Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Xamse oo gaaray dalka Jabuuti

Djibouti: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, oo uu kaga qayb galayo shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.
Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska, taas oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweeyey wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan xukuumadda, waxaana sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho tacsi ah ku tagay dalka Kuwait

Kuwait City: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqasho-tacsiyeed ku tagay dalka Kuweyt ayaa la wadaagay amiirka dalkaas mudane Sheekh Mishcal Al-Axmed Al-Sabaax dhambaalka tacsida shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Amiirkii dalkaas Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Sabaax.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka qeyb-galay tacsida Amiirka ayaa murugada la qeybsaday Ra’iisul wasaaraha iyo golaha Amiirrada ee uu la kulamy.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka oo gaaray Baydhabo

Baydhabo : Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaar dhow soo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Guddoomiyaha inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda maamulka iyo bulshada, si uu ugu dhiirageliyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo sidoo kale indha-indheyn doona xaaladaha guud ee deegaanka.

  

Ciidanka xoogga dalka oo bulshada Shabeelaha dhexe ka wacyi gelinaya fikirka Khawaarijta

Marka: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha ururka 143-aad guutada 14 October ee xoogga dalka ayaa deegaanka Sabiid, Canoole iyo tuulooyinka hoostaga ka sameeyey olole shacabka looga wacigalinayo ficilada guracan ee Khawaarijta iyo in ay ka hortagaan dhagaraha cadowga.

Taliyaha ururka 143-aad Guutada 14 October ee Ciidanka dhulka xoogga dalka Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad oo goob fagaare ah kula hadlay Boqolaal shacab ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeynin Khawaarijta isla markaana ay soo gudbiyaan Xogaha Cadowga

Gaashaanle Axmed Xasan Siyaad ayaa Sheegay in ciidanka xoogga dalka ay diyaar u yihiin Badbaadinta nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fariisimaha ku leh deegaanka Sabiid iyo Canoole ayaa lagu ammaanay kaalinta wanaagsan ay kaga qayb qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Shabeellaha hoose.

Gabar Muqaalo anshax xumo ah ku baahineysay baraha Bulshada oo la soo xiray

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka

Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

Madaxweyne Lafta-gareen oo xariga ka jaray xarunta dhexe ee Sheybaarka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu Wehliyo Wasiirka Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow ayaa si wadajir ah Xariga uga jaray Xarunta Dhexe Sheybaarka Guud ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Bahda Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale ayaa Goobjoog ahaa Xarag-jarka Xarunta Dhexe ee Sheybaarka Koonfur Galbeed.

 

  

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeera ku tagey qaar ka mid ah iskuullada ku yaala Magaalada Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kormeer ku tagey qaar kamid ah iskuulada ku yaala Magaalada Baydhabo kuwaasi oo Dowladda Gacanta Ku hayso.

Kormeerka wasiirada Waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mas’uuliyiin kale.

Iskuulada ay maanta ay booqdeen masuuliyiinta ayaa waxaa ka mid ah Iskuulka Baydhabo iyo Abdalla deerow kuwaas oo ay Wax ku bartaan Arddey aad u tiro badan ayna gacanta ku hayso Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

     

Xogta Jabka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab (WARBIXIN)

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dalka Costa Rica kuwaasoo sheegay inay gacanta ku dhigtay nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Argagixisada Shabaabka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cali Cabdinuur Axmed. Eedeysanaha oo la xiray 30-kii bishii tagtay, ayaa la sheegay inuu ku sugnaa agagaarka xarunta daryeelka ku meel gaarka ah ee dadka soo galootiga ah (CATEM) ee aagga koonfureed ee dalka Costa Rica, oo qiyaastii 10-km u jirta xuduudda Dalka Panama.

Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa sheegay in ay digniin caalami ah ka heleen Xafiiska Baarista Federaalka ee Mareykanka (FBI) ee Mareykanka, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Mario Zamora, “Ninkan waxaa si caalami ah loogu raadinayaa kamid ahaanshihiisa kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Zamora. Dowladda Costa Rica ayaa sheegtay, in Cali Cabdinuur Axmed loo wareejiyay magaalada San José “isagoo la marsiin doono nidaam masaafurin ah, Ninkaan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu kamid ahaa boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid Panama, kuna sii jeeday dalka Mareykanka, xogtaan waxaan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo ku sugan magaalada Helsinki ee Dalka Finland.

