Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Sheegay in dowladda ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado  kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey madal ay soo qaban-qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa xusay in Xukuumaddu ay qirsan tahay doorka wax ku oolka ee ay shirkaddu kaga jirto dalka.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in deyn cafinta kadib ay shirkadaha ka shaqeeya dalka ay heli doonaan fursado badan oo ay adduunka kula falgeli doonaan.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaareyaal hore, xildhibaanno ka tirsan labada gole, ganacsato iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

   

Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)

Sanad iyo todobo bilood kadib, maxaa Dowladda Soomaaliya u qabsoomay?, su’aashaasi jawaabteed looma fakirayo, muddo badanna kaa qaadan meyso helidda jawaabteeda, balse aan soo koobno. Markii la doortay Xurmadle Madaxweynaha JFS, waxa uu durbadiiba ku dhawaaqay in howshiisa ugu horreysa ay noqon doonto 1. Amnig, soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, isagoo wacad ku maray inuu ka takhalusi doono Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab. 2. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika, 3. Dhameystirka Deyn cafinta. 4. Qaadista Cuneqabateynta hubka. Iyo midda 5. Oo ah dhameystirka Dastuurka.

1.Dhinaca amniga. Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 2022-kii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Dowladdu waxay Khawaarijta ku qaaday dagaal 3 Weji leh oo ah:

B).Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.

Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balse  intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

T).Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyo bilood  jirsaday ayaa waxaa lagu dilay in ka badan seddex kun iyo siddeed boqol Maleeshiyaad (3,800) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay in ka badan 80  Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

J).Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud aayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaa’udiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta, waxaa kaloo la xiray 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4) afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.

2.Ku biirista Bulshada Bariga Afrika.  Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah  oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi. waxa ay si gaar ah u fullin doontaa Qodobadda uu ku dhisan yahay heshiiskan oo ay ka mid tahay isku Socodka Xorta ah ee Dadka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC). “Maanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan, ayuu yiri Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, mar uu ka hadlaayay munaasabadda saxiixa aheyd. Xubinnimadaydu ma ahaan mid ku timid xilligeeda oo kali yahay ee sidoo kale waa mid kor u qaadaysa maalgashiga ururka, waxay kaloo leedahay Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya, waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka.

  1. Qaadista Cunaqabateynta Hubka. Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeen xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.

Maxaa laga faa’iidayaa qaadista Cunaqabateynata Hubka?, waxaa laga faa’idayaa 5.qodob.

B- La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

T- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

J- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud  ee dalka.

X- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

Kh. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

  1. Deyn cafinta. Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey deynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya siinaysa fursad weyn oo ay kula falgasho caalamka. Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay. Jihad Azuur madaxa qeybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee hey’adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaasi oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saameynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbedalka cimilada.
  2. Dhameystirka Dastuurka. Midda kaliya ee ka dhiman ballaanqaadka Madaxweynaha ayaa ah qodobka ah dhameystirka Dastuur, isagana waxaan rajeyneynaa in goor dhow laga gudbo oo ay Soonmaaliya yeelato Dastuur aan qabyo aheyn, waayo Dastuurka waa qaanunka ugu sarreeya dalka marka la yimaado Shareecada Islaamka.

By. C/lahi Ruush

SHEEKO DHEX MARTAY NABI MAXAMED CSW IYO NIN REER BAADIYA AH

waa sheeko dhex martay nabi maxamed csw iyo nin reer baadiya ah oo yiri: alle waan xisaabin hadduu i xisaabiyo iyo jawaabti xag alle ka timid

Maalin Nabiga (S C W) isagoo xaalada dadka eeg-eegaya iyo waxay ku howlan-yihiin fiir-fiirinaaya ayuu maqlay nin reer baadiyo ah oo leh: Yaa kariim Yaa Kariim .. Rasuulka wuxuu ku dhahay: Yaa kariim .. Reer baadiyihi isna wuxuu ku celiyey ereygi: Yaa kariim .. Rasuulki ayaa markale yiri: Yaa kariim

Reer baadiyihi inta fiiriyay ayuu ku yiri: Nin-kaagan wejiga furan ee qaabka qurxan inaan reer baadiyo ahay darteed miyaad iigu jees-jeesaysaa!? illaah baan ku dhaartaye wejigaaga furan iyo qaabkaaga toosan ayaan kugu dhaafay ma-ahane Nabiga ayaan kaaga dacwoon-lahaa.

