Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed kala wareegtay dowladda Shiinaha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta kala wareegay dowladda Shiinaha lacag dhan 1,000,000 oo Dollar, taas oo qeyb ka ah gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao ayaa deeqdaan lacagta ah ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Wafdi sare oo ka socda Bangiga adduunka oo soo gaaray Muqdisho

Wafdigan ka socda Bangiga Adduunka oo uu hoggaaminayay Dr. Floribert Nagaruko oo ah agaasimaha Fulinta Xafiiska loo yaqaano (Africa Group 1) oo ay ku mideysan yihiin 22 Dal oo Afrika ah, Soomaaliya na ay ka mid tahay.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda maaaliyadda dowladda FS Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Saleman Sh Cumar ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Dr. Nagaruko iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa shir gaar ah la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga, halkaas oo ay ku soo bandhigeen Ganacsatada qeybaha muhiim ka ah ee u baahan in la maalgaliyo.

Sidoo kale Dr. Floribert Ngaruko ayaa kulan gaar ah waxa uu xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula qaatay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cigae iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, iyaga oo ka wada hadlay qorshayaasha Dowladda iyo fursadaha Maalgalineed ee Bangiga Adduunka uu ka fulin karo gudaha Soomaaliya maadaama Dowladdu ay ku guuleysatay Hannaankii Deyn Cafinta.

Shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage oo Djibouti ka furmay

Jabuuti: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo madasha khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka warbixiyey muhiimada uu mawduucan leeyahay iyo sida uu u taabanayo nolosha shucuubta mandiqadda ku nool – gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in nabaddu fure u tahay albaabada naga xiran ee horumarka amni, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Somaaliyeed muddo dheer dagaal xooggan ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada oo khatar ku ah dalkeena, gobolka geeska iyo guud ahaan caalamkaba.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in si aan dal iyo dibadba uga baadi goobno nabadda naga maqan, ay dowladda Soomaaliyeed ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran “Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyey Madaxwayna Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorka shariifka ah ee isaga shacabkiisu ka qaateen madasha isagoo ku bogaaadiyey Machadka Heritage dadaalka ay geliyeen inay isku keenaan boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha caalamka si loo lafa giro Nabadda Geeska.

 

Madaxweyne Laftagareen oo daahfurey Qorsha Howleedka Deegaanka ee Haweenka Nabadda iyo Amniga Koonfur Galbeed

Baydhabo: Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa daahfurey Qorsha Howleedka Deegaanka ee Haweenka Nabadda iyo Amniga Koonfur Galbeed.

Munaasabada daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Agaasimiyaal iyo Marti Sharaf kale.

Qorsha Howleedkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka-qaybgalka haweenka ee go’aan gaarista iyo geeddi-socodka nabadda, horumarinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Jabuuti: Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa la xiriira ka qeyb galka Munaasabadda weyn ee 80 sano guurada aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20kii December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage

Jabuuti: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta nabadda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda furitaanka ku soo hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24 sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shaaca ka qaaday xilliga ay ATMIS ka baxayso Gegada Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa si faahfaahsan uga hadlay qorshaha ciidamada Qaranka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga iyo bixitaanka ATMIS.

“Ciidamada Qaranka ayaa la wareegi doona dhamaan mas’uuliyadda amni ee dalka oo ay ku jirto dekada Muqdisho iyo gegada Diyaaradaha ee Aadan Cadde” ayuu ku daray Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in bixitaanka ciidamada ATMIS ay ku socoto istiraatijiyad ciidan oo si weyn looga baaraan degay, isagoo carabka ku adkeeyay in dekadda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cade ay yihiin goobaha ugu dambeeyay ay ka bixi doonaan ciidamada ATMIS.

Isaga oo ka hadlaya mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay darseyso in howlgalka uu qaab kale yeesho ka dib December 2024-ka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hubka ka dhigto cid kasta oo si sharci darro ah u adeegsata.

Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Mudug

Xarardheere: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ayaa saaka la wareegay Deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug kadib markii ay isaga carareen Khawaarijta.

Sida warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, deegaanada saaka lala wareegay waxaa ka mid ah Dhagaxdheer iyo Dahar-Cali xayloow oo dhamaan hoos yimaada gobolka Mudug.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ciidamada qaranku ku xoreynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada.

Wasiirka horumarinta Ingiriiska oo taageero u ballan qaaday dowladda Soomaaliya

London: Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska, Mudane Andrew Mitchell, ayaa ka hadlay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya dowladda Ingiriiska iyo Soomaaliya, intii uu ka qeyb galayay shirkii qurba-joogta Soomaaliyeed ee Sabtidii ka dhacay magaalada London.

Wasiirka ayaa yiri: “Ingiriiska waxa uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa in kulankaan uu sii xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya labada dal”.

Mitchell ayaa hoosta ka xariiqay horumarka la sameeyay tan iyo shirkii ugu horreeyay ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ku qabteen London 2012, wuxuuna qiray caqabadaha haray, gaar ahaan daadadka waxyeellada geystay ee dhowaan saameeyay 1.7 milyan oo Soomaali ah.

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay Ingiriiska sare u qaadida amniga, la dagaalanka Khawaarijta, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hormarinta u adkeysiga isbadalka cimilada.

Shirweynaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska

London: Shirweynihii 9-aad ee golaha qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala socotay dowladaha Ingiriiska, Turkiga iyo Soomaaliya.

Shirweynaha ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha iyo sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo ka soo qeyb galayaasha kulanka ay soo bandhigeen aragtidooda ku aadan mustaqbalka amni iyo dhaqaale ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi si fogaan arag ah uga qeybgalay Shirweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay dadaalkan lagu horumarinayo dalka.