IMF oo dowladda Soomaaliya u ansixisay $100 milyan oo dollar

Washington(Wargeyska Dalka): Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ansixisay hannaan cusub oo 3 sano ah oo taageero maaliyadeed oo dhan 100 milyan oo Dollar lagu siinaayo Dowladda Soomaaliya.

Ansixintan ayaa daba socota gaarista Barta Dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Inkasta oo ay Soomaaliya horumar ka samaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo maaliyadda, haddana waxaa weli taagan caqabado ay ka mid yihiin; khataraha dhaqaale, bulsho, amni, iyo isbedalka cimilada.

Barnaamijka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadahan, iyadoo la taageerayo istaraatiijiyadaha dib-u-habeynta ee lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka marxaladda deyn cafinta ka dib.

Qodobbada ugu muhiimsan ee istaraatiijiyadda dib-u-habaynta waxaa ka mid ah kordhinta dakhliga gudaha, hagaajinta maamulka maaliyadda dawladda, kor u qaadista awoodda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, horumarinta dib-u-habaynta ka-hortagga lacag-dhaqidda/la-dagaalanka maalgelinta argagixisada (AML/CFT).

Barnaamijkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ay IMF-ta uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka caawiso himilooyinkeeda horumarineed.