Dowladda Soomaaliya oo ku Biirtay Iskaashiga (OACPS-EU)

Dowlada Faderaal Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay wadamada qeyb uga noqday Heshiis Iskaashi Wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa, Aribbean iyo Wadamada Pacifica ee loo yaqaan (OACPS) iyo Midowga Yurub (EU).

Danjiraha JFS ee Dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa heshiiska ku biirasta Dawladaha ku saxiixay munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka (OACPS) ee ku yaala magaalada Brussels.

Heshiiskan waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa ku xusan in labada dhinac ay isaga kaashan doonaan Nabadda Iyo Amniga, Hurumarka Bulshada, Kobaca Dhaqaale, Xuquuqul Insaanka, Iyo Horumar Waara oo loo dhanyahay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo weerar ku qaaday Khawaarijta ku sugan Koonfurta Mudug

Dagaal u dhexeeya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya iyo Khawaarijta ayaa ka socda Deeganka Jeex-Jeex iyo Buurta Yacgoos oo u dhaxeeya Magaalooyinka caad iyo camaara ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka waxaa qaaday Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo is kaashanaya ka dib markii ay heleen xogta maleyshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaanadaas.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in dagaalka lagu jabiyey cadowga walina uu socdo dagaalku.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah halganka sifeynta cadowga ee ka socda Koofurta Mudug oo dhul ballaaran looga xoreeyey argagaxisada caadeysatay dhibaatada shacabka.

 

Israa’iil oo sheegtay in ay diyaar u tahay xabbad-joojin cusub

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay wakiillada qoysaska ay dadkooda  ku xiranyihiin Qaza, iyadoo uu sii kordhaya cadaadiska Caalamiga ah ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la helo heshiis Xabbad joojin ah ayaa la sheegayaa in madaxda Isra’iil ay ogoladeen heshiiskaas.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa sheegay in Tel Aviv ay diyaar u tahay xabbad joojin bini’aadantinimo si loo sii daayo Maxaabiista laga haysto.

Wargeyska “Israel Today” oo soo xiganaya Madaxweynaha Israa’iil Isxaq Herzog, ayaa sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay xabbad joojin cusub si loogu sii daayo Maxabiista ay ka haystaan Xamaas.

Wargeyska, ayaa sidokale xusay in Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Israa’iil ay ku wargeliyeen Xog-hayaha Difaaca Mareykanka, in Israa’iil ay diyaar u tahay inay fursad siiso codsiyada diblomaasiyadiinta, ayna diyaar u yahiin xabbad-joojin bini’aadantinimo oo kooban.

Wargeyska, ayaa ku micneeyay go’aanka Isra’iil ee dib u cusboonaysiinta Xabbad joojinta cadaadis ay kala kulmeen dagaalka dhulka ee ciidamadooda ay ku qadeen Qaza.

Safiirka Shiinaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Wakaaladda SONNA

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, isaga oo ka hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, go’aanka Golaha Ammaanka ee qaadista cunaqabateynta hubka, iyo taageerada Shiinaha ee hindisayaasha looga golleeyahay soo celinta nabadda, xasilloonida gobolka.

Safiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo taxnaa muddo kun sano ah.

Tan iyo markii ay Dowladda Soomaaliya ay xornimadu qaateen 1960-kii, labada dal waxay sameeyeen xiriir diblomaasiyadeed oo bilow u ahaa iskaashi u dhaxeeya labada dhinac oo ku aadan dadaallada horumarineed.

“Intii lagu guda jiray waxa loogu yeero “30-kii sano ee dahabiga ahaa” Shiinuhu wuxuu gacan ka geystay dhismaha 89-mashruuc oo waaweyn oo uu Soomaaliya ka hirgeliyay, oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka, Garoomada Ciyaaraha, Isbitaalka Banaadir iyo Waddada Laamiga ah ee isku xirta Koonfurta iyo Waqooyiga dalka.” ayuu yiri Danjiraha.

Safiirka ayaa intaa ku daray: “Shiinuhu wuxuu sii waday inuu garab istaago Soomaaliya, isagoo ka taageeraya wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah, baahiyaha bini’aadantinimo, amniga, iyo horumarka guud.”

