Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo iska casilay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa iska casilay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, anigoo aminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyeyna mas’uuliyadii balaarnayd ee madaxda qaranku igu aamineen” ayuu yiri mudane Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qaybgalay Munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Saadad Caliyow, qaybna uu ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa caawa ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigaayey waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha sanadkaan sii dhamaanayo.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa madaxda waaxyaha hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Masuuliyiin ka kala socday dowlad Goboledyada dalka ka jira,odayaasha dhaqanka iyo madax kala duwan.

Madashaan waxaa lagu soo bandhigay waxii u qabsoomay sanadkaan 2023 Wasaaradda, iyadoo shacabkii ka soo qaybgalay kulankaan wasiirka ay waydiyeen su’aalo la xariira waxa u qabsoomay iyo qorsha u yaal ka wasaaradd ahaan.

Wasiir Fiqi ayaa shahaadoyin guddoonsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha qaar kamid ah oo lagu abaalmariyey shaqo wanaag.

 

   

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo kulamo la yeeshay safiirrada Kuwait iyo Jaamacadda Carabta ee dalka Kenya

Naroibi- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa ugu horreyn la kulmay safiirka dowladda Kuwait ee Kenya ahna Madaxa safiirrada Carabta ee  Kenya.

Labada danjire ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo isla soo qaaday in laga wada shaqeeyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dhoofinta xoolaha maadaama uu dalkeenamu hodan ku yahay Xoolaha iyo  dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Safiirka Dowladda Kuwait ee Kenya ayaa dhankiisa aad u soo dhaweeyay arintaas waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqadashada Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya,  isagoo intaa raaciyay in Danjire Jabriil uu yahay safiirkii ugu horeeyay ay kulan wada qaataan.

Dhinaca kale  Danjire Jabriil ayaa la kulmay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Dalkaan Kenya, waxa labadooduba ay ka wada hadleen sidii xariirka Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya loo xoojin lahaa, waxa uu safiirka Jaamacadda Carabta u hambalyeey Madaxda iyo  Dhammaan Ummadda Soomaliyeed guulihii ugu dambeeyay ay gaareen kuwaas oo ay ka mid yihiin ku biiristii Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Baariga Afrika,  Cunababateebta Hubka ee laga qaaday Soomaaliya iyo sidoo kale in Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.

Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Mudane Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa bilaabay shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee xiriirada gaarka ah gaar ahaan Safaaraddaha Wadamada Adduunka ee fadhigoodu yahay Dalkaan Kenya, asaga oo ka duulaya kor-u qaadista xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeyo Caalamka iyo  xoojinta xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeyaa dalalka Caalamka.

  

Ciidamada Xoogga dalka oo si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Madaxtooyada Qaranka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay amniga guud ee Madaxtooyada, kaddib 16 sano oo walaalaha Ciidamada Afrika ee AMISOM ay door ku lahaayeen sugidda amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya oo ay ka qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Wakiillada Midowga Afriga iyo Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Guutada 77-aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga Madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga Madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyey saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.

          

Howlgal dhanka cirka ah oo lala beegsaday horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee drones-ka, ayna iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabab, Koonfuurta Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana horjoogaha la beegsadey u qaabilsanaa Khawaarijta abaabulka dagaallada.

Waa tallaabo kale oo DFS oo kaashaneysa Mareykanka ay qaadeen oo qeyb ka ah dhabar jabinta Khawaarijta naf lacaariga ah ee khatarta ku ah nabadda iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka intaba.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an xididda siibka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabab si loo gaaro Soomaaliya nabad ah oo xasiloon , lagana suuliyay argagixisada.

Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee BJFS oo yeeshay kulan ay kaga hadlayeen xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka

Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku howlan ka soo tala bixinta warbixinta iyo xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhammaaday 31 December 2022-ka, ayaa maanta kulankoodii koowaad ee waajib gudashada ahaa ku yeeshay Villa Hargaysa.

Kulanka wadajirka ah ee labada guddi oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer ayaa lagu jadwaleeyaay shaqada guddiga, iyagoo sidoo kale dulmar guud ku sameeyay warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda iyo habraaca ay u marayaan.

         

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka 6-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 6-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, oo ka qabsoomay xarunta guddiyada iyo guddoonka ee Villa Hargeeysa.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaana looga hadlay ajandeynta Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka BJFS, iyadoo Xildhibaannadu kaga doodeen sida ugu habboon ee Golaha loo hor keeni lahaa ajandayaasha cusub ee muhiimka u ah geedi socodka dowladnimadda dalka.

            

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BFJS oo kulan sagootin ah la yeeshay Marwo Anita Kiki Gbeho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Guddoomiayaha ayaa ku xigeenka Qaramada Midoobay ku ammaanay intii ay Xafiiska joogtay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay dalka u qabatay, waxaana uu ku boggaadiyay taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay siiso oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib u heshiisiinta, la dagaallanka kooxda Khawaariijta, iyo kaalmeynta arrimaha bini’aadanimada.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa inta ay Soomaaliya joogtay kala shaqeyso dowladda Soomaaliya arrimo badan oo la xarriiro hormarka dalka iyo dadka.

     

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galay shir lagu soo bandhigayay ka hor-taga saboolnimada

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay shir lagusoo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

Shirka ayaa looga hadlay hannaankii looga loo yarayn lahaa saboolnimada iyo faqriga, iyadoo lagu jaangoynayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee yaraynta saboolnimada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda qorshahani u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo aan warbixinno sugan laga hayn heerka saboolnimada ee dhinacyada badan leh.

Shirka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa qayb ka ahaa hay’adaha Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadantimada iyo ka hortagga yaraynta saboolnimada.

Xildhibaan Xaadoole oo ka warbixiyay guulaha taariikhiga ah ay dhawaan Dowladda ku tilaabsatay

Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud “Xaadoole” oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay doorka laamaha amniga iyo booliiska Qaranka ay ka qaadanayaan la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Mudane Xaadoole ayaa mar uu ka hadlayay golaha shacabka waxaa uu yiri: “Waxaa mahad iska leh ciidamada amniga iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka dhigay Caasimada meel nabdoon oo ku naaloonaysa nabad iyo xasilooni”.

Xildhibaanka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in laga adkaado kooxaha nabad diidka ah, si shixnadaha gurmadka loo gaarsiiyo goobaha ay dhibaatadu ka dhacday, iyadoo dhulka la marinayo oo aan lagu soo qaadin diyaarado.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale bogaadiyay waxqabadka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo yiri:

“Waxaan bogaadinayaa guulaha taariikhiga ah ee la gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo ah qaadista Cunaqabateynta hubka ee dalka lagu soo rogay tan iyo 1992, Deyn Cafinta iyo ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika.”