waxaa kaloo jira Maxaa keenay sare u kaca isku Dhacyada Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka?. Xogo Amaan oo sugan ayaa xaqiijinaaya in Bilihii Oktobar iyo Novembar ee Sanadkaan ay sare u kaceen isku dhacyada hubeysan ee Garabyada Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaan, iyadoo dadaalo nabadeed oo laga dhex waday ay guuldareysteen…

Ilo wareedkaan ayaa tilmaamay in Bilihii Ok/Nov ee 2023 ay 13-jeer ku dagaalameen Maleeshiyaadka daacada u kala ah Horgalada Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda) iyo Mahad Warsame Qaley (Karatee) Madaxa Amniyaadka, Intii uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda, Hogaanka Shabaabka wuxuu si jilicsan u maamulaayay degaano badan isagoo lagu eedeeyay inuu isku koobay maareynta canshuuro (Baad), Abuu Cubeyda xaruntiisa dhexe uu ka howlgali jiray ay aheyd magaalada Jilib, wuxuuna isku wareejiyay Horjoogayaal jufadiisa ah iyo kuwo ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya. Muddadii uu xilka hayay wuxuu kala kulmay caqabado Adag, Horgale Mahad Warsame (Karate), taasoo keentay iska hor imaadyo gacan ka hadal ah oo ka dhex dhacay labada Garab.

Khilaafka iyo gacan ka hadalka gudaha ee kooxda ayaa sii xoogeysanayay, gaar ahaan tan iyo markii uu bilowday Ololaha iyo Howlgalka ka hortagga kooxaha nabad-diidka ah dabayaaqadii Agoosto 2022, Mashruuca goobaha colaadaha hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ayaa diiwaan geliyay 13 iska horimaad gudaha ah oo Maleeshiyaadka labada Horgale ee Shabaab ah tan iyo dabayaaqadii Disembar sanadkii 2022-kii kaa soo geystay dhimashada 80-maleeshiyo.

Isku dayo badan oo ay garwadeen ka ahaayeen Horjoogayaal ka yimid Afganistan iyo kuwa ka soo jeeda Degaanada Waqooyiga Soomaaliya ayaa ku guuldareystay inay xakameeyaan xiisadaan u dhaxeysa labada Horjooge, iyadoo Iska horimaadyadaan ay wiiqeen awoodii kooxda qarkana u saarneen inay laba garab u kala jabaan, iyadoo badi ay ku dagaalameen Degmada Jilib, buundada Kamsuuma iyo Degmada Saakow.

Dhinaca kale Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabab, Koonfuurta Soomaaliya. Howlgalkan ayaa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana horjoogaha la beegsadey u qaabilsanaa Khawaarijta abaabulka dagaallada. Waa tallaabo kale oo Dowladda Federala Soomaaliya oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in ay Duqeyni  ka dhacday bishan bilowgeedii magaalada Jilib ee Gobolka J/Dhexe oo ah Xarunta dhexe ee kooxda Argagixisada shabaabka, iyadoo Duqeyntani ay geysatay Diyaarad Drone oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka taasoo Gantaalo ku garaacday dhisme ku yaala Magaalada, waxaana la sheegay inay ku sugnaayeen Horjogayaal ka tirsan Kooxda, ilaa hadda Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM iyo Dowlada Federaalka.

War ay soo saartay Dowladda Maraykanka maanata ayaa lagu sheegay in ku-xigeenka Horjoogaha Kooxda Al-shabaab oo lagu magaacabo Daahir aaden Cali ay Madaxiisa dul saartay lacag gaaraysa 5 Malyan oo Doolar, lana siin doono ciddii far muuqda ama tilmaanta ama soo sheegata xogtiisa, si loo soo qabto ama loo khaarijo. Ninkan ayaa markii hore kala soo shaqeeyay dhinaca Madaxa Ciidamada iyo xilal kale, kadibna loo dalacsiiyay inuu noqdo ku xigeenka horjooge Axmed Diiriye oo ah horgalka ugu sarreeya Kooxda ku xiran Shabakadda Al-qaacidda.

Xog goor dhow la helay ayaa sheegaya in lagu arkay meel u dow Deegaanka Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Khawaarjta ah, kuwaasi oo la sheeagay inay ka soo baxeen meelihii ay kaga sugnaayeen Koonfurta gobolka Mudug, lama garanayo sababta ay uga soo baxeen meelihii ay kaga sugnaayeen Gobolka Mudug, waxaase loo badinayaa inay yihiin Gadood.

