqaalaha dunida muslimka ah, isla wakhtigan la joogo ayuu dhaqaalaha islaamku marayaa marxalad xasaasi ah oo haddii aqoonyahanka islaamku ay ka hawlgalaan uu noqon karaa fikrada dhaqaale ee dhammaan dunida hogaan u noqon karta.

Ninka lagu magacaabo ”Ray Dalio” ee Bilyaneerka ah islamarkaasna leh shirkad bixisa maal-galinta lacagaha xaddigoodu badan yahay ayaa waxa uu sheegay inuu nidaamkii dhaqaale ee hanti-goosadku uu wakhtigan la joogo umuuqdo mid guuldareystay isla markaana uu kacdoon kale oo dhaqaale la filayo inuu badelo.

Waxaa muuqata in kala saraynta dhaqaale ee dunidu ay wakhtigan aad usarayso, walibana uu yahay mid sannadba sanadka ka danbeeya sii kordhaya, islamarkaasna dhaqaalaha ku salaysan ribaddu aanu marnaba ahayn xalka saxda ah ee dunida ujihayn kara  baraare guud iyo koboc dhaqaale intaba.

Islaamku wuxuu zako ahaan uqaada dhaqaale gaaraya 2.5% xoolaha uu qofku leeyahay sannadkii, taasoo dunidu u aragtay inuu yahay xalka yarayn kara kala saraynta dhaqaale ee bulshada.

Dhaqaalaha islaamka ayaa ah ruuxda kaliya ee wakhti xaadirkan soo noolayn karta dhaqaalaha dunida ee sii dhimanaya, waana ereyo aad ku arki kartid inay adeegsanayaan qoraayada ka hadla arimaha dhaqaaluhu, waxaana ay sidoo kale leeyihiin kaliya ma’aha xeerar islaamku isticmaalo ee waa xeerar ilaa wakhtiyadii nabi Ibraahiim(CSW) la isticmaali jiray taas oo ay dhaafinayaan xilliyadii uu noolaa Nebbi Muxamed (NNKH).

Balse islaam ahaan waxa aynu aaminsanahay in nidaamka dhaqaale ee islaamku uu la bilaabmay abuurkii dunida.

WD: Ibrahim Warsame Xuseen

 

SOOMAALI WAA KUMA?

Dalka soomaaliya waxaa gumeysan jiray reer yurub oo ay ka mid yihiin dowladaha ingiriiska iyo talyaanniga oo muddo aad u dheer gumeysanayay waxayna u qeybiyeen shan gobol.

Haddaba, xilligii qeybsiga afrika ayaa ingiriisku wuxuu bixiyey seddax ka mid ah gobollada soomaaliya, wuxuuna kala siiyay  dowladaha faransiiska iyo

itoobiya iyo keynya.

Gumeystihii reer yurub waxay isaga guureen dalka soomaaliya 1960kii  iyagoo xamiliwaayey ama u adkeysan waayay dagaallada isba joogga ah ee Gobannima doonka.

Haddaba, soomaalida oo go,aansatay in ay iska xoreeyaan ama  iska dulqaadaan gumeysiga caddaanka ah iyo kan madoow intaba waxaa meesha ka baxay cadowgii iyo u adeegayaashii u shaqeynayey gumeystaha reer yurub.

Intaa ka dib waxaa midoobay laba gobol oo la kala oran jiray suud iyo Noorad ama waqooyiga iyo koofurta soomaaliya oo ay magaalo madax u tahay muqdisho, halka markii hore hargeysa ay magaalo madax u aheyd waqooyiga galbeed ee soomaaliya.

markii la ay midoobeen labada gobo lee xorta ah  waxaa magaalo madax u noqotay xamar ama muqdisho oo adduunyadu u aqoonsatay in ay yihiin dowlad buuxda.

Dastuur soomaaliya  ayaa sheegaya in ay tahay magaalada muqdisho meeshii lagu lagu heshiiyay laguna midoobay ka dibna dalka laga xukumi jiray, laakiin waxaa isweydiin mudan gobolladii shalay ingiriisku dhiibay soomaali ma yihiin =?

Haddaba Runta hadiidin weligaa haddii uu utago qof soomaali ah, soomaalida itoobiya waxaa la weydiinayaa aqoonsi la yiraahdo mustawaqo, haddii laga waayo waa la xirayaa ama la dilayaa, hanti haddii uu watayna waa laga dhacayaa wuxuuna eedayaa magaca soomaalinnimada

Haddaba, nin ku xiray oo soomaali ah oo haddana og inuu dhulka yahay dhul soomaaliyeed sideen walaalo ku noqoneynaa waxaa aqoonsiga i weydiinaya waa dad soomaali ah waxa I xirayaana waa soomaali,

Sidoo kale, haddii aan kenya uu tago qof soomaali ah iyo haddii uu tago jabuuti iyo haddii uu tago itoobiya  waa seddax cadow oo midba midka kale aan waxba u dhaamin.