Rasuulka inta dhoola caddeeyay ayuu Yiri: Ee Walaal Rasuulkaaga ma taqaan? Wuxuu ninki ku jawaabay: Maya laakiin waan aaminay mana arag, waan rumeeyay mana la kulmin.

Rasuulki ayaa Yiri: ogoow inaan ahay Rasuulkaaga adduunka iyo shafiicaaga Aakhiro.

Ninki Wuxuu u soo cararay xaga Rasuulka oo markiiba jilba jabsaday iskuna dayay inuu gacanta ka shumiyo. Wuxuu Rasuulka Yiri: ha igu sameyn sida loo sameeyo boqorada Ruum iyo cajamta!

Isla markiiba Jibriil ayaa soo degay oo Rasuulka ku yiri: Salaamu Caleyka yaa Muxammad, Rabbigaa wuxuu ku leeyahay ku dheh kan kula jooga yuusan damcin deeq-deenna waan xisaabineynaa maalinta Qiyaamo .. Reer baadiyihi oo fariinta gaartay wuxuu Yiri: illaahey ma I xisaabinayaa Rasuulki Alloow!? Wuxuu Rasuulki yiri: Haa, insha Allaah .. Ninki Wuxuu Yiri: Wallaahi hadduu i xisaabiyo anigana waan xisaabinayaa

Rasuulki ayaa yiri: Walaal Maxaad Rabbigaa ku xisaabineysaa ?

Ninki Baa yiri: Hadduu dembigeyga igu xisaabiyo waxaan ku xisaabinayaa dembi dhaafkiisa, hadduu igu xisaabiyo Bakhiil-nimadeyda waxaan ku xisaabinayaa deeqsi-nimadiisa, hadduu igu xisaabiyo tabar-daradeyda waxaan ku xisaabinayaa awooddiisa .. Rasuulka wuu ooyay illaa ay ilintu garkiisa ka qoysay .. Jibriil ayaa soo degay oo Yiri: Rasuul Allow Rabbiga wuxuu ku leeyahay oohinta jooji, waxaa oohintaada ku mashquulay malaa’igta Carshiga ximbaarsan tasbiix-dooda, midka kaa oohiyey ku dheh: yuusan na xisaabin ma xisaabineynee wuxuu noqonayaa rafiiqaaga janada.

 

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kula la qaatay qaar kamid ah wasiiradda Gargaar ee Dowlad Goboleedyada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay  Qaar kamid ah Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowlad Goboledyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shir gaar ah oo ay wada qateen Guddoomiyaha Hay’adda iyo Wasiiradaan ayeey uga wada hadleen sidii wadajir dadka sameenta ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada loogu gurman lahaa, in Raashinkii dowlada Ruushka dalkeena ugu deeqday si siman Dowladd Goboledyada dalka ka jira loo wada gaarsiiyo, bulshada tabaayalysana loo gaarsiiyo sidii loogu talagalay.

Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Candiraxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr Abdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka,  iyaga oo ku ammaanay sida ay go’antahay caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan.

 

  

ILAALINTA BALLANTU WAA MAS’UULIYAD MUHIIM AH (SHEEKO QIIRO LEH)

Nin Taajir ahaa oo xubin ka ahaa dabaqada Maal-qabeenka sare ee dalka Ruushka ayaa daaqadda Gurigiisa ka arkay nin guri la’aani ay u raacday Dhar la’aan .. Barafka korkiisa saaran intuu ka yaabay iyo halka uu fadhiyo ayuu u Soo degtay oo cod jilicsan ku yiri: Ninyahow maxaan kuu qabtaa?

Ninkii faqiirka ahaa ayaa ninkii Tujaarka ahaa ka codsaday Koorka dhaxanta .. Tujaarkii oo aad uga xun rafaadka iyo silica uu ku nool yahay ninka faqiirka ah ayaa u ballan qaaday Inu u keeni Doono Koor weyn iyo weliba casho culus oo deg deg ah.

