Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka sanadka 2024

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira G/Banaadir, asigoona Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.

 

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada Shabeelaha Hoose

– Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa galinkii dambe ee shalay ilaa xalay hawlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta ka wada tuulooyinka kala ah Mareereey, Moordiile, Raqayle iyo Caanoole oo hoostaga deegaanka Sabiid ee degmada Afgooye.

Howgalladan ayaa Khawaarijta looga saaray dhul beereed ay shacabkii lahaa ka hor istaageen inay tabcadaan, iyadoo la burburiyay fariisimo Khawaarijta ku lahaayeen halkaas.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay xaqiijiyaan amniga guud ee tuulooyinka laga saaray argagixisada , waxaana hawlgalkan hoggaaminayay taliyaha ururka 143-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad.

Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid ah goballada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

WAA MAXAY MACAANKA AMA SOKORTA?

Macaanku waa cudur waqti dheer kula soconaya taas oo ka dhalatay sare u kac kuyimid sonkorta ku jirta dhiiga (Hyperglycaemia).

GOORMAY SOKOR KUGU DHACAYSAA ?

■ Hadii uu yaraado dheecaanka loo yaqaano insulin oo laga soo saaro ganaca (Pancreas) isagaa qaabeeya ama nidaamiya sonkorta kana ilaaliya sare u kaca (Hyperglycaemia) markaan isticmaalno cuno.

■ Hadii isticmaalka ama ka faaideysiga sonkorta uu jirka ka faaideysanayo uu yaryahay (Utilization) sido kale ayna badato sokorta jirka ku jirta waxey keeni kartaa in sonkorta sare u kacdo (Hyperglcaemia).

Tusaale ahaan cuno badan markaad isticmaasho fadhigaaduna uu badanyahay ama socodkaadu yaryahay (inactive) waxaa ka imaanayo qalad (imbalance) oo ah in tamartii jirka ku jirtay ee sonkorta aheyd aan laga faa,iideysan waxey keeni sonkortaadu iney sare u kacdo maxaa yeelay waxaad heysataa sonkor badan iyo dhaq dhaqaaqii (Activity) loo baahnaa in lagu gubo oo meesha ka maqan.

CALAAMADAHA LAGU GARTO SOKORTA

Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu dareemi karo:-

  1. Haraad iyo gaajo xad dhaaf ah.
  2. Kaadi farabadan.
  3. Culayska jirka oo luma.
  4. Buurni xad dhaaf ah dadka qaar.
  5. Dhacfi aragtida ah.

6.tabar daro .

  1. Xanuun sida kalyaha iwm .

DAAWADA SOKORTA

Marka hore ilaa inta la ogyahay hadda majiran daawo chemical ah oo lagu ciribtiri karo aanka eheyn kaalmati waxana ugu cansan Insulin Injections oo sokorta( type 1) lagula tacalo iyo kaniniyal oo sokorta (type 2) lagula tacalo ayna ku xiran tahay heerka iyo cabirka sokorta ee qofka.

MAXAA TALO AH ?

Talada ugu fiican waa inaad ka hortagto inta aysan kugu dhicin sababto ah casrigan la joogo qofwalba aya u nugul kuma sii jiran dadka magaaloyinka dagan.

Qofka ay ku dhacdana inusan ku dagdagin daawoyinka chemicals ah sababto ah inad ka maarweyso oo aad ku xirnato dawoyinkas ayey kugu sababayan.

MAXA XAL U AH QOFKA QABA CUDURKAN?

Cudurwalba daawo ayu leeyahay runti sidan ognahay hadan muslim nahay waliba ciribtir ah cudurkan sokorta ahna wey leedahay daawo ciribtir ah waana dawoyinka “Food Supplements” ka ah oo sokortada heerka caadiga ah (normal level) kuso celinaya.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

TAAKULEYNTA DADKA LIXAADKOODU DHIMAN YAHAY WAA ARRIN MUHIIM AH

Waxaa jira dad lixaadkoodu dhiman yahay oo inala nool una baahan in la taakuleeyo oo taageero loo fidiyo hase yeeshee dadka badankiisa waxaad moodaa in aaney ku baraarugsaneyn.

Ma yara inta qof ee aragga, maqalka ama lixaadka intiisa kale naafo ka ah oo aan la kulanno maalin kasta hase yeeshee inteena fiirisa ee waxtar u geysata ma badna waxaadna arkeysaa dadka lixaadka leh oo xoog ku dhaafaya ama qaarkood jiiraya.

Dadkaasi waxay mudan yihiin xushmad iyo in la soo dhaweeyo oo naxariis loo muujiyo waayo adigaba sidaas oo kale waad noqon kartaa oo Eebbe waxba lama aha.