Hadadba, xilligii burburka soomaalidii qaxootiga ahayd ee ka carara dagaalladii sokeeye dhibaato badan ayay kala kulmeen gobolladii ay u carareen iyagoo soomaalinimo raacaya oo weliba isleh waa gobollo soomaaliyeed oo waxaa jooga walaalo idiin diir naxaya balse ma dhicin

inta aysan qaabbilin hay,adda U.N.C.H.R ee qaxootiga

adduunka  waxay soomaalidu la kulmeen dhibaato aad u daran  dad badan ayey laayen soomaalida itoobiya iyo kenya laakiin dowladda jabuuti waxay muujisay naxariis iyo soo dhoweyn soomaalinimo oo waxaa la dereemayey dhalashada soomaalinnimada.

Sidoo kale, markii lagu daro shirkii lagu qabtay magaalada carta ee lagu soo dhisay dowladdii KMG ahayd ee lagu dhisay afar iyo bar in wax lagu wadaago.

Haddaba, waxaa muuqata in ay sii baaba,ayso magacii soomaalinimada iyo  asalkii dadka ay wadaageen.

soow ma habboona in la isweydiiyo soomaaligu cidda uu yahay oo gaarka ah magacaani wuxuu lahaa hiil iyo hoo iyo dad difaaciisa u taagan oo soomaaliyeed laakiin maanta waxaad arkeysaa soomaali oo dayacan iyadoo la isku dilayo oo dad yar ay u damqanayaan soomaali nimada marka la sheego

haddaba, soomaaliyeey  isgaro oo midoowba oo ka feejignaaw cadowgaaga oo adduunka meesha aad ka joogtaba soomaali uun baad tahay ee walaalkaa yaan laguugu dirin kuwa jooga gobollada gumeysigu heysto ha soo dhaweyeen walaalahooda kale ee somaaliyeed hana ogaadeen in uu dalka soomaaliyeed yahay mid qura oo soomaali weyn ah, ogaada dalkaadu waa lama huraan dadkaaduna waa la mid  oo ha diidin soomaalinimada oo ha ka cararin dadkaada hana u diidin dalkiisa ee dugso oo wehel ka dhigo.

WQ:  Abwaan C/salaam Axmed gabayre

QARANIMO AYAA NA DEEQDA

Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ku dheggan dhaqanka hadalka (oral tradition) taas oo keentay in loo arko dad aan inta badan jecleyn wax akhriska iyo qoraalka,

Tani waxay keentay in ay u bataan dad aad u jecel waxa loo yaqaano fadhi ku dirirka osla markaana ay isku dayaan in ay wax wax walba oraah ku cabiraan,.

Dhaqankaas waxaa uu keenay in waxa ay faaqidayaan ay u bataan hal dhinac oo ah siyaasadda oo qof aqoon u leh iyo mid kaleba faraha lala wada galo .

Marka aad fiiriso dhaqankaas waxaaad is leedahay Soomaalida ma wada siyaasi baa, sow wax kale kama shaqeeyaan.

Haba ahaatee waxay ka eegaan hal dhinac oo ah siyaasad dhinac ka raran oo inta badan lagu difaaco siyaasad reereed oo aan aheyn midi fikir ama aydaloojiyad siyaasadeed ku dhisneyn.

Dunida loolanka siyaasadeed ee jira waa mid ku yimaada fikir kala duwanaan la isla oggol yahay laakiin tan soomaalida waa mid dhan wax u muquunineysa oo beesha siyaasigeeda aad ka hor timaado uu kuu arkayo cadowga beeshaas .

Markii ugu horreysay ee ay dhacday dowladdii militariga waxyaabihii ugu horreeyey ee aan Muqdisho iyo meelo kale ku arkay waxaa ku jiray odayaal subax walba ku soo kallaha oo faaqida siyaasadda waxayse arrimahan sii huriyeen xaaladihii taagnaa ilaa jufo jufo la isu qabsado.

Fikirka ama afkaarta la iska sameeyo iyo kuti kuteentii faraha ka baxday waxay isku sii dirtay qabaa’ilkii soomaalida waxayna gaartay in Muqdisho qad cagaaran uu ka sameysmo.

Macnaha arrintan waxa sii huriyey qulquulkii fikraihii aan loo meel dayin ee siyaasadda aan aqoonta durugsan loo laheyn lagu cabbirayey ilaa ololku is qabsado dalka intiisa badan.

Waxaa la si dhihi karaa maxay sii dheleen afkaarahan … way badan wixii ka dhasahy waxaana ku jira in halkii Soomaalidu mabaadii iyo afkaar ku dhisi laheyd awood qaybsigooda una sii durki laheyd  xisbiyo kala duwan oo dhasha in dalku dib ugu noqdo hannaankii taqliidiga ee hore dunidu uga soo tagtay ee beelaha.

Xaq maaha ee waa xal ayaa soo baxaday oo uu ka yimid hanaanka 4.5  ee beelha kaaas oo ah dhigaatada ay adkaatay in looga gudbo buundo kale.