Nasiib darro dhawr taleefan oo u Soo dhacay darteed ninkii taajirka ahaa wuu halmaamay ninkii faqiirka ahaa .. Markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii Faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo, Waxaana ku qornaa hadaladaan:

“Inta aadan ii sameyn ballan qaadka waxaan ahaa nin adkeysi u leh Gaajada iyo Dhaxanta,waxaanse tabar-dhigay oo dhaxanta iyo gaajada jirkeeyga u nugleeyey balan qaadkii beenta ahaa ee aad ii sameysay .. waana sababta soo dedejisay geerideeyda, Fadlan ha ii ooyin geerideeyda kadib waayoo waxaa jirtay Mar aad wax ii qaban kartay, Maantase waxba iima gashid oo waxaan ku biiray Duni kale”

Ujeedka ballan qaadka beenta ah wuxuu sababi karaa saameyn fog oo qofka bini’ aadanka ah ku yeelata noloshiisa mid galaafata ee ka feejignoow .. oo sabab ha u noqon geerida ama waalida qof islaameed .. Hana dhaawicin Qalbiga Aadmiga ee daciifka ah.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS Mohamed Cali Maxamuud,oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey xubnno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ,Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada Baydhabo ay u gareen ayaa ah ka qeybgalka Shir weynaha Qorshaha Horumarinta Kaabiyaasha dhaqalaha Dalka iyo xoojinta wada shaqeynta  Wasaaradaha howlaha guud heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed Kaasi oo beri ka furmi doono Magaalada Baydhabo.

 

   

Share this Article

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta Galmudug  ayàa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada degaanno katirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada xoogga ayaa saaka kusoo waramaya inay kaabiga ku haayaan Deegaanka Caad oo wali khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta Deegaanada Shabeeloow iyo Cimaamad oo dhammaan hoos taga Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka mudug

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTII 63-AAD)

Gabdhihii ergada ahaa baa adduun qasay Waa dumar iyo war jecliye, arrintii in ay qariyaan la isku ogaa bay oodda ka qaadeen afartoodii baa afarta jaho u kala faafiyey. Qoftay arkaanba ku taabtay tii ay ku taabataaba tu kalay ku sii taabatay.

Wax guriba guri u sii gudbiyaba, gurigii reer Aw- Mukhtaar baa warkii dalaq yiri Iikar baa farta laga saaray, xogtii oo la sii buunbuuniyey, la sii kharaareeyey si kajan iyo jees-jees ku jirana loogu jeediyey.

Haddee yaa haya wiilkii ‘biidka’ ahaa, ee la yiri, “Gabadhii aad isu dhisaysay way ku nacday!” Xanaaq buu furka tuuray. Cirkii iyo dhulkiiba ka yaraadeen.

“Allow ba’ay!” buu la soo booday, “An maaba naag yaanyow la ii tuutuugaa, oo sharafteyda lagu baabi’ihaa? Waxaa dhan adoogeeyaa ii keenay. Bes waaya aniga waa is-duugaa.”

Xanaaqa Iikar waxba ma ahayn marka la arko hooyadii Aay-Soonto. Bambadii fidmadu waxay dhab ahaan u qaraxday markii warku Aay-Soonto gaaray. Intay cirkaa u boodday bay marada dhegta qabsatay, afkana furatay. Maana-Faay oo maqan bay miiska kawaanka dhigatay.

Cadba mar bay goosatay, “Haah! Tii xumayd maaba saas keentay! Maxay is-mudday fool-daanyeertaas oo guur weysay. Igaarkeyga leeba loo tuutuugaayey maahine hortiiba yaa rabey cajuustaas? Asxaankii loo galay maaba saan keentay, guumeysta oo meel kasta laga soo nacay.

Ku fac miyaa igaarkeyga? Haddii iida naag ka soo hartana ma aroosaayo igaarkeyga. Iidlee maa loo gudey! Meekha gabar aa

Iikar ka daba ooyooheeysa? Xamar gabartiis rabaas ka soo baxsahaa.”

