Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

4- Madaxda qaranka oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

6- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Djibouti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee aragti wadaagga Machadka Heritage, kaas oo diiradda lagu saaraya kobcinta dhaqanka nabadda ee Geeska Afrika.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka, isagoo ka qeybgelaya tartanka madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

18- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

21- Ciidamadda Xoogga Dalka oo Khawaarijta Al Shabab ka saarey Mesagawaa iyo Ceel Dheer oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dilka horjooge Macalin Ayman

-Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge Macalin Ayman

Hawlgalkan oo dhacay 17-kii bishaan December, waxaa uu ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Horjoogaha la dilay Macalin Ayman wuxuu ahaa dhagarqabe muhiim u ah cadowga oo abaabulay weeraro argagixisadu ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna waa qodax kale oo ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa waxaa ka go’an beegsiga horjoogayaasha argagixisada iyo maleeshiyaadka haraadiga ku ah kooxaha Khawaarijta.

Dowladda waxa ay markale ku celinaysaa in horjoogayaasha iyo maleeshiyaad la qalday in ay fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaada Janaasada ku tukaday Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Qaranka iyo wafdi heer wasiirro ah oo ka socday dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Garoonka Diyaaradaha Aaddan Cabdulle ku tukaday salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida dadka Soomaaliyeed ay ugu murugoodeen geerida Marxuumadda, taas oo muujineyso doorkeeda hoggaamineed, kartideeda iyo daddaalladii ay ku bixisay dib u yagleelidda dowladnimadeenna, horumarinta iyo samatabixinta bulshada xilliyadii adkaa ee uu soo maray dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib si gaar ah uga tacsiyeey carruurteeda iyo xubno ka mid ah qoyska, isaga oo Alle uga baryey Marxuumadda in hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed oo ay qiimo weyn ugu fadhiday Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Guddoomiyaha SoDMA oo Mudisho ku daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda SoDMA (2024-2029)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA (2024-2029).

Shirkaan waxaa aaladda fogaan arag ah ee (Zoomka) uga qaybgalay Qaar ka mid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkaan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hay’adda shanta sano ee soo socta.

Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hay’adda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u danbaysay ay waday la tashayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka, beesha caalamka, iyo wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgal sifeyn ah ka fuliyay degmada Ceeldheer

Ceeldheer:- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashaanaya kuwa dib u xoreeynta deeganka ayaa maanta howlgal sifeyn ah ka fuliyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo miinooyin looga saaray.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax iyo khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa xaqiijiyey in la sugay amniga guud ee degmada Ceeldheer.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee argagixisada looga sifeynayo deegaannada Gobolka Galgaduud, iyaga oo maalmihii ugu dambeeyay gaaray guulo waaweyn.

Madax iyo Masuuliyiin kala duwaan oo ku tukaday salaadda Janaasada marxuumada Khadiija Maxamed Diiriye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxda Qaranka ayaa Garoonka Diyaaradaha Aaddan Cabdulle Cismaan si wada jir ah ugu la tukaday salaadda Jannaasada Alle ha u naxariistee Marxuumada Khadiija Maxamed Diiriye.

Dhanka kale masuuliyiin,xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,wasiirro iyo qayabaha kala duwaan ee bulshada ayaa qayb galay ogista salaadda jannaasada marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Salaada jannaasada ee marxuumadda ayaa waxaa  sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaarahaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ehelka Marxuumad Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, Madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axamed iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore.

        

Wasaaradda Qorshaynta XFS oo soo bandhigtay Nidaamka Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shir lagu soo bandhigayay Nidaamka Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Waaxaha Qorsheynta, Kormeerka iyo Qiimaynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad furitaan ah ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, iyo Agaasimaayasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Mudane Cabdullahi Cumar Aadan iyo Xasan Cabdi Soomane iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa faahfaahiyay muhiihamdda uu nidaamkan isku-dhafan uu leeyahay, waxa uuna sheegay in uu awood badan siinayo hay’adaha Dawladda, fududeynta helidda xog dhamaystiran.