Waxaa ugu daran dadka wax heysta oo gaadiid xowli ku socda ku ag mara oo aan marna hoos u eegin dadkan kana warqabin jiritaankooda taas oo ah tan ugu xun ee ah in qof lixaadkiisu dhammeyn lagu jees jeeso.

Dhismeyaasha waa weyn ee dabaqyada ah ee ay ku jiraan shirkadaha iyo hey’adaha waa weyn, kuwo ganacsiga iyo xawaaladaha ma kori karaan waayo ma jiraan qaabab loogu talo galay ama jaran jarooyin qaas ah oo ay ku fuuli karaan.

Dadkan sidoo kale ma helaan inta badan daryeelka ay u baahan yihiin , waxbarasho iyo daryeel caafimaad toona waxayna u badan yihiin dad iska qaraabta oo nolosha ku dhibban.

Xitaa kuwooda dhallinyarada ah ee leh hammiga waxbarsho iyo nolol maalmeedka ma helaan qiimaha ay mudan yihiinna waa leyska illoobay waxayna bulshada kala kulmaan quursi iyo in loogu yeero neynaaso la xiriira iinta ay leeyiin sida: hebel lugey, heblaayo jiis , hebel indhoole iyo wixii la mid ah.

Dadkan daryeelka ka sokow, waxay rabaan in bulshadu soo dhaweyso oo aan lagu ciilin iimaha ay leeyihiin waayo si kasta oo uu wax u barto shahaadooyinna u qaato qof lixaadkiisu dhammeyn ma helo tixgalinta uu mudan yahay waayo dunida inteeda kale dad laga yaabo lixaad ahaan in aaney dhammeyn ayaa awood u leh in ay shirkado dhan maamulaan .

Dadka Soomaaliyeed yaaney u  arkin qofka marba haddii uu iin dhinaca lixaadka ah uu leeyahay uu yahay qof ay u dhammaatay oo aan wax dambe laga sugeyn taasna waxay ka horjeedaa naxariista iyo abuurista Eebbe,

Dowladda Soomaaliyeed waa in ay kordhisaa dadaalkeeda ku aadan sidii dadkan loo dhiirigalin lahaa looguna abuuri lahaa mashaariic iyo shaqooyin ay ka soo saartaan noloshooda lana dhiso mustaqbalkooda.

WQ: Mohamed Shiil.

 

’CAYAYAANKA LOO YAQAAN KUTAANKA AMA DHILQAHA OO DUNIDA LAGA AQOONSADAY

Kutaantu waxa ay kamid tahay boqortooyada xayawaanka (Animalia). Bahda bilaa lafadhabarleyda ah (Arthropoda), gaar ahaan bahweynta cayayaanka (Insect).

Sidoo kale waxay ku jirtaa bahda dullinka quuta dhiigga dadka iyo duunyadaba (Cimicidae), kuwaas oo leh lix lugood iyo laba gees oo ateeno ah, mana laha baalal ay ku duusho.

Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Cimex lectularius). Kutaanta guud ahaan waxaa looqaybiyaa laba nooc, mid guud ahaan meel kasta laga helo iyo mid laga helo deegaanada heer kulkoodu sareeyo oo keli ah, sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo ku dhasha shimbiraha qaarkood.

Luuqadda ingiriisida waxaa looyiqannaa (Budbugs) Carabidana (بق الفراش), Afka Soomaaligana waxaa looyiqaannaa Kutaan iyo Dhiqle, sida ku qoran qaamuuska Afka Soomaaliga, deegaanada soomaalida qaarkood waxaa looyiqaannaa Dukhaan.

Cimriga kutaantu waxa uu gaadhaa 4 ilaa 6 bilood, dhererkeeduna waxa uu udhaxeeyaa 5 ilaa 7 milimitir.

Kutaantu waxa ay leedahay 26 hiddo-side, sidoo kale waxay kamid tahay cayayaannada leh dhiigga diirran.

Hab meerto nololeedka kutaantu waa sida ka bahweynta cayayaanka oo kale waxaana uu maraa saddex marxaladood oo kala ah: Beed, caydi yar iyo kutaan qaangaadh ah.

Markii keli ah waxa ay dhashaa ta dheddig 200 ilaa 250 beed kuwaas oo ku dillaaca 6 ilaa 10 cisho.

jidhka kutaanta waxaa looqaybiyaa saddex qaybood oo kala ah: madax, qayb dhexe iyo qaar danbe.

Kutaanku waxa ay quudataa dhiigga dadka ama kuwa noolayaasha kale, gaar ahaan habeenkii oo maalintii badanaa masoo baxdo, kutaantu waa cayayaan dheereeya kaas oo saacadii jari kara 0.045 mayl.