Dacas iyo garbasaar iyadoon midna qaadan bay bannaanka u kudday; iyadoo weli sidii u daldalmaysa, keligeedna isla buuqaysa, ee marna Maana-Faay cay u miisaysa, marna Jiija u dhaaranaysa.

Waxay isku sii daysay gurigii walaasheed ee subaxnimadii gabadheeda meel- fadhiisinta loo geeyey. Iyadoo xammaysan bay ka dul dhacday gabdhihii oo farxad la kala ordaya, rikoor u daaran la heesaya, badankoodu ku hawllan cillaansaaridda Jiija oo dhexda u fadhida, sidii boqorad ciidankeedii iyo la taliyayaasheedii ka dhex sheekaynaysa!

Aay-Soonto sidii Malakul-mowdkii bay mar qura ka dul dhacday boqortooyadii ciidaysay. Hablihii faraxsanaa bay dhex jiirtay. Intay mar qura hadalkii gooyeen bay indhaha kor ula raaceen haweeneyda dhiillaysan, ee sharku indhaheeda iyo afkeedaba ka fanfaniinayo.

Waxay gabdhihii sii jibaaxdo, ee mid ay garbiso iyo mid ay ku joogsato ka dhigtaba meeshii Jiija fadhiday markay gaartay bay intay qalabkii cillaanka laad ku dhufatay, markii shayba meel u faniinay, gabadheedii si qallafsan gacanta u qabsatay, amar degdeg ahna ku siisay in ay sara kacdo, horena u raacdo.

Iyadoo sidii tuug la qabtay u hoggaaminaysa ayey irridka kala baxday. Hablihii heeganka ahaa af-dhalaalaa ka soo haray. Ammankaaggii bay iyagoo cayrnimo, caro iyo calool xumo la aamusan indhaha taag-taagayeen, sidii

geel-jire hashiisii u dhalaysey ee uu baarka u salaaxayey libaax ka dafay; hadduu ka daba ordo, ama ka daba hadlana ka cabsanaya inuu isaga qudhiisa ku soo jeesto, naftiisana u qoonsado.

Aay-Soonto wixii ay ku hadashay iyo wixii ay ku kacdayba, dumarkii Xaafadda wuxuu u noqday war cusub oo aan kii hore ka xiise yarayn. Kaba kulul, kana khatarsan. Si dhakhsa badan buu warkaasina markiisa u tarmay.

Isagoo xawaaraynayuu Xaafadda sii dhex xulay. Sidii dab kayn caws badan qabsaday baa aqalba aqal u gudbiyey. Wax la sii wad-wadaba Aay-Caddeey oo aqalkeedii dhex fadhidaa lagu dhibciyey. Dhowr naagood, oo sidii abaalmarin lagu siinayo mid waliba yaan lagaaga hormarin lahayd, baa mar qura ku wada kulmay.

Haddee ma war baa ka dambeeyey? Maxaad ka sugaysaa hooyo lagu guubaabiyey, habar facaaga ah baa gabadhaadii fagaare ku cayday, wiilkaagiina furatay! Goor ay kacday, goor ay jaranjartii dheerayd ka soo booddey iyo meel ay soo martay midna ma is-ogayne, iyadoon dheg la qabto lahayn bay Soontoo jikadeedii ka dhex guryamaysa, ka dul dhacday.

Ibixiyow ibixi! Waa la isula kala baxay. Aay-Caddeey codkeedu wuu ka soo horreeyey. Soontoo markay gabadheedii guriga gashatay, hawsheedii ku sii jeesatay baa ku war heshay albaab turriisho la’aan looga qab siiyey iyo erayo rasaas ahaan isaga soo daba dhacaya, oo irridka ka soo leh, “Hooy! Ad maa gaartey inaad gabarteyda afkaada ku soo taagtid? Hortiiba iida maa nii rabtay,

waa laguu tuutuugaayey maahine? Igaarka abtigeeda ay u joogtay, ee mar dambe alcaan-yahay gabarteyda afkaada a ku soo bi’in! Igaar maashiyaad khabtay, hortiiba laamaleeyshaas ahaaye, seegseeggaas oo cawo sagaal saac soo hoyahaaya! Kaas maa hortiiba gabarteyda istaahilay?”

