Sanadkan 2023-ka Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN)

Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii hore, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha ayaa ahaa:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Share this Article

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka Dowladda Uk oo Soomaaliya ugu deeqay 9-Milyan oo dollar

Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) oo Dawladda UK u qaabilsan horumarinta dibadda ayaa Soomaaliya ugu yaboohay qaddar dhaqaale oo dhan $9 Million oo dollar oo lugu biirin doono mashruuca ADRiFi ee Bangiga Horumarinta Afrika kaasoo hay’adda SoDMA fuliye ka tahay.

Foreign Commonwealth and Development Office ayaa ballan-qaadkaan dhaqaale sameysay intii lugu guda jiray shirkii caalamiga ahaa ee lugu falanqeeynayay arrimaha is-beddalka cimilada – COP28 ee lagu qabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Tallaabadaan iyo deeqdaan dhaqaale ayaa gacan ka geysan doonta, maareynta musiibooyinka bani’aadannimo ee dalka oo ay abaarahu ugu horreeyaan muddo shan sano ah.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay mas’uulka matalayay FCDO, dowladda iyo shacabka UK, sida hagar la’aanta leh oo ay u garabtaaganyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Somaliland oo kulan la qaatay Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug

;-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug,Kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND.

Ergeyga ayaa uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay aragtidooda ku aadan arrintan, iyaga oo Ergeyga la wadaagay mas’uuliyiintu tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada.

Kulamadaan Wadatashiga ah ee lala qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyada ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in la helo aragti mideeysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND

 

 

     

Duqeyn khasaaro lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacday koonfurta Mudug

Howlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen ciidanka xoogga Dalka iyo saxiibada Caalamka yaa xalay Duqeyn ku burburiyay Saldhigyadii kooxda Khawaarijta AS ee Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarijta A-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Howgalka oo dhacay Aroornimadii hore ee saaka lagu beegsaday Saldhigii Howdka Jeexjeexa oo Koonfurta oga beegan Buurta Yackoos halkaas oo khawaarijtu ku diyaarinayeen Gaadiid qaraxyo ah

Ceelwaq oo xaaladda adag laga soo warinayo,ka dib daadad ka dhashay Roobab ka da’ay

Degmada Ceelwaq ee Gobalka Gedo oo ka mid ah degmooyinka ay sida ba’an u saameeyeen daadadka xooggan ee ka dhashay El-nino, ayaa waxaa halkaas ka jirta xaalad adag oo dhanka nolasho ah, iyadoo wali gudaha xaafadaha degmadas biyihii ku soo rogmaday ay fadhiyaan.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ayaa ka barakacay gudaha degmada Ceelwaaq, iyaga oo daadsan daafaha iyo tuuloyinka ku dhaw degmada.

Sawirro laga soo qaaday xafadaha Ceelwaaq ayaa waxaa lagu arkayaa biyo xoogan oo magaalada dhex- fadhiya kuwaas oo midab koodu isbadalay ayna adagtahay in la  dhexmaro,waxaana sidoo kale duugmay Ceelashii biyaha iyo Musqulihii dadka isticmaali jireen.

Goobahii Waxbaarshada,Cafimaadka iyo Cibaadada ayaa guud ahaan xiran,waxaana sare u kac uu ku yimid Maciishada qaybaheeda kala duwan.

          

Madaxweyne Xasan Sheekh“Dastuurka waa document nool”

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

“Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay umadda Soomaaliyeed rabaan.”

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan,dowladnimada waa inaan u ogolaano inay korta,

Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan u sheega in dunida oo dhan ay nasoo wada fiirineysa,dagaalka Khawaarijta waa uu socda wuuna socon doonaa gooba cusub ayaana laga sii qabsanayaa,

Khawaarijta Fursada u furan maanta waa in ay isisoo dhibaan kuwa Soomaalidah, kuwa ajaanibta ah ee dalalka kale ka soo jeeda waa in dalkooda ay ku laabtaan iyo meshey ka soo jeedeen ayna cafis weydiistaan”.

Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha JFS oo khudbada salaaddii Jimcaha ee maanta ka jeediyaya masaajidka Shuhadada.

