Soomaaliya oo dib u hanatay xuquuqdeedii baahinta Dayax gacmeedka Isgaarsiinta

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ku guulaysatay soocelinta xaqa ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho khayraadka meeraha dayax-gacmeedka baahinta isgaarsiinta. Guushan, oo tilmaamaysa dhammaadka geeddi-socod adag oo socday muddo sanad ah,si waafaqsan ujeeddooyinka qaraarka 559 ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxa ay horumar u tahay dhinaca isgaarsiinta dalka.

Magaalada Dubai oo uu ka soconayo Shirweynaha Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka waxaa toddobaadkan lagu qabtay munaasabad loogu dabbaaldagayo guusha ay 31 dal oo Afrikaan ah ka gaareen inay dib u hantaan kheyraadkooda dayax-gacmeedka ee ay hore u haysteen shirkado iyo dalal kale, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay dalakii ku guuleysatay inay dib ula wareegaan kheyraadkooda dhinaca isgaarsiinta dayaxgacmeedka.

“Ballanqaadkii iyo dadaalkii aan kala go’a lahayn ee aan sameynay sanadkii la soo dhaafay ayaa ku soo dhammaaday guushan, taasoo muujineysa sida aan ugu heellan nahay horumarinta isku-xirka iyo kaabayaasha teknoolajiyada dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Mustafa Yasiin Sheekh.

Guushani ayaa horseedeysa in horumar dheeri ah laga gaaro dhinaca isgaarsiinta dayax-gacmeedka, waxayna suurtogelineysaa in dayax-gacmeedka looga faa’iideysto sidii isgaarsiinta loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan. Waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee isgaarsiinta, gaar ahaan dalalka Afrika. Soocelinta kheyraadka dayax-gacmeedka waxay horumar weyn ku soo kordhin doontaa qeybaha isgaarsiinta, warbaahinta, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

“Waxaan soo dhoweynayaa guusha dalkeenu ka gaaray soocelinta kheyraadka baahinta ee dayaxgacmeedka isgaarsiinta. Waxaana ku ammaanayaa hay’adda iyo kooxdii ka shaqeysayba guushan taariikhiga ah iyo inaan ka mid noqonno 31ka dal ee Afrika ee ka soo gudbay halbeegyadii la asteeyay,” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoolijiyadd Soomaaliya, Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Guushan laga gaaray baahinta isgaarsiinta dayaxgacmeedka ayaa ka dhigan waa cusub oo u baryay adeegyada ku shaqeeya isgaarsiinta iyo teknolojiyada, taas oo saameyn toos ah ku yeelan doonta geedi-socodka horumarka qaranka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay dhiggiisa Dalka Sacuudi Carabiya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa  Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud  Fayyadh bin Hamed  Al- Ruwaili.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka iyo Taageerada Ciidan XDS iyo iskaashiga La dagaalanka Argagaxisada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqasho shaqo ku jooga Dalka Sacuudiga

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Mashruuc lagu maalagalinayo ilaaha wax-soo-saarka ee dalka

Waxaa Iska kaashanaya barnaamijkan dowlaha Soomaliya oo ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo jarmalka oo ka wakil ah Banigga horumarinta (KWF), iyada oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed  in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan, waxuuna mashruuca kor u qaadayaa  Qeybo kala duwan sida beeraha, -xoolaha, kaluumaysiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dalxiiska,

Madasha waxaa ka qeyb-galay Maxaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankigg-yada dalka iyo masuu’alayiin kale. Heshiiskan ay wada gaareen Gargaara iyo iyo KWF  waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugal si kor loogu qaado dhaqaalahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale ayaa warbaahinta u faahfaahiyay muhiimada ay mashriicda maalgalinta dalkeennu u leedadahay.