Kutaantu badanaa waxa ay hoy ka dhigataa meelaha qarsoon ama waxa ay kala dhexgashaa meelaha aadka u cidhiidhiga ah, sida looxaanta dhexedooda, sariiraha hoostooda iyo saqafyada guryaha, tukaantu ciida badanaa kuma noolaato oo waxa ay ka jeceshahay meelaha wasakhda ah ee diirran.

Dhibaatooyinka ay kutaantu dadka ku sababto waxaa kamid ah: in ay maqaar cuncun ku keento, ama xasaasiyada maqaarka iyo in ay xanuunada qaar dadka ukala gudbin karto.

Ugu danbayntii waxaa lagu xakamayn karaa tukaanta in la buufiyo guryaha ay gasho iyadoo lagu buufinaayo cayayaan dile, gaar ahaan meelaha hoyga u ah iyo in sare loo qaado nadaafada meelaha huurka ah ee guriga kamidka ah.

WD: C/salaam M. Yaasiin

 

Soomaaliya oo ku guulaysattay Billadda Dhaqanka, Suugaanta iyo Farshaxanka dalalka Geeska Afrika

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia, isagoo uu weheliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Munaasabad weyn oo ka dhacday Addis Ababa ayaa si rasmi ah loogaga dhawaaqay natiijada soo baxday oo noqotay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan 2023 si rasmi ah ugu guulaysatay billadda ADO AWARD ayna heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda Dhaqanka, Suugaanta iyo Far-shaxanka.

Danjire Warfaa oo kaashanaya xafiiska Uqaybsanaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Safaaradda JFS ee Ethiopia ayaa dedaal badan ku bixiyay sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga dhex muuqan lahayd xayn-daabyada caalamiga ah ee looga arrinsado ama loogu tartamo guulaha waaweyn ee heer Qaran oo noocan oo kale ah.

Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqada ka sameeyey arrimaha Dhaqanka, Farshaxanka iyo Suugaanta, waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.

  

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Khuburro ka socday xarunta xakameynta cudurada ee Afrika

-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka(NIH) Dr. Xuseen Abuukar ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC).

Kooxdu ayaa wasiirka uga warbixiyeen hawl-gal 4-maalmood ah oo lagu qiimaynayey Xarumaha Hawl-galka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha (PHEOC) iyo Xarumaha Maareynta Dhacdooyinka (IMC).

Wasiirka ayeyna la wadaageen natiijooyinka iyo tallaabooyinay soo  jeediyeen ee lagu taageerayo cusboonaysiinta xarumaha PHEOC iyo tababarro lagu xoojinayo la socodka, u diyaargarowga iyo ka hortagga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka. Ujeedka howlgalka ayaa ah in dowladda Federaalka Soomaaliya laga caawiyo dhanka tayaynta si ay si wanaagsan uga jawaabto dhibaatooyinka xaaladaha caafimaadka ee daddaga ah.

Wasiir Aadan ayaa uga mahadceliyey kooxda CDC ee Afrika dadaalka ay ugu jiraan xoojinta awoodda Soomaaliya ay ugu diyaargarowdo, ugana jawaabto xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka bulshada. Waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS inay dhaqangeliso tallooyinka la soo jeediyay.

    

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare  ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo wehliyo wasiirka wasaaradda xanaannada Xoolaha ee XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa si rasmi Moqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.

Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka horumarinta Africa ayaa xoogga saari doona horomarinta kaabayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaannada xoolaha sida goobihii caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud illaalinta badqabka xoolaha nool.

Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaasoo ay ka faa’iideysan doonaa dhammaan xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Daah furka mashruucan sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda Danqaran iyo wasiiradda xanaannada Xoolaha ee dowlad goboledyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

     

Madaxweynaha JFS oo xilka ka qaaday Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo Khawaarijta dhexdeeda looga yaqaanay “Indhacade” ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka October ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdirashiid oo ku dhashay Magaalada Baydhabo ayaa Argagixisada ugu biiray sida uu sheegay deegaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka lagu khalday kadib ayuu qeybta jabhadaha ee Khawaarijta uga soo barbar dagaalamay gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Nolol adag iyo dhibaatooyin kala duwan oo uu wajahay darteed ayaa ugu dambeyn ku kaliftay inuu Fikirka Khawaarijta ka laabto, isaga oo Bambooyin “F1” ku hubeysan oo uu la soo baxsaday waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Taliyaha Ururka 83-aad, guutada 14-ka October Gaashaanle Maxamed Nuur iyo saraakiisha guutada ee deegaankaas ku sugan.