Danjiraha ayaa sidoo kale ugu hambaliyeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cunaqabteynta hubka looga qaaday dalka, isagoo ku tilmaamay guul muhiim ah.

Danjire Fei Shengchao ayaa qiray dadaalka ballaaran ee ay DF u gashay sidii loo gaari lahaa guushan, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda guushan ay u leedahay wadajirka Afrika.

Safiirka ayaa ku celceliyay in Shiinuhu uu si hagar la’aan ah u garab taagan yahay dadaallada lagu raadinayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka qaaradda, wuxuuna gaba gabadii u ballan qaaday dowladda Soomaaliya taageero buuxda.

IMF oo dowladda Soomaaliya u ansixisay $100 milyan oo dollar

Washington(Wargeyska Dalka): Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixisay hannaan cusub oo 3 sano ah oo taageero maaliyadeed oo dhan 100 milyan oo Dollar lagu siinaayo Dowladda Soomaaliya.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Inkasta oo ay Soomaaliya horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada.

Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.

Qodobbada ugu muhiimsan ee istaraatiijiyadda dib-u-habaynta waxaa ka mid ah kordhinta dakhliga gudaha, hagaajinta maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadista awoodda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, horumarinta dib-u-habaynta ka-hortagga lacag-dhaqidda/la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

Barnaamijkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ay IMF-ta uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka caawiso himilooyinkeeda horumarineed.

Taliye Sulub oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen Sulub Axmad Firin, ayaa Ummadda Soomaaliyeed la Wadaagay Hambalyada 80 sano guuradii kaSoo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu taliyaha ugu hambalyeeyay Munaasabadda Sanadguurada 80-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la unkan 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusaya sanadguurada 80-aad ee aas aaskooda, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay dhigiisa dalka Jabuuti

Jabuuti: Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Labada Ra’iisul wasaare oo kulankooda  ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyey

Ruunnirgood: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid binu walid
ayaa hawlgal lagu bur buriyey fariisimo ay Khawaarijtu lahaayeen ka sameeyey deegaano dhaca xadka gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.

Hawlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayey  ciidanka xoogga dalku ku bur buriyeen fariisimooyin Khawaarijtu ku lahaayeen dhulka hawdka ah ee dhaca deeganaas, kuwaas oo ay ku dhuumaalaystaan iyaga oo  doonaya iney isku aruursadaan dhagarna ka soo maleegaan.

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in hawlgalkan uu ahaa mid guulaystay, laguna naafeeyeey cadawga argagexisada oo damacoodu yahay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka Soomàaliyeed ayaa hawlgalo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada gobollada dalka, kuwaas oo qasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyey argagixisada.

Wafdi ka socda Boliiska Ethiopia oo Muqdisho soo gaaray

Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye Guuto Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif) ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey taliye xigeenka Boliiska Federalka ah ee Ethiopia Mr. Musfin Abebe Badeye oo Muqdisho u soo gaaray ka qeyb galka munaasinada Sanadguurada 80-aad ee aasaaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la aasaasay 20 Dec 1943 dii.

Taliye Kaniif ayaa dhigiisa kala hadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga Boliiska Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhankale, Taliye xigeenka Boliisa Ethiopia ayaa isna carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay iskaashiga dhamaan hay’adaha Amaanka gobolka si loo xaqiijiyo amniga iyo Xasiloonida Gobolka.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud oo gaaray dalka Libya

Tripoli: Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa gaaray caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, waxaana halkaas si maamuus leh ugu soo dhaweeyey dhigiisa dalka Liibiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Wasiir Ismaaciil iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxa ay halkaas kaga qeyb gelayaan shirka wasiirada hawlaha guud ee dowladaha Carabta oo Tripoli  ka furmaya.

Shirka oo looga hadlayo iskaashiga iyo wadashaqaynta wasaaradaha hawlaha guud ee dowladaha Carabta ayaa wasiir Ismaaciil ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dib u dhsika Soomaaliya.