Afhayeenka ATMIS oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka

Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib ka guuraya xafiisyada madaxda & Madaxtooyada Qaranka.

ATMIS ayaa gabi ahaan isaga baxayso saldhigyada ay ku lahaayeen Madaxtooyada iyo Baarlamanka dalka.

Tallaabdan ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in ay guul u tahay Qaranka Soomaliyeed, iyado oo ay Ciidamada Qaranka dusha laga saari doono mas’uuliyadda amni ee dhamaan xafiisyada ugu sareeyo dalka.

Afhayeenka Ciidamada ATMIS, Saidi Mwachinalo, oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee dalka uu bilowday tan iyo markii la ansixiyay go’aankii Qaramada Midoobay in Ciidamada Soomaaliya lagu wareejiyo mas’uuliyadda amniga.

Afhayeenka ayaa sheegay in 3,000 oo askari oo ATMIS ah ay Ciidamada Soomaaliya wareejin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ku jirto madaxtooyada ilaa 31-ka bishan December.

Wajiga labaad ayaa bilaaban doona bisha May ee sanadka soo socda 2024kii, iyadoo 3,000 oo askari ATMIS ay iyaguna ka bixi doonaan dalka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, isagoo sheegay inay tahay tallaabo muhiim ah, gaar ahaan marka la eego dagaalka ay dowladda kula jirto Khawaarijta.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada Soomaaliya ee tababarrada ku maqan ay heli doonaan hub casri ah oo ay uga awood sarreeyaan kooxaha argagaxisada ah markii uu usoo dhamaado tababarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib safaro shaqo oo mirodhal ah oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii oo joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo dhameystir u ahaa xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Safarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guulo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.

Taliyaha ciidanka Dhulka oo gaaray deegaannadii laga saaray Khawaarijta ee Mudug

Taliyaha ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo Miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta arxanka daran.

Taliyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa la kulmay Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ee khawaarijta ka saaray Shabeeloow iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen dhulka Miyiga ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay kaabiga ku haaya deegaanka Caad, oo la sheegay in khawaarijtu isaga carareen sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Mudug.

Maalmihii lasoo dhaafay Khawaarijta ayaa laga xoreeyay deegaannada Shabeeloow iyo Cimaamad oo dhamaan ka mid ahaa Saldhigyadii Khawaarijtu uga soo duuli jireen deegaannadaas iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah

Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

Kulankaan oo lagu gorfeeyay siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion),  oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Xubno ka socday Hay’adaha dowladda, Ururrada bulshada rayidka, shirkadaha ka shaqeeyo Arrimaha Isgaarinta, bahda Waxbarshada iyo dadka nugal ee baahiyaha gaarka ah qaba.

Khubarada soo diyaariyay siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga oo ka taageeray wasaaradda ee kala ah  Asal solutions iyo KCL ayaa soo bandhigay bandhigay ahmiyadda dalkeennu u leedahay Adeeegga Tiknoolojiyadd Casri ah oo loo dhan-yahay, waxey dul istaageen habraacyada loo jiheynayo in guud ahaan waddanka laga hirgeliyo adeeggaan muhiimka ah, Iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo bulshada qeybaheeda kala duwan, Sida; dadka reer guuraga ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo, haweenka, dhallinyrada aan gaarin da’da qaangaarnimada iyo caqadaha hortaagan hannankii xal loogu heli lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo furay shirka ayaa sheegay  in looga fadhiyo xubnaha ka qeyb-galay in dood adag ka yeeshan in isticmaalka Adeega Teknoolojiyadda casriga ah in ay noqoto mid sare  oo xowli ah isla markaana caqadabaha iyo xalalka xooga la saaro inta madasha ay socoto.

“Dhawr arrimood oo is-dulsaaran xariir adagna leh oo mawduucan ugu horreeyo dhammaanteena ama in la xaqiijiyo, waxey tahay in ay cidna ka maqnaan helidda adeegyada casriga ah iyo isticmaalka adeegsiga iyo agabka teknoolojiyadda. Aad ayaa looga hadlaa inclusion ka iyo exclusion ka, waana aafo guud haddana si gaar ah bulshadeena u saamaysa, Ka wasaarad ahaan waxa naga go’an dadaalka xukuumaddu ugu jirto dawladnimo loo dhanyahay inaan laga reebin teknoolojiyadda casriga ah iyo isbedelka muuqda ee hoggaana u ah bulshada qaybaheeda kala duwan inay ka harin.

Siyaasaddan waxay horsed fiican u noqon doontaa sidii waddanka oo dhan iyo dadkeena oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen isbedelka teknoolojiyaddu oo noloshooda wayn kaga jirto” Ayuu sheegay Mudane Cabdiasiis.

Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha ayaa ku biirayay Siyaasadda talooyin iyo aragtiyo dhaxal gal u ah hore-u-socdka siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah.

  

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la yeeshay madaxa howlgal midowga yurub ee tayeynta Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa Xafiiskiisa kulan ku qaatay wafti uu hoggaaminayo Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaaliya ee EUCAP Somalia Mudane Kauko Aaltomaa.

Kullanka ayaa looga hadlay xoojin xariirka Wasaaradda iyo EUCAPSOM, daradargelinta shaqooyinka hortabintaleh ee ka turjumaya baahiyaha dalka ee dhinaca Kalluumeysiga, In la sameeyo xog wadaag si loola dagaallamo Kalluumeysiga Sharci darrada ah, iyo dajinta siyaado wax ku ool u ah kalluumeysiga.

Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaaliya ee EUCAPSomalia Mudane Kauko Aaltomaa ayaa wasiirka wasaaradda warbixin ka siiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ka qeybteen tayeynta farsamooyinka la xiira Kalluumeysiga isaga oo sheegay in diyaar u yihiin ayna soo dhaweynayaan in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshan wasaaradda.

Wasiir wasaaradda Mudane Axmed Xassan Aadan  ayaa sheegay in ay wasaaradda mudnaan gaar ah siineyso horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka badda si dalkeennu u gaaro horumar iyo isku filnaansho dhaqaale oo waara sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in la joogteeyo mashaariicda horumarineed ee la xiriira dhinacyadaas.

       

Ciidanka ATMIS oo 16 sano ka dib ka guuraya Madaxtooyada Qaranka

Ciidanka ATMIS ee howlgalka kala guurka ah oo muddo 16 sano ah qeyb ka ahaa sugidda amniga Xafiisyada Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa maalinta Berrito ah baneynaya xafiisyadaas, waxaana la wareegi doona si buuxda amniga Ciidanka xoogga dalka sida uu noo xaqiijiyey la taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin.

Berri oo 17 December ku began, waxaa soo dhammaa doona waqtigii ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka iyo xafiisyada waa weyn ee dalka, waxaana munaasabad Ciidanka Qaranku uu kula wareegayo Amniga Madaxtooyada isla markaana lagu sagootinayo ATMIS ay ka dhici doontaa Villa Somalia.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday 2-ka tirsan khawaarijta Daacish

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun min 8 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha maaleshiyada Daacish.

Cabdiqani iyo Axmed ayaa horay uga mid ahaan Khawaarijta Al shabaab balse usoo digo rogtay Daacish. Waxaa looga tashkiiliyay mid waliba aaladda xiriirka dadweynaha gaar ahaan Telegramka.

October Lix iyo tobankeedii sanadkaan ayey Ciidamada amniga oo gaaf wareeg ku jiro waxa ay qabteen Cabdiqani, waxa uu watay Bac labo F1 Bum ah ay ku jiraan, waxa uuna kula wareejin rabay Axmed Cali Diiriye oo ku suganaa safka hore ee Masjidka Alnur, Dabkaayo-madow ee dagmada Dharkenley sidoo kala waxa guriga Cabdiqani laga helay agabyada loo istcimaalo

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Kow iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Xassan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka.

Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Qaramada Midoobay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo dadaalka dheeriga ah ee ay Marwo Kiki Soomaaliya la garab taagnayd intii ay xafiiska UNSOM joogtay.

Kulanka, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Hab-dhowraha Aqalka Sare, Marwo Samsam Ibraahim Cali iyo Xoghayaha Guud Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed..

 

  

Amiirkii Dalka Kuwait oo maanta ku dhintay da’da 86-sano jir

Amiirka Kuwait Sheikh Nawaf al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku geeriyooday da’da 86,sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda boqortooyada oo laga sii daayay telefishinka dowladda

Bayaankaasi ayaa lagu yiri “Annagoo tiiraanyeysan oo murugeysan, waxaan u baroor-diiqeyna geerida Sheikh Nawaf al-Ahmad Al-Sabah, Amiirka Dowladda Kuwait.

Sheikh Nawaf ayaa la dhaariyay bishii Sebtembar 2020 ka dib markii uu geeriyooday walaalkii, Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah oo 91 jir ahaa.

Bishii hore, Amiirka ayaa la dhigay isbitaalka ka dib xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KUNA.

Wasiirka Waxbarashada XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed.

Socdaalka Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa daaran ka qeybgalka shir waynaha Waxbarashada dowaldda Federalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka, kaas oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo.

Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed, Mudane Mustaf Ahmed Idow iyo qaar kamid ah bahda Waxbarashada.