Qaran uun baa wax lagu noqon karaa ee qabiilka ma noqon doono mana aha xalka Soomaalida inta uu habkaasi taagan yahayna way taagnaan doontaa dhibaatdass  waayo ma jiro dal dunida ah oo qaabkaaas ku shaqeeya .

WQ:Maxamed Shiil Xsan

MUQDISHO IYO ROOBABKA DA’AYA

Roobab xooggan oo fatahaado dhaliyey ayaa ka da’ay meelo kala duwan oo dalka ah haba ugu badnaadeene magaalada Baydhabo oo ilaa 26 qof agu warramay in ku geeriyoodeen isla markaana ay ku barakaceen dad aad u fara badan oo halkaasi deggan.

Magaalloyin kale oo ay ku jirann Gaaalkacyo, Luuuq  , Afgooye iyo kuwa kale ayaa iyna da’ay isla markaana ay fahahaado ka dhasehhn  iyadoo saadaashii laha bixiyeyy dabaysha roobabka wadata ee elnino ay haatan soo baxayso.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan roobabku ka curteen iyadoo durba la dareemayo in ay dhibaato geysanayaan isla markaana ay tani soo banbixisay qorshe xumada waddooyinka iyo sidii loo heli lahaa biyo mareeno ku filan magaalada .

“Arrintani wey soo noqnoqotay uma jeedno cid dooneysa in ay xalliso “ ayuu yiri oday Soomaaliyeed oo ka mid ah ganacsatada ku nool Muqdisho kaas oo goobtiisa ganacsi oo ku taalla agagaarka Buulo Xuubay ay biyo ugu galeen.

Isaga oo kelya ma aha ee waxaa la qabato dadka intiisa kale oo ay ku jiraan wadayaasha bajaajyada oo ka cabanaya in aan wax badan laga qaban waddooyinka “Annagu canshuur baan bixinaa hadana waddooyinkii aan adeegsanaynay biyo ayaa fadhiya “ ayuu yiri Mukhtaar Cabdi Maxamed oo bajaajtiisu ay ugu dhex dantay daadad ku soo rogmaday mid ka mjd ah waddoyyinka .

Wax yar oo roob ah haddii uu da’o waxaa go’doon gala qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho oo ay biyuhu gooyaam waddooyinka kna dhiga kuwo aanay isticmaali Karin dadka iyo gaadiidika waxayna arrinyani xannibtaa hoowlihii dad badan oo arday, shaqaale , ganacsato iyo garab rarato ah oo quultul maalmeedkoodu ku xirnaa in ay soo kallahaan.

“Mararrak qaar waxaa dhacda in aan maalin dhan shaqeysan waayo oo aan xannibmo oo gaasigeyga caasiga aan soo biixin waayo” ayuu sheegay Axmed Cabdiqadir Axmadey oo ku nool degmada wadajir kana mid ah gaadiidleyda ku xoogsata gaadiidka dadweynaha ee Caasiyada loo yaqaano.

Dhibaatooyin ayaa Iyana soo wajaha dadka u badan barakayaaahsa eek u nool duleedka iyo hareeraha magaalada oo xilliyadan oo kale saareynta ugu weyn ee roobabk ay iyaga aya ku dhacdo .

Dadkani waxay ku nool yihiin guryo cooshado iyo baakooyin ka sameysan mana helei karaam gabbaad fiican oo ay ka galaan roobabka oo ay u dheer tahHY IN y guryH ku xNIIBMn oo ay soo bixi waayaan si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo ku dhusan waxa ay ka helaan wallaalahooda.

Waxaa jira dhawaaqyo iyi baaqyo k saabsan in wax laga qabto dhibaatada ka hor inta aanay dhicin oo magaalada ay yeelato qorshe wanaagsan oo biyo ka saaris ah .

Inta badan magaalada kama jiro qorshe noocaas ah waxaana yar inta la heli karo dhuumaha dhulka hoostiisa mara ee biyaha saara magaalada.

Wadooyiinka ayaa Iyana sameyntooda marka loo baahan yahay in loo sameeyo qorshe wanaagsan oo shirkadaha dhisaya ay nooqdaan kuwo lagu aamnini karo howshaas oo aan sameyney waddooyin isla markiiba burburaya marka roobku da/o sida hadaba dhacda.

Maamumuka gobolka oo muddooyinkan dambe waday dhisme waddiyin cusub ayaa laga filayaa in ay qorshaha ku darsadaan in la heli dhuumo dhulka hoostiisa mara oo loo sameeyo waddooyinka magaaaladana loo sammeeyo hannaan biyaha geynaya badda.

Qorshaha noocan ah ooh ore uga jiray magaalada ayaa ku burburay dagaaladii sokeeye markii la dhistay ama la duugay biyo mareenadii taas oo u baahan in haatan mar kale dib loo eefo oo laga fekero dhismaha hannaan biyo saarid oo casri ah.

WQ: Maxamed Shiil