“Ujeedada laga leeyahay barnaamijkan waa in awoodiinna kartidiinna iyo Aqoontiinna xaga lacag bixinta ay kor u kacdo si aad ugu dhiirataan,tiina aad heysataan ee dheeraadka ah ee tan kabadan inaad bixisaan iyada naftirkeda aad maalgalin ku sameysaan, waxaan idin sheegayaa dalka waa dal faqri ah shaqo la’aan baa jirta dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xitaa nabadgalyada maanta dhaawacaya waxaa kamid ah dhaqaale xumida iyo shaqo la’aanta dhalinyarada” Ayuu sheegay Dr Suilayman

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa ayaa sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadda kusoo jiraan tasoo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

“Sharaf gaar ayey ii tahay inaan goobjoog ahaado oo aan ka soo qeybgalo xafladan lagu saxiixayo heshiiska (KWF)lala galay tani waxay mudnaan siineysaa horumarka bulshada iyo kobaca shaqo abuurka, ka Hey’add ahaan wadshaqeynta ayaan la yeelan doonaa Gargaara ” ayuu yari Mudane Sharmake.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa dhankiisa soo dhaweeyay daddaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda  Gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmayay in howlaha socda ay ka turmayso soo noolaynta hay’addaha Dhaqaalaha dalka sida Bangiyada.

Waxaan balanqaadeynaa wada shaqeynta dhankeenna laga filaayo,waxaan rajeyneynaa inaan ka soo bixi doono,Gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) waxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo,  Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dadbadan ayaa ka faa’ideysan doono oo shaqo abuur heli doono.” Ayuu hoosta ka xariiqay  Shirwac.

Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maalgalinta,  dowladda iyo Aduunka ayaa waddo daddaalo lagu horumarinayo  bulshada qeybaha muhiim u ah adeegyada  buslahda.

Mashruucaan ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka waaa ku baxay 17.7 million oo Euro ah.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baanka Adduunka iyo IMF ee deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo loogu dabaal dagayay guusha deynta Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah.

3- Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka, isla markaana uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hoyay barnaamijka deyn cafinta.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ku-Simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marwo Victoria Nuland, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari oo ka socday dalka Turkiga.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga ee u fadhin doona Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo La- Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow u magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dib u Heshiisiinta.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti uga qeyb-galay Shir Madaxeedka 41-aad aan caadiga ahayn ee Urur-Goboleedka IGAD.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaarey hanaanka doorashada Dowlad Goboleedka Puntland.

13- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayey go’aankii Golaha Ammaanka uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

14- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada aqal oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda 2024.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

17- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka uga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

18- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

19- Urur Goboleedka IGAD ayaa Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay magacaabista Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD ku tilmaamey guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Ethiopia Mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday dib u cusbooneysiinta heshiis is afgarad oo dhanka iskaashiga milateriga.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Aqalka Sare ka hor akhriyay hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, akhrintiisa 1-aad.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Dooxa kaga qeybgaley Shirka 26aad ee Wasiirrada Dalxiiska Jaamacadda Carabta.

26- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha 15aad ee u dhaxeeya wadamada Carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Dooxa ee Qatar kula kulmay Duqa Magaalada Dooxa Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin waxaana ay ka wada hadleen dib u cosbooneysiinta heshiiska mataanayna Muqdisho iyo Dooxa.

28- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal milateri oo ciidanka degaanka ka fuliyeen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

29- Khawaarijta Alshabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug.

30- Wabiga Shabeelle ee ku fatahay Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xaalad go’doon ah geliyay degmada.

31- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar ku saabsan hubinta ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka, mabaadii’da anshaxa iyo badqabka suxufiyiinta u furay 36 suxufi oo ka howlgala warbaahinta qaranka iyo warbaahinta madaxa banaan.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mudane Axmed Xuseen.

33- Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hergelisay mashruuc waxbarasho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo ka mid ah goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.

34- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Al Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras oo hoostaga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Israa’iil oo sheegtay in dagaalka ay kula jirto Xamaas uu socon karo dhowr bilood

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa u sheegay la taliye Jake Sullivan  oo ka socda mareykanka in milatariga Israa’iil ay u baahan yihiin wax ka badan dhowr bilood si ay uga adkaadaan ururka Xamaas oo illaa hadda dagaallo culus ka wada aagagga ay ka imaanayaan weerarada ciidamada Israa’iil.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dagaalada ay ka wadaan Gaza ay qaadan doonaan waqti dheer,iInkasta Maraykanka uu Israa’iil  cadaadis ku saarayo in muddo gaaban ay ku  soo afjaraan dagaalka.

“Madaxweyne Biden ayaa doonaya in Israa’iil ay diiradda saarto sida loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah” sidaasi waxaa yiri  la taliye Jake Sullivan oo la kulmay r/wasaare Netanyahu.

Dhinaca kale ciidamada Israa’iil ayaa saacadihii u dambeeyay weeraro ka geystay Jenin iyo deegaanno kale oo ka tirsan Marinka Gaza,halkaas oo ay ku dileen 11 Falastiiniyiin ah.

Ugu yaraan 18,787 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Yugaandha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Yuganda,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diirran.

Wafdiga uu hoggaminaayo madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

24-kii bishii hore ayeey aheyd markii si rasmi ah loogu dhawaqay in Soomaaliya ay kamid tahay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika,kadib dadaal badan oo ay sameeyeen madaxda dalka.

Qariiradda EAC oo lagu daray tan Soomaaliya

Waxaa Isbadal lagu sameeyay qariiradda Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kadib ku biiristii Soomaaliya waxaana lagu biiriyay qariiradda Soomaaliya.

Qariiradda ayaa markii hore aheyd sida hoose ka muuqato.

Soomaaliya ayaa 24-kii November 2023 ku biirtay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu xiligaas guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya kadib markii la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururka.

Ku biirista EAC ayaa qariiradda isku badashay sida hoose ka muuqato.

 

Hay’adda SoDMA oo Laba doonyo oo sida shixnado gargaar ah u dirtay Puntland & Jubbaland

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa maanta Laba Doonyo oo sida shixnado gargaar ah u kala dirtay deegaanada dowlad-goboledyada Puntland iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa galabtii doonyahaan ka sagootiyey dekedda Muqdisho

Gargaarkaan raashinka ah ayaa loo diray bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka jirto xaalado bani’aadanimo oo adag, taas oo ka dhalatay daadad ka dhashay cimilada El Niño.

Waa gargaarkii labaad ee loo diro Jubaland oo ka mid ah Dowlad-Goboleedyada dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay daadadka.

Sidee ayay saaxiibada Soomaaliya uga falceliyeen go’aankii taariikhiga ahaa ee deyn cafinta?

Tan iyo markii shalay Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah waxaa isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah.

Kristalina Georgieva oo ah madaxa IMF ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan, waxay tilmaamatay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay.

Xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada.

Workneh Gebeyehu waxa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbadalo muhiim ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbadalka dhaqaalaha.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa iyada sheegtay in horumarada Soomaaliya dhanka dowladnimada, dhisida heyadaha iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin kuwo bogaadin mudan.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga gobolka Baay

Howlgalkan ay fuliyeen ururka 154-aad Ee guutada 8aad ee qeybta 60aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa laga fuliyey Saaxada Raaxole, Gaanuwaay, Degolool, Banyaal, Biilale, Buulla- Adooy iyo deegaano kale dhaca woqooyi galbeed degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliye Xigeenka ururka 154-aad guutada 8aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Xidigle Mursal Cali Maxamed ayaa ku tilmaamay howlgalka in uu ahaa bartilmaameedkiisa in lagu bacsado koox ka tirsan khawaarijta Al shabaab oo ku dhuumaleysanayey hoodka fog ee Degmada Diinsoor.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in weerark u ahaa mid qorsheysan oo ay ku qadeen goobo ay ku tuhmayeen inay isku aroorsanayeen Khawaarijta Al Shabaab.