Dowladda Soomaaliya oo ku Biirtay Iskaashiga (OACPS-EU)

Dowlada Faderaal Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay wadamada qeyb uga noqday Heshiis Iskaashi Wadaag oo dhexmara xubnaha Ururka Africa, Aribbean iyo Wadamada Pacifica ee loo yaqaan (OACPS) iyo Midowga Yurub (EU).

Danjiraha JFS ee Dalalka Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa heshiiska ku biirasta Dawladaha ku saxiixay munaasabad ka dhacday Xarunta Ururka (OACPS) ee ku yaala magaalada Brussels.

Heshiiskan waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa ku xusan in labada dhinac ay isaga kaashan doonaan Nabadda Iyo Amniga, Hurumarka Bulshada, Kobaca Dhaqaale, Xuquuqul Insaanka, Iyo Horumar Waara oo loo dhanyahay.