Haddaannu eegno dhinaca howlgallada Ciidamada xoogga dalka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa galabta la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogtay kooxda Al-Shabaab. Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ayaa shalay howlgalo lagu guuleytay ka fuliyay goobo kooxda si dhumaleysi ah ku joogtay Degaannada kala ah:- Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray shalay galab. Guutada 24-aad ayaa dhanka kale qarxisay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyin ka baxa Degmadaasi Ruun-nirgood.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa Burburiyay Difaacyaddii kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee Degmooyinka Ceeldheer & Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin Deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Maraay suuleey ee Gobolka Galguduud, si uu SONNA u sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka ka soo jeeda Degmada Ceeldheer Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta, Howlgalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhawaan duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka Xarardheere, taasi oo lagu beegsaday Gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd koonfurta gobolkaasi. Saldhigyadaasi oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla isgoyska Caadooley iyo balliga lagu magacaabo Dhagaxley, halkaas oo ay si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaanoa Macawiisleyda.

Goobaha ay la wareegeen ciidamada ayaa u dhow deegaanka Caad oo ay haatan ka socdaan howlgallada xoogooda, si Al-Shabaab looga saaro halkaasi. Saraakiisha howlgallada hoggaamineysa ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna baacsanayaan firxadkooda, sida ay sheegeen, waxayna ku sii siqaya Aagga buurta Yacgoos, halkaasi ay oo ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, waxaana ujeedka u yahay in laga xoreeyo dhulkaasi.

By: C/lahi Ruush

Safiirka JFS ee Ethiopia oo ka qeybgalay Munaasabad Lagu Taageerayo Guulihii Waaweynaa ee Qaranku gaaray

Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia ayaa magaaladda Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu  taageerayay guulaha waaweyn ee ay JFS gaartay muddooyinkii u danbeeysay, guulahaas oo ay kamid ahayeen dayn-cafinta, qaadista cuna-qabatayntii hubka iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Africa oo dhammaantoodba ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagnaa geeddi socodka Dawladnimada Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid, diplomaasiyiin kala duwan oo ka tirsan Safaaradda JFS ee Ethiopia, Xildhibaan Xasan Cabdi Ismacil oo kamid ah BJFS, mas’uuliyiin ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ethiopia iyo qayabaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ethiopia                                                                                                                                                                      Madaxweyne ku xigeenka Gal-mudug Cali Daahir Ciid iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in soomaaliya soo hooydo guulahaan waaweyna,ayna bogaadinaya Mas’uuliyiinta dowladda ee da’daalka badan ku bixiyay arrintaan.

Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa oo munaasabadda soo xiray ayaa si qota dheer u faah-faahiyay dariiqa loo maray iyo dedaalka lagu bixiyay in Soomaaliya ay gaarto guulahan taariikhiga ah, wuxuuna caddeeyey in Soomaaliya ay mar kale gudubtay dariiqa horumarka iyo xasiloonida.

 

   

Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle

Ciidamada Xoogga dalka iyo deegaanka oo maalmahaan ku jira howlgallo culus ayaa shalay galab la wareegay deegaanno cusub oo horay ay u joogtay Khawaarijta Al-Shabaab.

Guutada 24-aad ee Khalid Binu-waliid ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo lagu guuleytay ka fulisay deegaanada kala ah Gacal-ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Shabeellada Dhexe ayaa kooxda Al-Shabaab laga saaray

Howgalka inta uu socday ayay ciidanka ku qarxiyeen miinooyin ay Khawaarijta ku aaseen waddooyin ka baxa degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada hoos yimaado.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanaka ayaa Burburiyay Difaacyaddii kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,waxayna kaabiga u saran yihiin deegaanka Masagawaa, iyaga oo haatan ku sugan deegaanka Mareey suuleey, si uu SONNA u sheegay Taliyaha Xoogagga Deegaanka Gaashaanle sare Cabdulle Maxamuud Cabdi iyo Khaliif Cumar Macallim Nuur.

Dhinaca kale, koonfurta gobolka Mudug waxaa ka socda howlgallo kale oo culus, ciidamada ayaa shalay gudaha u galay deegaanka Shabeelow. Sidoo kale ciidamada ayaa maanta ka gudbay Shabeelow, iyagoo ku wajahan deegaanno muhiim ah oo Caad ay ku jirto.