Ma war baa yaal! Maxaad ka filaysaa Aay-Soontoo intii hore intaas loogu daray. Afarta addin iyo afkaba isku mar bay la baxday. Waa la isu fara baxsaday. Af iyo addin wax la isula haray ma jirin.

Waase la kala dhex galay, lana kala canaantay. Aay-Caddeey waxaa si gaar ah loogu eedeeyey weerarka ay ku soo qaadday guriga islaameed, oo weliba ah gurigii dumaashigeed.

Markii hore miyir ma lahayne, markii sama-jeclihii goob-joogga ahaa u caqli celiyeen bay is-garatay. Markii dumaashigeed la garansiiyey, bay intay isku yaxyaxday dib u laabatay, iyadoo dumar fara badani galbinayaan, qaar kalena Soonto celcelinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Munaasabadda dabbaaldaga Shirkadda Hormuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa ka qeyb galay xafladda dabbaaldegga shirkadda Hormuud oo guulo badan ka gaartay caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Mudane Salaax Axmed Jaamac, qaar ka mid ah Ra’isul Wasaariyaal hore, Wasiiro, Xidhibaanno, ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Ujeedada munaasabada ayaa waxa ay aheyd dhiiragelinta Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, oo ku guuleystay guddoomiyaha ugu wanagsan ee shirkadaha telefoonada Afrika iyo caalamka, isgoona ku guleystay abaalmarino kala duwan oo ku saabsan waxqabadka shirkadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka xafladda soo xiray ayaa ammaanay doorka shariifka ah ee dalka ka soo qaadatay shirka Hormuud, oo ay ugu horreyso u adeegida shacabka Soomaaliyeed, oo soo maray marxalado kala duwan ee dalka soo maray.

Guddoomiye Sheekh Aadan waxaa uu dul istaagay in shirkaddu kaalin muhiim ah ay ka qaadatay caawinta dadka shacabka, kuwaas oo ka mid ah dhismaha iyo taakuleynta Isbitaalo ku yaala dalka gudihiisa, ka qeyb qaadashda daryeelka caruurta, sida waxbarashada, iyo xiliyada ay jiraan musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dalka.

 

     

Madaxweynaha JFS oo Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka dallada bulshada bariga Afrika (EAC)

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Maanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan,

Mahadnaq gaar ah ayaan u jeedinayayna dhamaan dowladdaha xubnaha ka ah iyo xoghayaha dallada bulshada bariga Afrika ee garab istaga iyo dhiirigalintooda inoo muujiyay,hadafkeenu waa cadyahay waa in aynu xoojino xiriirkeena kana qayb qaadano barwaaqada la hiigsanayo islaa markaana aan kaalin mug leh ku yeelano qaabaynta bustaqabalka soo ifaya,

Xubin nimadaydu ma ahaan mid ku timid xilligeeda oo kaliyahay ee sidoo kale waa mid kor u qaadaysa maalgashiga ururka,

Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka,

Horumarka dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab ee looga xoreyay deegaanno baaxad leh iyo guulihii aynu ka gaarnay xiriirka caalamiga ah ayaa muujinaya ka, go’naashiyaheena,

Talaabooyinka dhanka horumarka leh ee aan u qaadnay waxaa ka mid ah qaadista cunuqabteenka hubka ee qaramada midoobay iyo dhameystirka hanaanka dayn cafinta,

Cafinta daynta ayaa marag u ah sida ay nooga go’aan tahay in aan dib u habeyn ku sameyno hay’aadah dowladda inagoo abuureynah illo dhaqaale oo muhiim u ah horumarinta dalka,  si wada jir ah aan u dhisno dhaxal midnimo iyo wax wada qabsi kaasi oo ku saleysan hadaf iyo arigtii wada wadaag”.

Ugu danbeytiina madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mahadnaq usoo jeedayay dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabada tariikhiga ahayd sida ay ugu muujiyeen taageero iyo garab istaag dowladda Soomaaliya isagoo ku soo gabagabeeyay khadbadiisi u ka Jeediyay shirka (EAC) mahadcelin ballaaran oo u jeediyay bahada ku midoowday ururka.