Sidoo kale, nidaamkan wuxuu sahlayaa In mashaariicda Dawladdu fuliso iyo kuwa Hay’adahu fuliyaan si dhow loola socdo, In mashaariicda Soomaaliya lagu salayeeyo baahida shacabka Soomaaliyeed iyo u xaq sooridda Gobolada iyo Degmooyinka Soomaaliya, si simanna looga fuliyo mashaariicda oo dhan.

Ugu dabayntii, in go’aamada dawladdu qaadanayso lagu saleeyo xog cad oo la hubo. (Evidence decision making), waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa uruurinta xogta, falanqeynteeda si loo soo saaro xog ay leedahay ummadda Soomaaliyeed,waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ayaa balan qaaday in nidaamkan u uku dhaqangali doono ugu badnaan muddo lix bilood ah.

      

10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubbooyinka

Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah.

Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsan cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxa ay diiradda Koowaad saaraysa ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah ee Al Shabab, waxaana sannadkan dagaalka lagu xididada siibayo laga gaaray guulo waa weyn.

Taariikh nololeedkii AUN Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye

Jabuuti:- Waxaa magaalada Jabuuti maanta ku geeriyooday AUN Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ka dib xanuun asiibay iyada oo ka mid ah wafidiga Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ee ka qeyb galaya Madasha Aragti-Wadaag ee lagu qabanaya dalka Jabuuti.

Waayahii ay soo martay:

Waxa ay 2 April 1964 ku dhalatay magaalada Muqdisho,  iyadoo barashada Qu’aanka ku bilawday hayaankeeda waxbarsho, waxa ay 1972 illaa 1979 Dugsiga hoose iyo dhaxe ku baratay Dugsiga Hassan Dhagey ee ku yaala magaalada Jowhar, waxayna Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacad ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Xirfadaha Shaqo:

1981-1982: Bare Dugsiga Dhexeee Hassan Dhagey Burey – Jowhar – Soomaaliya

1982-1983: Xogheynta iyo Maamulka Xisaabaadka Dugsiga Sare ee Beeraha Jowhar

1983-1984: Maamulka Xarunta Xiriirinta Labada Gobol ee Hiiran iyo Shabellaha Dhexe – Buurane

1984-1990: Mashruuca Fidinta Beeraha 1990-2000: Ganacsato iyo Guri Joogto

Doorka Siyaasadeed: 

Waxa ay AUN leedahay 23 Sano oo Khibrado Siyaasadeed ah iyada oo soo qabatay xilalkan:

2000-2004: Xildhibaan Dowladii Carta lagu soo Dhisay (TNG)

2004-2009: Xildhibaan Dowladii Impagathi lagu soo dhisay (TFG)

2004: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Dalyeelka Qoyska XKMG

2005-2006: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka XKMG

2006-2007: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha XKMG

2008-2009: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska XKMG

2008-2009: Siihayaha Wasiirka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Bii’ada XKMG

2009-2010: Xildhibaan Baarlamaankii lagu Biiriyey Djibouti

2009-2010: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga XKMG Dhirta iyo Daaqa XKMG

2010-2011: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga

2011 : Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Biyaha, Batroolka Macdanta iyo Tamarta XKMG

2011-2012: Guddoomiyaha Guddiga Cilmi Baarista, Tignaloojiyada, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka KMG

2012: Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

2013: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arr. Bani’aadanimo ee Golaha Shacabka BJFS

2014: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJF

2016: Wakiilka u matalaaya Soomaaliya IPU-IGAD Women CAUCUS

2017: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2017 – 2020: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS

2020 – 2022: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS

2022: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2022: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo Djibouti ku geeriyootay

Allaha u naxariistee Waxaa goor-dhow magaalada Djibouti ku geeriyootay Wasiirkii Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Alle ha u naxariistee Wasiirada oo qeyb ka ahayd Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee dalka jabuuti ayaa maalmihii la soo dhaafay xanuunsaneysay sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen masuuliyiin qeyb ka ah Wafdiga.

Marxuumadda ayaa waxay muddo ka badan 20 sano kamid aheyd Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wasaaraddo kala duwan ka soo noqotay wasiir.

Innaa lillaahi wa innaa ilaahi Raajicuun.