Kulan looga hadlayay ilaalinta nabad galyada oo lagu qabtay Ceeldheer

Kulan ay yeesheen laamaha Amniga Ceeldheer iyo dadka deegaanka ayaa waxaa ka qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo u kulanka salka u hayay u kuur-galid iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladaha nabad galyo ee ay ku sugan yihiin.

Taliyaha Guutada 24-aad Khalid Binu-Waliid Gaashaanle Maxamed Dhegaweyne oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa Amniga iyo xasiiloonida magaalada,dhanka kale naha waxaa uballan qaaday inay ka sifeyn doonaan Khawaarijta si wada jir ahna ay uga shaqeyn doonaan nabad galayada.

Taliyaha ayaa ka dalbaday dadka deegaanka inay ciidamada ku garab istaagan shaqada sugidda amniga,doorfirfircoona ay ka qaataan ciribtirka Khawaarijta.

         

Madax ka tirsan 2-da Gole oo maanta saxiixay buugga tacsida ee marxuumad Khadiijo Axmed Diiriye

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan BFS ayaa maanta saxiixay buugga Tacsidaee ee Allaha u naxariistee marxuumad Ex wasiirkii Haweenka Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Saxiixa buugga tacsida oo lagu qabtay hoyga marxuumaddaasi,waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar,xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo xubno kale.

Maxamed Shuriye Nuur oo kamid ah , Guddigga qabanqaabada tacsida ayaa sheegay in tacsida marxuumaddaasi oo loo fadhiyo maalintii labaad ay socon doonto muddo Todobaad ah.

Dhammaan mas’uuliyiintii ka qeybgalay saxiixa buugga tacsida ee marxuumad Khadiijo Axmed Diiriye,waxa ay Alle uga baryeen Janatul ardowsa,eheladii ay ka tagtayna waxa ay fareen samir iyo iimaan.

Marxuumad Khadiijo Axmed Diiriya waxa ay  20-kii sano ee la soo dhaaafay ka soo qeybqaadatay dhismaha iyo geedi socodka dowladnimo ee ka hirgalay dalka.

 

Ciidanka xoogga iyo kuwa Galmudug oo guullo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyey dhul ballaaran oo dhaca Koofurta gobolka Mudug.

Deegaanada Khawaarijta laga sifeeyay maalmihii la soo dhaafay waxaa kamid ah Shabeelloow oo ah fadhigii ugu waynaa ee cadowgu uu ka joogay Koofurta Mudug,tuulada cadaleey,waddada muhiimka ah ee isku xirta Camaara iyo Ceellhuur,Buurta Yacgoos iyo kuwo kale oo istaraatiiji ah .

Khawaarijta ayaa ogaatay in aanay u babac dhigi Karin awoodda ciidan ee ku soo wajahan,sidaa daraadeed,waxa  ay ka carareen magaalooyin dhowr ah oo ciidanku aysan weli gaarin .

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa haatan dhinacayada ka fadhiya Magaalada istaraatiijiga ah ee Caad oo ay Khawaarijtu ku sugnaayeen muddo sanado ah.

Golaha Ammaanka oo mar kale dib u dhigay codbixin ku aadan Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale dib u dhigay codeyn loo sameyn lahaa xal ku aadan gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo oo la geeyo Gaza ka dib maalin kale oo wadahadalo xooggan ah.

In ka badan 576,000 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza qiyaastii rubuc ka mid ah dadka ayaa wajahaya gaajo iyo macaluul masiibo ah, sida lagu ogaaday warbixin ay taageerto Qaramada.

Israa’iil waxay sii waddaa duqeymaha ay ku hayso Qaza, iyadoo khasaare intaas ka badan laga soo sheegayo xerada qaxootiga ee Rafah, Khan Younis iyo Nuseirat.

Dhinaca kale, Xamaas oo ah kooxda gacanta ku haysa marinka Qaza ayaa meesha ka saartay in la sii daayo lahaysteyaal kale ilaa ay Israa’iil ogolaaneyso in ay gabi ahaanba joojiso dagaalka gardarrada ah.

Waxaa weli socda dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu meel mariyo joojinta dagaalka.

Ugu yaraan 20,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar, sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta Dowladda ee Gaza. Dhimashada weerarka Xamaas ee Israa’iil ayaa mareysa ku dhawaad 1,140.